Sophist Posted January 30, 2004 Waraysi aanu la yeelanay kornayl Axmed Cabdi Cali(Cagacade) (Radio Laascaanood) 30.01.2004 Barnaamij gaar ah oo idaacada Laascaanood ka baxay ayaa lagu waraystey, waxaanuna idin soo gudbinaynaa qaybtiisii kowaad. Waraysi aanu la yeelanay Kornaylk Axmed Cabdi Cali(Cagacade)oo degan magaalada Laascaanood, wuxuuna waraysigii u dhacay sidatan: Su’aal: Axmed sidaad ogtahay dad badan waxay qabaan in aynu ka mid ahaan jrnay beelihii heshiiska la galay gumaystihii Ingiriis ee arrintaasi maxaa jira? Jawaab: Sidaan ognahay qarnigii 19aad aakhirkiisi waxaa dhacay shir lagu qaybsaday deegaanada ay kala degaan beelaha soomaalida waxaana kala qaybsaday dalalkan: Xabashida, Talyaaniga, Faransiiska iyo Ingiriiska. Qaybsigaasina Ingiriis wuxuu qaatay ka soo bilow ******** , Ciise, Beelaha Isaaqa, Warsangeli iyo Beesha *********** inta u dhaxaysa,nwuxuuna heshiis la galay madax dhaqameedyadii beelahaasi ee markaa jirey, dhamaantoodna way wada aqbaleen, marka laga reebo beeshii *********** oo iyagu gaashaanka si cad ugu dhuftey inay heshiiskaasi galaan. Beesha Wasangeli Suldaankoodii oo markii hore aqbalay heshiiska markii uu fahmay tabaha iyo siyaasada ingiriis wuxuu suldaan Maxamuud Cali Shire kala laabtay kalsoonidii waana la xidhay suldaanka diidistaasi ka dib. Ergaygii gumaystaha ee loo soo direy carro *********** wuxuu muddo safar gala bixiyo labadii isim ee markaa jirey iyo guurtidoodii waa Garaad Jaamac iyo Garaad Maxamede wuxuu Nugaal ka huleelay isagoo ku guul daraystey ujeedadiisii siyaasadeed. Ingiriisku beelihii uu heshiiska la galay wuxuu ku soo rogay cashuur iyo inuu u dhiso dugsiyo carruurta lagu baro diinta Masiixiga, arrintaa oo muddo shaqaynaysey, mudadaa ka dib waxaa dalka dib ugu soo laabtay Sayid Maxamed Cabdalla Xasan iyo culimo kale oo ka soo laabtay dalalka carabta, culimadaasi waxaa halkaasi lagu weydiiyey cashuur oo ay agabkooda ka bixiyaan, taasi oo qancin weydey Sayidka iyo culimadii la socotey, waxaa halkaasi ka dhashay inay kala fogaadaan ingiriiskii. Sayidku markii u taa dareemayna isaga iyo culimadii la socotey waxay bilaabeen olole siyaasadeed Berbera iyo nawaaxigeeda ingiriisku markii uu taa ogaaday wuxuu amray in la soo xidho Sayidka iyo ragiisa, ka dib markii Sayidku taa ogaaday wuxuu xeeshiidii siyaasadeed eek u wajahnayad gumaysi diidka ula spp wareegay degaanada gobolka Togdheer halkaasi oo ay si wanaagsan uga bilaabmatay aakhirkiina wuxuu soo gaadhay deegaanada Beesha Dhulbahanate oo ay kana hanaqaaday abaabulkii iyo dhismihii ciidamada Daraawiisheed. Muddo ka dib waxaa labadii dhinac dhex maray dagaalo hubaysan oo soconayey muddo 20 sano ka badan, dagaaladaasina inta badan waxa gacanta sare lahaa ciidamadi daraawiisheed, inigirisku markii uu kaga adkaan waayey dhulka isagoo kaashanaya quruumo kale sida hindi iyo afrikaan, ayuu dhanka circa ka soo wareeray, waana qowmiyadii ugu horeysey ee gumaystuhu markuu u caal waayey uu kula dagaalamo diyaarado, cirka ka soo weerara. Daraawiishta oo muddo halgan kula jirtey ingiriiska iyo xulafadiisa isla markaana aan haysan hubka loo isticmaalo lidka diyaaradaha waxaa halkaa ku hakaday halgankii iyo dagaaladii ay daraawiishtu kula jirtey ingiriiska iyo ku calanwalayntii, gumaystuhuna wuxuu gacan bir ah ku dhigay wixii daraawiish ka soo hadhay, intaa ka dib halgaankaa galay hakadka iyo qabsashadaa ingiriiska iyo xulafadiisa deegaanka *********** waxaa bilaabmay intii soo hadhay sidii loo gumaysan lahaa, waxaana uu socday ilaa 36sano kuna dhamaaday 1960 marka cidda leh *********** heshiis buu la galay waagaasi, wakaase maxay daliil u hayaan?muxuuna ku macnaynayaa halgankaasi gobonimo doonka ahaa e aabayaashii iyo awoowayaashii ay la galeen gumaystaha, laguna waayey naf iyo maalba Intaasi waxaa u eeg qaybtii kowaad ee waraysigaasi, oo cod daleeyaha amaba istuudiyaha idaacada Lascaanood uu marti ku ahaa Kornayl Axmed Cabdi Cali oo isagu ku magac dheer (Caga cade). Radio Laascaanood Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites