Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland vp Visits Kalabaydh Pics

Recommended Posts

Madaxwayne kuxigeenka Somaliland o maanta socdaal ku gadhay Degmada Kalabaydh(Sawiro).

Warkii 04-Jan-2009 iyo Qormadii: Afnugal News Desk

Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wafdi balaadhan oo kamid ah Golaha wasiirada Somaliland iyo labada Gole ee Dawlada ayaa waxa ay socdaal ku tageen Degmada Kalbaydh ee Gobolka Sool taas oo si wayn logoa soo dhaweeyay halkaasi shacabka deegaankasina si wayn farxad wajiyadooda uga muuqatay.

 

 

Socdaalkan maanta uu ku tagay madaxwayne kuxigeenka Somaliland ee Degmada Kalabaydh ayaa waxa ay ahayd kadib markii Degmada Kalabaydh ay qado sharaf ay ugu sameeyeen masuliyiinta Degmadu madaxwaynaha xilli uu soo gadhay Gobolka Sool gaar ahaan xaruntiisa magaalada isagoo saaka abaaro 09:00 subaxnimo ka anbabaxay magaalada Lascaanood una socdaalay Degmada Kalbaydh.

 

Madaxawyanaha oo ay hor kacayeen masuliyiinta Degmada Kalbydh iyo Degmada Laascanod Canbashe Aw Dahir iyo Mahad Cali Samatar ayaa waxa kamid ahaa Madaxwaynaha Axmed Yuusuf Yaasiin,wasiirka arimah Gudaha C/laahi Ismaaciil Cali Cirro,wasiirka arimaha Dibada C/lahi Maxamed Ducaale,wasiirka hawlaha guud Siciid Sulub Maxamed,wasiirka Cadalada Axmed Xasan Casoowe,Siyaasiga Axmed Cabdib Xabsade iyo wafdi Golaha Gurtida iyo xildhibaanada wakiilada isugu jira.

 

Kadib markii madaxwaynuhu gaadhay magaalada Kalabaydh oo si wayn looga soo dhaweeyay lagagana hor yimi meel dibada ka ah magaalada ayaa waxa u dadkii kala hadlay hoygii loogu talo galay inuu ku nasto hortiisa halkaas oo ay isugu soo uruuren dadwayne aad ufara badan isagoo u madaxwaynuhu uu halkaasi ugu sheegay inu si wayn ugu faraxsan yahay socdalkiisan uu ku yimi magaalada oo ah markii ugu horaysay oo uu Laascaanood dhinac usoo dhafo meel Gobolka kamid ah.

 

Sidoo kale madaxwaynaha ayaa waxa uu sidoo kale si wayn u amaanay Degmad Kalabaydh oo uu sheegay inay tahay meel aad u wayn hanti badana loo quudhay isagoo intasi ku daray in Degmooyinkii u marayay ee Somaliland uusan arag Degmo baxad le'eg sidaana u wayn shacab ahaana ay dadkeedu ka fara badan yihiin isagoo intaasi ku daray in taasi tahay midda kaliya ee wax u jari doonta wax badana loo qaban doono isagoo dadka ku baraarujiyay inay isdiiwaan geliyaan isagoo si waynaha ugu maanay nabada taal meesha.

 

Madaxwaynaha ayaa hadlkiisa kadib waxa uu socod dheer oo lug ah kusoo maray magaalada Gudaheeda iyo shan goobood oo magaalada ah oo ay ka socotay isdiiwaangelintu isagoo goobahaasi ka dhagaystay sida ay usocoto iyo waxa la kulmay iyadoo mid kamid ah Gudoomiyaha gobahaasi usheegtay inay tahay meel ad u nabad gelyo wacan si wayna looga soo dhaweeyay.

 

Ugu danbayntii ayaa qado sharfta kadib waxa uu madaxwaynuhu la kulmay Odayaasha deeganka Degmada Kalbaydh iyagoo ka wada hadlay xaalada Degmada iyo bahiyeheeda iyagoo madaxwaynaha ka codsaday in guud ahaan Gobolka iyo Degmada Dawladu wax u qabato dhankoodana taageero u hayaan taas oo ugu danbayntii ku dhamaaday farxad iyo is afgarad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Originally posted by peacenow:

It's like a scene out of Medieval Europe 400 years ago. What has changed.

They are drinking coke and sprite and they're wearing trouser. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this