Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Demonstration Against Cade Muse

Recommended Posts

Mogadishu 15, Oct. 07 ( Sh.M.Network)- Banaanbax looga soo horjeedo guuldarada ciidamada Puntland ka soo wajahday dagaaladii saakay ka dhacay magaalada Laas caanood ayaa maanta ka dhacay magaalada Garoowe, iyadoo dhinaca kale Madaxweynaha Puntkand uu si deg deg ah ugu soo laabtay magaaladaasi.

 

Madaxweynaha Puntland, Cadde Muuse Xirsi ayaa galabta gaaray magaalada Garoowe isagoo safar deg deg ah oo aan horey loo sii shaacin uga soo laabtay magaalada Jabuuti oo uu tagay maalmo ka hor markii uu ka soo laabtay magaalada Adis ababa.

 

Cadde Muuse ayaa socdaalkiisa lala xiriirinayaa guuldarada ka soo gaartay maamulka Puntland dagaalkii saakay waabarigii ka dhacay duleedka iyo gudaha magaalada Laas Caanood, halkaasi oo ciidamada Somaliland ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Laas Caanood.

 

Dib ugu soo labashada Cadde Muuse ee magaalada Garoowe ayaa ku soo beegmatay xilli Banaanbax uu ka soconayay magaaladaasi, iyadoo dibadbaxyadaasi looga soo horjeeday guuldaradii ka soo wajahday ciidamada Puntland dagaalkii ka dhacay magaalada Laas Caanood.

 

Dad u badan haween iyo caruur ayaa isugu soo baxay magaalada Garoowe, kuwaasi oo dhagaxtuur ku bilaabay goobaha ganacsiga ee xilligaasi shaqeynayay, iyadoo taasi ay qasab ka dhigtay in dadka isku dayay in shaqadooda ay sii wataan ay albaabada u laabeen goobahooda ganacsi.

 

Dad ku sugan magaalada Garoowe ayaa waxa ay SHabelle u sheegeen in ku dhowaad 20 ruux oo dhaawac ah la soo gaarsiiyay isbital ku yaala magaalada Garoowe, kuwaasi oo ahaa ciidamadii Puntland ee saakay ka dagaalamay aagga Laas Caanood.

 

17 ruux oo 3 ka mid ah ay xaaladooda liidato ayaa la dhigay Isbitalkaasi, iyadoo sidoo kale tirada dhimashada labada dhinac ay ka badan tahay 20 ruux.

 

Waxaa jira isku hub urursi ka soconaya gobolada Puntland si ay dib ugu noqdaan aagaggii maanta ay ka qabsadeen ciidamada Puntland.

 

 

here

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this