Sign in to follow this  
Cowke

The Amazing Spirit Of Bossaso People

Recommended Posts

Cowke   

SDC10832-595x446.jpg

 

SDC10840-595x446.jpg

 

SDC10833-595x446.jpg

 

D74.jpg

 

B5.jpg

 

B6.jpg

 

B9.jpg

 

B3.jpg

 

 

Boosaaso(AllPuntland)- Shacuubta magaalada

 

Boosaaso ee Puntland ayaa maanta gurmad adag ufidiyey dadkii waxyeeladu shalay ka soo gaartay dabkii shalay sababay in ay guryo beelaan dad kor udhaafaya 1300 oo Qoys, waxaana maanta magaalada ka bilowday Ole-Ole adag oo ay qeyb wanaagsan ka qaateen Ardayda Dugsiyada Sare iyo Maamulka Puntland, gaar ahaana Masuuliyiinta dhawaan loo dhiibay gobalka Bari, oo ahaa masuuliyin soo jiiftay niyada dadka iyo taageeradooda.

 

Dad usocday koox koox ayaa tagayay xaafadaha magaalada Boosaaso, waxa ayna dadka ka aruuriyeen wixii ay awoodaan, taasoo keentay in baabuur dhan oo gargaar ah luguna helay Alle Idinkiis, maanta la gaarsiin doono dadkii ay musiibada dabiiciga ah gaartay.

 

Dhalinyarada iyo Culumada Diinta ayaa ku dhaqaaqayay hadalo ay uga soo horjeedaan in gargaaro la weydiistay Shaqsiyaad dhib ku haya Shacabka Islaamka, oo ula jeedeen Hay'adaha Samafalka oo inta badan lacagaha soo gala lugu eedaynayo in ay ku bixiyaan Hotelo iyo howlahooda gaarka ah.

 

" Hay'ado uma baahnin Alle weyne ayaa wax caawiya, Alle ayaan gargaar weydiinaynaa, dadkeena ayaa isku filan, Alle ayaan isku xirnay, Alle Idinkiise wax kasta wey qabsoomayaan Hadii Rabul caalamiinku ogolado" Ayay lahaayeen Boqolaal Dhalinyaro ah oo socod ku tagtay Xaafadah magaalada Boosaaso.

 

Culumada Diinta iyo Maamulka dawladda Hoose ee Boosaaso ayaa soo dhaweeyey talaabadan, waxa ayna sheegeen in dadka oo wax loo qabtaa ay tahay mid wanaagsan, waxa ayna Culumada aad uga hadlayeen hadalada mudooyinkii ugu dambeeyey soo baxayay oo ahaa in gargaar laweydiisto Hay'adaha Samafalka, taasoo ah mid uu Alle weyne ugu caroonayo dadkiisa.

 

" Waa in aan muujinaa in aan ku xiranahay Rabul caalamiinka, waa in aanan oran Hay'adaha Samafalkoow gargaar keena, Umada isku filan ayaa nahay, Umad Islaam ayaan nahay Gargaar oo dhan gacanta Alle ayuu ku jiraa, isaga ayaana ka dooneynaa kana baryayanaa cid kale gargaar kama rabno" Ayuu yiri Gudoomiyaha gobalka Bari Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf.

 

Dadkii dhibaatadu taabtay ee ku hoyday meesha cidlada ah xalay, ayaa maanta dareenkoodu ahaa mid kacsan, waxa ayna soo dhaweeyeen gargaarka ay lasoo gaareen Walaahooda, ee Alle ugu soo dhiibay.

 

Shaqsiyaad ka tirsan Hay'adaha ka howlagala Boosaaso oo saaka tagay goobta ayaa la kulmay talaabooyin aysan horey uarki jirin, iyadoo horay ay dadku ku soo ordi jireen, balse maanta ayaa la sheegay in la waayay dadkii u imaan jiray, dadkii ay la kulmeena ay muujiyeen in aysan waxba uga baahneyn.

 

Talaabada ay ku dhaqaaqeen Shacabka iyo Maamulka Boosaaso ayaa ah mid ay soo dhaweeyeen Shacabka Soomaaliyeed ee jooga dunida oo dhan, waxaana talaabooyinka ay bilow utahay balan qaadkii dhexmaray dadka iyo Maamulkooda oo ahaa in uu ku dhaqmayo Shareecada Islaamka, luguna taageero.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this