Sign in to follow this  
General Duke

Garad Jama recieves great welcome in Boston, Pics

Recommended Posts

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Boston ee Cariga Mareykanka(Daawo Sawirada)

 

Last Updated::2006-12-05 13:55:08

 

1_19.jpg

 

5_12.jpg

 

6_7.jpg

 

Boston:-Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo lagu qabtay dalka Mareykanka Gaar ahaan magaalada Boston ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Garaad Jaamac Garaad Cali oo iminka ku sugan cariga Mareykanka.

Garaadka ayaa kulamo la yeeshay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan Boston gaar ahaan jaaliyada Puntland isaga oo garaadka u mahad celiyey sida loo soo dhaweeyey.

 

Garaad Jaamac ayaa waxa uu ka warbixiyey xaalada guud ee Puntland gaar ahaan Deegaanada Sool Sanaag iyo Cayn isaga oo sheegay in ay wax badan ka qabteen kuna guulaysteen in ay dadka isku isirka ah ee wada daga deegaankaas ay hishiis wada gaareen si loo ilaaliyo nabada iyo Xasiloonida.

 

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa wax weyn ka qabtay markii loo caleema saaray gaarnimada iyada oo dadka reer Puntland ay aad u dareemeen wax qabadka Garaadka oo ah mid lagu farxo.

 

Garaadka ayaa waxa uu in badan ku celceliyey in uu wax Siyaasad ah uusan shaqo ku lahayn uuna yahay Garaad u dhaxeeya Umada Soomaliyeed isaga oo aad u dhiira Galiyey Jaaliyada Reer Sool sanaag iyo Ceyn in ay soo taageeraan Dhinacyada waxbarashad Caafimaadka iyo Horumarka Deegaanadaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

BOSTON: Xaflad soodhawayna oo loo qabtay Garaad Jaamaca Garaad Cali Garaad oo ka dhacday dalka Maraykanka (Daawo Sawirada)

Posted to the Web Dec 05, 11:28

 

 

Boston:(pp) - Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo lagu soo dhawaynayo Garaad Jaamac Garaad cali ayaa ka dhacday dalka maraykanka oo ay ka soo qayb galeen Soomaali badan oo iyagu soo abaabulay xafladaasi.

 

Garaadka oo ugu horaynba ka hadlay xafladaasi ayaa ku tilmaamay xafladan in ay tahay mid taariikhi ah islamarkaana loo baahan yahay Soomaalidu meel walba oo ay joogto in ay iska kaashato aayaa ka talintooda waxaana uu garaadku dardaaran iyo talooyin siiyay dhamaan soomaalidii Halkaasi isugu timid isaga oo ugu dardaaramay in ay aakhiro iyo aduunba ay u tabcadaan hanti.

 

Garaadka oo maraya dalka maraykanka ayaa u tagay wadanka maraykanka sidii soomalida goobahaa ku nool uu wada hadal ula yeelan lahaa , uguna warbixin lahaa xaalada uu ku sugan yahay dalkooda islamarkaana ay wax uga qaban lahaayeen dalkooda si ay uga sameeyaan gudaha dalka mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah.

 

Soomalida ku dhaqan dalka maraykanka ayaa ah soomaalida ugu badan ee dibada ku nool waana somalida ugu shaqadabadan islamarkaana waxay bil kasta u soo diraan soomalia lacag badan oo biil ah iyaga oo ku caawinaya qoysaskooda ku sugan gudaha dalka soomaaliya si ay uga dhigtaan biil maadaama aysan jirin shaqo iyo dawald dhexe toona.

 

Balse iyada oo ay sidaas tahay oo ay lacag soo diraan ayay hadana soomalida qurbo joogta ahi la kulmaan dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay midab kala sooc taasoo marar badan ay istusiyaan somalida ay arrimahaasi ku dhacaan in ay dib ugu soolaabtaan dalkooda hooyo oo aysan jirin wax u dhaama, ayaa hadana u dulqaata dhibaatadaas iyaga oo dareensan xaalka ka taagan soomaaliya islamarkaana doorbida in ay wali ku sii sugnaandaan qurbaha oo ay ka xamaashaan intii ay doorbidi lahaayeen in ay dulsaar ku noqdaan qoysaska ku sugan soomaaliya ee ay qaraabda yihiin maadama aysan jirin shaqo ku filan oo ay haystaan qoysaskaasi.

 

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ah Garaad ka sooo jeeda deeaanada Puntland, dada badan oo puntland ah ay durbaba dareemeen Garoodkooga cusub iyo shaaca uu la soo baxay , waxayna dad badan u arkaa inuu yahay Garaad da' yar oo si fiican u buuxin kara door muhiima waana garaadkii ugu horeeyay ee booqasho ku taga dalka maraykanka isaga oo rajaynaya in uu dib ugu soolaabanayo deegaanada puntland islamarkaana la imaanaya shirar iyo talooyin uu la soo qaatay soomalida dalalkaas ku nool.

 

Garaadka ayaa baryahaanaba booqasho ku marayay meelo badan oo ka mid ah dalkaasi maraykanka isaga oo la kulmaya madaxda iyo inta badan soomalida ku dhaqan dalkaasi maraykanka, islamrkaana shirar iyo wada xaajoodyo la qaadanaya dhamaan cidkasta oo uula kulamayo garaadku.

 

A/rizak koronto

Puntlandpost, Garoowe, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^Offcourse they mean alot to the beel which he is Garad of,it's meant to unite them since there were some small scuffs within the tribe which he represents.

 

As I was told,this young Garad has accomplish so much thus far including making peace between rival sub clans.This event is a chance for those tribe to see their new Garad and to show support as well as you know the green.

 

P.S.is Alleh Ubaahne in Boston?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Originally posted by Che-Guevara:

Other than settling tribal disputes, do they do anything else to contribute to the development of their particular areas.

 

Alle-Ubaahne lives in Boston.

Yeah he gets millions of dollars to give away…c’mon man!

 

Tribal disputes are the biggest concern all Somalis have these days. If he settled some of those than he's ahead of the game.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abject poverty is the main cause it comes to the majority of these tribal wars. One can stop as many wars as they can, but if one doesn't address the underlying issues, then these wars never go away. Lets think forward people

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this