Sign in to follow this  
SOO MAAL

Guddoomiyaha oo berri ku dhawaaqaya Magaalada lagu qaban doono Kulanka Baarlamaanka

Recommended Posts

SOO MAAL   

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isagoo kalsooni qaba berri ku dhawaaqaya Magaalada lagu qaban doono Kulanka Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed

 

Jimco, January 20, 2006(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo maalmahaan kulamo la lahaa xubnaha baarlamaanka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku sugan si uu uga dhaadhiciyo waxyaabihii uu ku saabsanaa heshiiskii ay isaga iyo Madaxweynaha ku soo gaareen magaalada Cadan ee dalka Yemen ayay warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in uu Guddoomiye Shariif Xasan ku guuleystay in uu dhamaan xubnaha labada gole ee Muqdisho uu ka dhaadhiciyo in ay qaataan heshiiskaas, isla markaana ay maalinta berri ah ka soo wada qeybgalaan kulan looga hadli doono heshiiskaas iyo weliba magaaladii lagu qaban lahaa Kulanka ugu soo horeeya ee ay isugu imaanayaan dhamaan Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed.

 

Shariif Xasan ayaa maalmihii tegay wuxuu si guud iyo si gooni gooni ahba uu kulamo ula qaatay Xubnaha labada gole ee Muqdisho, kuwaasi oo ay ugu dambeyntii isla garteen in meesha laga saaro khilaafaadyada jira, isla markaana meel looga soo wada jeesto sidii ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed uga kici lahayd naafada ay noqotay mudadii ay soo jirtay.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu wakaalad ka helay xubnaha Baarlamaanka taasi oo maalinta berri ah u suurtagelin doonta in uu ku dhawaaqo magaaladii lagu qaban lahaa kulanka ugu soo horeeya ee xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed, inkastoo ku dhawaaqistaas wararka qaarkood ay ku tilmaamayaan in ay tahay mid soo jeedin ah kadibna ay xubnaha Baarlamaanka dood ka yeelan doonaan.

 

Heshiiskii ay wada gaareen madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa soo dhaweeyay inta badan xubnaha labada gole ee Dowladda ee ku kala sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, marka laga reebo Wasiirrada hubeysan ee Muqdisho oo iyagu aan muujin wax ogolaasho iyo diidmo ah oo ku saabsan heshiiskaas, walow ay ku gaabsadeen in ay marka hore doonayaan in loo faah faahiyo waxyaabihii ay labada mas'uul ku soo heshiiyeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this