Jacaylbaro Posted February 12, 2008 Hargeysa, (Harowo) - Agaasimaha guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Md: Axmed Aadan Ismaaciil (keyse) ayaa ayaa ka gudoomay Caaqil C/Laahi Caraale Cawshaan waraaqihii aqoonsi ee Caaqilnimo oo ay hore u siisay Wasaaradda Arimaha Guduhu ka dib markii uu Caaqilkaasi iska casilay xilkii caaqil nimo isla markaana waxa uu ka aqbalay istiqaaladaas. Xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay Iscasilaada madaxdhaqameedkaas oo ah tii ugu horaysay nooceeda ee ka dhacda dalka ayna ka soo qayb galeen, Agaasimaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, Wax garad iyo Cuqaal kale. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha oo halkaa ugu horayn ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada maanta halkan laysugu yimiday tahay arin ku dayasho mudan oo sida uu tilmaamay aanu nooceeda oo kale hore u arag, waxaanu ku bilaabay hadalkiisii “Aad iyo aad baan ugu mahad celinayaa dhamaan cuqaasha iyo Caaqil C/laahi Caraale Cawshaan, ujeedada halkan la iskugu yimidna waxay ahayd arrin ku dayasho mudan oo intii aan joogay iyo intii aanu is waydiinayba aan hore u dhicin, taas oo ah nin caaqil ah oo cumaamad qaatay oo ku shaqeeyay Wasaaradda Arimaha Gudaha ka diiwaan gashan oo in muddo ah ku dhex jiray reerka ka tanaasula caaqil nimada, waxanu u aragnaa in ay tahay arin muhiim ah.” Ayuu yidhi Agaasimuhu. Agaasimuhu isagoo sii wata hadalkiisa waxa kaloo uu ka hadlay cuqaasha faraha badan ee Reeruhu keenaan waxaanu yidhi: “Cuqaalaha kale ee reeraha laga daba keenay ama cuqaalaha badan ee reeruhu samaysteen ee reeraha khilaafka dhex dhigay inay tanoo kale sameeyaan ama ku dayan karaan, markii keyse iyo xisaabiyaha guud ee sheegeen waxaan is idhi waa arin riyo ah sababtoo ah maynu arag oo waa wax naadir ah nin intuu cumaamad qaatay, Suladaan noqday ama Caaqil noqday oo yidhi waan ka tanaasulay maynu arag, laakiin taariikhdaa waxa beeniyay C/laahi Caraale Cawshaan iyo gudidii ka soo shaqaysay, waxaanay nagu kaliftay in aan saxaafadda u marino si cuqaalada kale ay ugu daydaan. C/laahi Caraale gali doono taariikhda Madax dhaqameedyada” Ayuu yidhi Agaasimaha guud. Caaqilkii is casilay Caaqil: C/aahi Caraale Cawshaan oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka waramay sobobta ku dhalisay in uu sidan yeelo waxanu hadalkiisii ku bilaabay “Anigu Caaqil baan ahaa, Caaqil iga horeeyayna Reerku wuu lahaa, Reerkii waxa soo dhex galay woxogaa qalaan qal ah reerkiina kala tagistiisu dawo maaha, waxa dawo ah marka reerku wada socdo oo aan qalaanqalna jirin dhexdooda, hadaba markii qalaan qalkaasi na soo dhex galay ayaan go’aansaday waxaanan taydii ka door biday tii reerka oo dantu ku jirtay.” Ayuu yidhi C/laahi Caraale. C/laahi Caraale waxa uu tilmaamay in uu sidan u sameeyay in Reerku isku duubnaado isaga oo hadalka sii watana waxa uu intaa ku daray “Hadii aan anigu caaqil nimada haysto oo reerkaygu kala tago dawo ii noqon mayso, halkaasaanan tanaasul ku sameeyey, Ugu dambayntii waxaan leeyhay kuwa iga dambeeya sidaa si leeg sameeya”. Ugu dambayntii waxa halkaa ka hadalay odayaashii soo qaban qaabiyay hawshan oo dhamaantood sheegay muhiimada ay leedahay isku tanaasulka uu sameeyay Caaqilku. Quote Share this post Link to post Share on other sites