Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Workshop On Human Rights Held in Lasanod

Recommended Posts

Siminaar looga hadlayey Xuquuqda Aadanaha Iyo Tacadiyada Ayaa Maanta Lagu Soo Gabagabeyey Hotel Xamdi Ee Magalada Laascaanood

 

 

Laascaanood-(HWN)-Wa xaa maanta lagu soo gabagabeeyey Hotel Xamdi ee Magalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool siminaar soconayey muddo Afar maalmood ah kaasi oo lagaga hadalayey xuquuqul insaanka iyo dhowrida soo barakacaayasha wadanka gudiihiisa ah iyo waliba kuwa dibada ka yimi labada.

 

Siminaarka ayaa waxaa soo agaasimay hayada magaceeda loo soo gaabiyo DRC iyado ay fulnayeen komishinka guud ee xuququl insaanka ee somaliland ee fadhigoodu yahay magalada hargaysa.waxaana siminaarkaasi goob joog ka ahaa wakiil ka socday hay´adda DRC iyo waliba gudoomiyaha xuquuqul insanka somaliland oo lagu mnagacaabo Axmed yusuf xasan.

 

Sidoo kale Gudoomiye Axmed oo xidhitaankii siminaarka kalmado ka soo jeediyay ayaa kuloa dardaarmay dadweynihii ka soo qayb galay alle ka cabsi iyo in la tix geliyo dadyawga ka soo barakacay ama kasoo qaxay dhulkoodii arimo cabsi iyo abaaro waxa kale oo uu gudoomiyuhu xusay in loo sameeyay dadka barkacayaasha ah iyo qaxootigaba guddiyo wixii hada ka dambeeyana ay sitoos ah ula soo xidhiidhi doonaan maamulka guddiyadan loo sameeyay.

 

Ka soo qayb galayaasha ayaa dhaaantood waxaa ay sheegeen inay si wayn ugu faraxsan yihiin ka soo qayb galka siminaarakna oo isagu kamid ah kuwa noocisa ah oo aad ugu yar magalada laascaanood.

 

Simnaarada noocan oo kale ah ee lagaga hadalayo arimaha la xidhiidha xuquuqda aadanaha ayaa iyagu waxa ay yihiin kuwa aan inta badan looga barran in lagu qabto magalada laascanood balse ay hada u muuqato in ay bilamayso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this