Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Bandhig Faneed Dhaqaale Loogu Ururinayay Horumarinta Adeegyada Gobolka Sool

Recommended Posts

Bandhig Faneed Dhaqaale Loogu Ururinayay Horumarinta Adeegyada Gobolka Sool Oo Hargeysa Lagu Qabtay

 

Hargeysa(Qaran)- Bandhig faneed dhaqaale,loogu ururinayay Shacbiga Gobolka Sool iyo Ciidamada qaranka,ee ku sugan jiidaa gobolkaasi,ayaa xalay lagu qabtay Huteelka Maansoor,ee Magaalada Hargeysa,riyaawadaasi oo halkudhigeedu ahaa Isku-yaal Kala ooman.

 

Bandhig Faneedkaasi,oo ay ka dambeeyeen qabanqaabadiisa qaar ka mid ah Ururada bulshada,waxa ka dhex muuqday Fanaaniinta Qaranka,ee ka hawl gala,Wasaarada Dhaqanka

iyo Dalxiiska,waxana uu ku saabsanaa qiimaha wadaniyada iyo dad walaalo ah,oo iska difaacaya cadow,weerar ku soo qaaday,oo doonaya inuu qaar ka mid ah kaxaysto,waxana la sheegay in kharashka ka soo baxa Riwaayadan,loogu deeqi doono,horumarinta adeegyada Caafimaadka iyo waxbarashada ee Gobolka Sool iyo ciidamada qaranka.

 

“Reer Sool waa reer Somaliland waa dad Muwaadiniin ah , waa dad wadankooda jecel waa dad u heelan wax qabad runtii , reer Somaliland sidaasi oo kale ayay walaalahood ugu ooyayaan markaa waxaan leeyahay nabada iyo midnimada illaahay ha inoo adkeeyo horumar iyo ictiraafna hayna gaadhsiiyo’’.sidaas waxa yidhi Wasiirka dhaqanka Iyo dalxiiska Somaliland,Md Cabdirisaaq Waabari Rooble,oo ka hadlay furitaankii Barnaamijkii Riwaayadaasi lagu soo bandhigayay.

 

Wasiirka Dhaqanku,waxa uu sheegay in bandhig-faneedkaas, lagu dhigi doono

Fagaaraha Beerta xoriyada Hargeysa,kadibna Gobolada dalka La geyn doono.

 

Wasiirku waxa uu u mahad celiyay Marwo Faadumo Siciid , Ururada Bulshada iyo

Fanaaniinta Qarankaba , waxaanu xusay in beerta xorriyadana riwaayadan lagu

dhigi doono .

 

Md Cabdirisaaq Waabari,waxa uu amaanay, Marwo Faadumo siciid Ibraahim,oo keentay

fikirada ah,in Fanaaniintu kaga qeyb qaataan waxtarka dalkooda, badhig-faneed.

 

Marwo Faadumo Siciid Ibraahim,oo munaasibadaas ka hadashay,ayaa ka sheekaysay in kharashkii ka soo baxay Riwaayada oo ahaa [450 Dollar],lagu dabooli doono baahiyaha adeega caafimaad ee cisbitaalka Laascaanood iyo adeegyada kale ee ijtimaaciga ah,waxana aytidhi “Qof kasta oo reer Somaliland ah Gudo iyo dibadba waxa looga

baahan yahay,inuu taageero ka geysto horumarinta Gobolka Sool,waxana cid kasta oo wax ku taraysaa,ay ku soo hagaajin doonaan Account Gobolkaas looga furayo Xawaalada

Dahabshiil”.

 

Faadumo Siciid,waxay Wasiirka Dhaqanka iyo Fanaaniinta Qaranka,uga mahad-naqday sida ay uga aqbaleen hindisihii ay u soo jeedisay.

 

Wasiir ku xigeenka Cadaalada Mudane Yuusuf Ciise Tallaabo oo isagua halkaasi

ka hadlay ayaa sheegay in bulshadu haddii ay isku tashato inay wax qabsato oo ka qayb qaataan horumarka dalkooda ay Somaliland wax walba qabsan karto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this