BN Posted October 24, 2004 Banaanbax lagu taageerayo dowladda cusub ee Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta gobalka Banaadir October 24, 2004. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Banaanbax lagu taageerayay dowladda cusub ee Federaliga Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay xarunta gobalka Banaadir degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho. Banaanbaxaan oo ay ka soo qeybgaleen qaar ka tirsan ururada haweenka ee gobalka Banaadir iyo dhalinyaro ayaa waxaa soo abaabulay maamulka gobalka Banaadir iyo xubno ka tirsan TNG-dii Carte. Dadka isugu soo baxay banaanbaxaasi ayaa waxaa la hadlay ku simaha guddoomiyaha gobalka Banaadir isagoo sheegay inay soo dhaweynayaan dowladda cusub ee dhawaan Nairobi lagu soo dhisay. Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadashay oo uu ka mid ahaa duqa magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Sabriye Shaawey ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan lana shaqeynayana dowladda dhawaan Soomaailda loo dhisay. Goobta lagu qabtay banaanbaxan maanta lagu taageerayay dowladda cusub ee Soomaaliya ayeysan ka muuqanin taageerayaasha hogaamiye kooxeedyada magaalada. Quote Share this post Link to post Share on other sites
BN Posted October 24, 2004 Dibadbaxii ugu horreeyey oo lagu taageerayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, oo maanta kaDhacay Xaruunta "Ufficio Governo" ee Magaalladda Muqdisho Muqdisho, Axad, 24-0kt’04 Boqolaal qof ayaa waxay barqanimaddii maanta isugu soo baxeen Dibadbax lagu taageerayey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, oo ka dhacay Barxadda ka soo horjeeda Xaruunta Maamulka Gobalka Banaadir ee "Ufficio Governo" ee Degmadda Xamar-Weyne ee Magaalladda Muqdisho. Dibadbaxani oo ah kii ugu horreeyey ee laga qabanqaabiyo Magaalladdan Muqdisho, ayaa waxa uu ahaa mid ammaankiisa aad loo adkeeye, isla markaana Maleeshiyooyin Hubeysan lagu daadiyey dhammaan Waddooyinka ku hareersan Fagaaraha lagu dibadbaxayey. Dibadbaxaasi, oo ay soo qabanqaabiyeen Maamulka Gobalka Banaadir, waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen K/S Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, Md. C/llaahi Firimbi iyo K/S Duqa Magaalladda Muqdisho, Md. Ibraahim Shaaweeye iyo xubno ka tirsan Ururradda Bulshadda Rayidka, waxayna muujiyeen inay si xoog leh u ayidsan yihiin, isla markaana soo dhaweynayaan Dowladda Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed. http://www.mudulood.com/Page7.htm Quote Share this post Link to post Share on other sites