Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Faysal Cali Waraabe to Mediate Somalia ??

Recommended Posts

FaysalWaraabe222.JPG

 

Hargeysa (Qarannews)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa markii ugu horreysay ****olka ka qaaday xisbi ahaan inay soo dhoweynayaan shirka dib-u-heshiisiinta kooxaha ku loollamaya siyaasadda Soomaaliya uga socda dalka Jamhuuriyadda Djibouti.

 

“Cadowgii ina qarxiyey wuxuu ka yimi Soomaaliya, markaa si aynu uga badbaadno waa in aynu gacan ka geysana dib-u-heshiisiinta kooxaha Soomaalida, maadaama siyaasadda Soomaaliya saamayn weyn ku leedahay Somaliland, annaguna xisbi ahaan waannu soo dhoweynaa shirka dib-u-heshiisiinta ee ka socda Djibouti.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID oo ka hadlayey munaasibad loo sameeyey xuska sannad-guuradii 17aad ee ka soo wareegtay aasaaska wargeyska Jamhuuriya oo shalay kulmisay siyaasiyiin door ah oo afkaaraha siyaasadeed ku kala durugsan.

Eng. Faysal Cali-waraabe waxa uu ku baaqay in reer Somaliland taageeraan oo ka hawlgalaan sidii loogu qaybqaadan lahaa dib-u-heshiisiinta dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, taas oo uu tilmaamay mid saamayn weyn ku leh jiritaanka iyo qarannimada dalka Somaliland.

 

Waa markii ugu horreysay ee mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha axsaabta qaranka Somaliland si toos ah ugu dhawaqo in la taageero oo laga qaybgalo dedaallada beesha caalamku ugu jirto dib-u-heshiisiinta kooxaha ku loollamaya talada Soomaaliya iyo sidii loo dhisi lahaa dawlad lagu wada qanacsan yahay oo dalkaas ka dhalata.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Ninkaas ayuu saaxibkaa AT&T taageeraa bal ka warran, uu waliba funaanad faysal cali waraabe sawirkiisa xiranyahay :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

I guess his 'goosasho' is only against some certain clan.

 

He thinks kuwa ku shiraayo Jabuuti inay ku jirin that said certain clan uu necebtahay it seems.

 

Waxaas ayaa wax bartay la leeyahay. Waxa hoggaanka u dhiibtay ayaaba ka daran oo aaminsan kaas iyo aragtidiisaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

He thinks kuwa ku shiraayo Jabuuti inay ku jirin that said certain clan uu necebtahay it seems.

That's not the reason he's given, maybe that's what YOU think about the Djibouti agreement.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by NGONGE:

^^ Can you imagine him as president? He'll invade Madagascar.

looooooooool......oo muxuu ku maagayaa? Maxaad Afrika uga goosateen oo uga durugsan tihiin?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Kool_Kat:

^Dee Xamarba idinma doneysee kadhaqaaji baa lagu yidhi...

if all the people where like you

maalin kasta dhaha idin ma rabno reer woqoyi jarrka dhaca it makes us happy

 

barri horre baa anaga na la ictraafi laha

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^^ C'on now, don't get ahead of yourself. The article says he supports the the caravan not that he'll drive it. Your headline is misleading.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this