Sign in to follow this  
Cowke

Xudun Leaders Say We Are Puntland Go Away Somaliland

Recommended Posts

Cowke   

Waxgaradka Degmada Xudun oo ka horyimid dhaq dhaqaaqa Maamulka Soomaliland halkaa ka wado

(Garowe) RBC: Dadka ku dhaqan degmada Xudun ee Gobalka Sool ayaa si wayn uga horyimid dhq dhaqaqa ay halkaa ka wadaan Mamulka Soomaliland oo ay ku doonayaan in ay cod kga helaan dadka deegaankaa ku dhaqan.

 

Shacabkaa ayaa sheegay in ay yihiin dad reer Puntland ah islamarkaana aysan doonayn Maamulka Somaliland qorsha uu deegaankaa ka damacsan yahay oo ah mid uu ku doonayo in deegaanka la keena sanadiiqda codbixinta.

 

Xsan Axmed Ow jaamac oo ah dadka deegaanka ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan deegaank Xudan ay yihiin dad Puntlnd ka soo jeeda taasna ay keentay in ay ka horyimaadaan maamulka Soomaliland

 

Maalintii shaly ayaa deegaankaa waxaa ka dhacay dibabaxyo looga soo horjeeday Socdaal uu halkaa ku yimid Madaxwayane ku xigeenka Soomaliland Axmed Yusuf Owyaasiin kaa oo lugu soo dhaweeyay banaanbaxyo dadka reer Xudun ay dhigeen.

 

Dadkaa ayaa ku dhawaaqayay erayo ay kaga soo horjeedaan gooni isku taiga Maamulka Soomaliland waxa ayna ku hadaqayeen DOONI MAYNO GOONI ISKU TAAGA SOOMALILAND taasna waxa ay keentay in ay ka caraysiiso tageerayaasha Xisbiga UDUB.

 

Xaalada degaankaa yaa iminka degan waxa ayna si wayn uga horyimaadeen siyaasada Maamulka Soomaliland uu halkaa ka damacsan yahay waan markii ugu horaysay ee Madxwayane ku xigeenka Maamulka Soomaliland uu halkaa soo gaaro.

 

RBC NEWS

 

Xafiiska Garowe

 

C/raxmaan ilkacase

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Guddoomiyaha gobolka Cayn oo ka hadley heegan ciidan

24 Jun 24, 2010 - 3:38:36 PM

 

 

 

Abshir Cabdulahi, GAROWE ONLINE

 

Gudoomiyaha gobolka Ceyn ee Xariir Maxamud Axmed oo wareysi siiyey Idaacada Garowe isaga oo jooga magaalada Buuhoodle ayuu ka hadley arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay xaalada gobolka & Shirar maalmihii la soo dhaafey ku qabsoomey Kuwaas oo u dhexeeyey maamulka,Laamaha amniga, bulshada deegaanka & Wafti Xillibaano oo ka socda Dowlada Puntland.

 

Xariir Maxamud Ahmed Gudoomiyaha gobolka Ceyn Maamulka waxa uu Radio Garowe u sheegey in xaalada nabad-galyada xilligan tahay mid wanaagsan Balse uu jirro qorshe maamulku gobolka heegan ku galiyey ciidanka Darawiishta Dowlada Puntland ee ku sugan gobolkas taasna ay kaga hor-tagayaan isku dayga maamulka Somaliland ku doonayo in doorashoyinkiisa ka hirgalan deegaanada Ceyn, Sool, iyo Sanaag Ka tirsan.

 

Waxa uu intaa ku darey gudoomiye Xariir isaga oo ka jawabaya su'al ku sabsaneyd in maamulku hayo xog Somaliland sanaadiiq ku keeneyso degaanadas ayuu yiri, “Ma jirro xiriir anaga & Somaliland noo dhexeeya laakiin waxaan fillaynaa xilliyadan oo kale wey soo hunguriyeeyaan gobolka.”

 

Radio Garowe ayaa dhinaca kale su'aaley Guddomiyaha gobolka Cayn in Jabhadda isku magacowdey SSC qayb ka tahay heeganka la galiyey ciidamada ayuu ku jawaabey Xariir, “Saleebaan (Xagle-Toosiye) Ma aha maamul, waa nin shacab ah oo gurigiisii jooga, heegankana waa mid khuseeya dowlada ee annaga Saleebaan nooma aha ciidan Dowladeed."

 

”Saleebaan Jabhada uu sheegtaa ma aha mid Puntland ah, waa nin dhalinyaro reerkiisa arursadey, shaleyna Puntland doorashadeedii uu u tartamayey markii laga guuleystey oo uu waayeyna wixii uu doonayey waa caroodey,waxaana uu yiri anaa Madaxweyne ah taasna waa mid kaligiis ku kooban, annaguna aad baan u kala fog nahay waayo shaqaale dowladed ayaan nahay annagu”ayuu yiri Md. Xariir Maxamud oo hadalkiisa sii wata.

 

Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa dhamantood heegan la galiyey iyada oo Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiraxman Farole halkaas u kala direy Wasiiro iyo Xildhibaano.

 

Gobolka Sanaag ayaa waxaa maalintii shaley gaarey Wafti balaaran oo ay kala hugaaminayaan Wasiirka arrimaha Guddaha Puntland ilakjiir iyo Wasiirka Xanaada Xoolaha Siciid Xasan Shire kuwasoo iminka ku sugan degmooyinka baran iyo Dhahar. Akhri halkaan

 

Safarkaan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Puntland ka codsadey furitanka Barlamanka in Xildhibanada muddo toban cisho ah fasax galaan kuwasoo u kala ambabaxey gobolada ay matalayeen

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

do you know 5,440 are registered voters from deegmaada xudun and are ready to take part in the sland elections? most of the polls in deegmaada xudun are located in bohol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Garoowe:Puntland oo il gaar ah ku haysa Xuduudaheeda dhanka Somaliland...(Xog Waran).

24. juni 2010

 

Garoowe:(Allpuntland)-Iyadoo Sabtida soosocota (26-06-2010) la rajeynayo in Maamul goboleedka Waqooyi galbeed Soomaaliya ee la baxay Somaliland ay shacabkiisu u dareeraan Doorashooyinka Madaxweynaha & kuxigeenkiisa ee maamulkaas ayaa dawlada Puntland oo xuduudo badan laleh maamulkaas waxay il gooni ah ku haysaa olalaha doorashooyinka ay maamulkaasi wadaan.

 

Dawlada Puntland ayaa ka cabsi qabta in gobolada SSC & Haylaan oo ay Xuduud leeyihiin Somaliland la keeno sanaadiikhda Doorashooyinka ee Maamulkaas,kuwaas oo ay Puntland aaminsatahay in ay tahay xadgudub aanan geedna loogu gaban oo ay Somaliland ku samaysay Mandiqada Puntland oo aysan col & Nabad toona ahayn,waxayna dawlada Puntland dhowr jeer oo hore ku celcelisay in Somaliland ay faraha kala baxdo qadiyada gobolada SSC & Haylaan oo dhawaan lagu soo daray ajindaha Doorashooyinka.

 

Puntland ayaa Wufuud u dirtay magaalooyinka waaweyn & Degmooyinkaas,waxaana shalay isla halkaas gaaray wufuuda Puntland kasocota iyagoo qaarkood ay ka qeybgaleen banaanbaxyo ay shacabka gobolka Sanaag ku muujiyeen sida aysan marna raaliga uga ahayn inay ka qeybqaataan doorashooyinka ay Somaliland wado,waxayna sidoo kale shacabkaasi muujiyeen sida ay usoo dhaweynayaan Wufuud sida aan kala harsiga lahayn u booqanaya gobolada Puntland.

 

Wasiirka Arimaha Gudaha,Dawladaha Hoose & Hormarinta reer Miyiga ee dawlada Puntland Jen,Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ayaa maalintii labaad booqanaya gobolka Sanaag ee Puntland,isagoo sidoo kale ay weheliyaan xubno badan oo xukuumada ka tirsan,wuxuuna wasiirku tagi doonaa Xuduudka labada dhinac oo uu ilaalin doono kana celin doono cidkasta oo isku dayda inay Sanaadiikh halkaas keento.

 

Wasiirka oo kasoo jeeda gobolkaas ayaa markii ugu horaysay halkaas booqday,waxayna shacabka gobolka Sanaag bari ee Puntland muujiyeen sida ay usoo dhaweynayaan wasiirka oo ah midkamid ah mas'uuliyiinta loogu jecelyahay golaha xukuumada ee Puntland,waxaana uu shacabka Sanaag ku amaanay sida ay ugu adagyihiin dhukooda,sidoo kalena wuxuu diray qaarkamid ah Wasiiradii lasocoday oo iyana booqanaya meelo kale oo aysan lugtiisu gaarin halkaas oo ay dhankooda dadaalka ka wadaan.

 

Gudoomiye xigeenka Baarlamaanka ee dawlada Puntland oo horboodaya tiro Wasiiro & Xildhibaano isugujira ayaa isaga oo ak faa'iidaysanaya fasax ay baarlamaanka Puntland ku maqan yihiin wuxuu booqanayaa gobolka Cayn ee Puntland,halkaas oo uu maanta ka sheegey in ay wadaan shaqooyinkii caadiga ahaa ee dawlada isagoo Somaliland uga digay in ay faraha lasoo gasho gobolka laga soo doorto ee Cayn & gobolada kale ee dariska la ah.

 

Xildhibaanada golaha Wakiilada ee Dawlada Puntland ayaa todobaadkan waxaa u bilowday fasax 15-cisho ah oo islamarkiiba lasiiyey markii uu furmay kal-fadhigoodii 24-aad,waxaana fasaxan lagu beegay xiliga doorashooyinka ee Somaliland,iyadoo ay Xildhibaanadu tageen gobolada ay kasoo jeedaan si ay Mas'uuliyad & kalsooni ugu muujiyaan shacabkooda,waxaana ay sheegeen in fasaxan ay ugu faa'iidaysanayaan ilaalinta xuduudaha dawlada Puntland.

 

Dadaalka xukuumada Puntland oo aad moodo in mardanbe ay lasoo baraarugtay ayaa hadana ka faa'iido badan mid sanado badan socday,waxayna dawladu dhowrjeer oo hore ku celcelisay in ay Somaliland uga digayso inaysan Doorashooyinkeeda kusoo fidin gobolada SSC & gobolka cusub ee Haylaan oo ah halka ay dadaalada toos ka ah kawadaan madaxda dawladu,waxaana sidoo kale garab ka ah Saraakiisha ugu saraysa ciidanka qalabka sida ee Puntland oo ciidamo badan wata,kuwaas oo aad moodo inay xataa dagaal toos ah ka xigaan in Qof katirsan Xisbiyada Somaliland uu codad ka helo gobol Puntland ay xaq u leedahay.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Somaliland hadal kuma tagto lol

:D classic! Oo xagay tagaan! xudun sooma aha dagaladaydii. Sheeko xariirta dadku sooma ka daalan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

AS the only Xudun representative in SOL, I can tell you all XUDUN does not consider itself Puntland, Case closed... BTW Xudun capital is las Anod, if Las Anod is in the Hands of Somaliland, does it really matter what the elders in Xudun think?

 

You welcome Somaliland Seeflaboods

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Jabhadda SSC Oo Guulo Ka Sheegatay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Laascaanood.

 

 

 

Cawil Maxamuud Cabdi

 

RBC Radio, Gaalkacyo

 

Cawil@raxanreeb.com

 

Laascaanood (RBC Radio):- Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada Jabhada Sool, Sanaag iyo Ceyn ee la isku yiraahdo SSC ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen dagaal saacadihii la soo dhaafey dhexmaray iyaga iyo ciidamada Soomaaliland ee jooga gobolka Sool.

 

Sarkaal u hadley ciidamada weerarka ku qaadey duleedka degmada Laascaanood oo magaciisa la yiraahdo Keyse Cabdi, isaga oo sheegay in dagaalkaasi ay iyagu qaadeen isla markaana ay khasaare ku gaarsiiyeen ciidamada maamulka Soomaaliland ee halkaasi ku sugan.

 

“Waxaanu weerar ku qaadney dhinaca duleedka koonfureed ee magaalada Laascaanood, halkaasi oo aan khasaare ku gaarsiinay maleeshiyaadka ku soo duulay dadka iyo deegaankanaga, waxaana diyaar u nahay in aan ka sifeyno, dagaalkana waan wadeynaa inta hal qof oo maamulkaasi ka socda uu jooga goboladeena” ayuu yiri Keyse Cabdi oo horkacayey ciidanka dagaalka galay.

 

Abaanduulahu waxaa uu sheegay in ay wadi doonaan weerarada ku dhifo oo ka dhaqaaqda ah ee ay ku hayaan ciidanka Soomaaliland ee jooga magaala madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, isaga oo sidoo kalena sheegay in ay heleen xog sheegeysa in dagaalkii ay la galeen saacado ka hor uu khasaare xoogan ka soo gaarey ciidanka Soomaaliland.

 

Saraakiisha Hoggaanka ciidanka ee SSC ayaa intaa ku daray in ay doonayaan in ay hor istaagaan doorashada la filayo maalinta berito ah in ay ka bilaabato deegaano badan oo hoostaga gobollada Sool iyo Sanaag, iyaga oo ku goodiyey in aysan ka dhici doonin doorashada maamulka Soomaaliland guud ahaan dhulka SSC sida ay hadalka u dhigeen.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this