Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Workshop On Human Rights Held in Lasanod

Recommended Posts

Waxaa saaka lagu qabtay Hotel Xamdi ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool siminaar ka hadlayay xaquuqda aadanaha iyo tacadiyada ka dhaca Dalka kuwaas oo ku yimaada dadka tabaalaysan ama soo barakacay kuwaas oo ka yimi Gobolo kale oo aan ku sugnayn markaasi Gobolkooda waxa ay la kulmaan.

 

Siminaarkan ayaa waxaa furay Gudoomiyaha Degmada Laascaanood Canbaashe Aw Daahir oo xusay in siminaarkani wax wayn ka tari doono dadka ka qayb gala loona baahan yahay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara tacadiyo la xidhiidha dhanka aadamaha isagoo sidoo kale xusay in Gobolkani si wayn loogu amaano inaysan ka dhicin wax tacadiyo ah.

 

Siminaarkan maanta lagu qabtay Hotel Xamdi ayaa waxaa kasoo qayb galay oo loogu talo galay qaybaha kala duwan ee bulshada iyadoo ay kasoo qayb galeen laamaha amniga ee Gobolka Sool,maamulka Dawlada hoose iyo waliba qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Gobolka Sool kuwaas oo ay ku jiraan dadka ka shaqaysta Gobolka ee kasoo jeeda koonfurta Dalka Somalia.

 

Axmed Yuusuf Xasan oo ah Gudoomiyaha xuquuqul insaanka ee komishinka qaranka oo siminaarkan qabtay ayaa waxa uu xusay mar uu halkaasi ka hadlay in siminaarkani uu yahay mid lagu soo bandhigayo tacadiyada ka dhaca Dalka iyo waliba iyadoo shacabka deegaankan looga baahan yahay inay soo bandhigaan waxyaalaha ay arkeen ee tacadiyada ku saabsan.

 

Isku soo wada duunoo waxaa halkaasi ka hadlay qaar kamid ah shacabka ku dhaqan deegaank kuwaas oo aragtiyo kala duwan ka bixiyay tacadiyada ka dhaca Dalka iyadoo mid kamid ah dadka kasoo barakacay deegaanada Bay iyo Bakool oo hadda ku sugan Gobolka Sool uu xusay in si wayn loogu soo dhaweeyay Gobolka ay ixtiraamaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

^^^^^^^^ Horta what is your treacherous plan behind this thread. Maybe to exert your ill-founded claims to a people who reject you?

Share this post


Link to post
Share on other sites

your right, every journey starts with one step but because we are so behind, we can think like that, inta tobon qof maqsin yar lagu so aruurinayo, geedkasta in layskugu yeero ka fiicnanlaheed. afsomaliguna hadu iga khaldanyahay ii sax sxb, am gonna abuse you guys with broken somali.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Originally posted by Jacaylbaro:

halkee ku xanuuntay ?? ,,,

JB, halkaa iyo halkaa iyo weliba halkaas ugu daran. Walaalow wax daaba ma ii haysaa? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this