Jacaylbaro Posted June 11, 2008 Maanta oo ay taariikhdu tahay 10kii bisha june 2008 Maamul goboleed cusub oo aan ugu magac darnay (BINALANDSTATE OF SOMALIA). Mudo badan kadib uu shir hosaad usocday qaybaha kala gadisan ee besha ismaaciil saleeban waxaa ilaah mahadii ah in ay maanta beshu si buuxda ugu suurta gashay in Ay samaysato maamul, maamulkaas oo ka shaqaynaya danaha guud ee dalka iyo Dadka reer binaland,maamulka cusub waxuu maamul u yahay sadex degmo oo Kamid ah gobolka bari iyo 48 tuulo iyo dhul baxadiisu tahah 730km² iyo bad aad u Dheer oo ku wareegsan dhulkaas maamulka loo magacabay maamulka cusub waxaa caasimad ku meel gara unoqonaysa Raasa bina city ujeedoonyinka maamulkaan cusub loo magacabay ayaa waxay tahay kadib markii maamulka puntland uu ka gaabsaday howlihii losoo magacabay 1998 ee belaha walalaha ay u magacowdeen uu wax ka qaban waayey howlahaas oo ahaa amniga Dalka,caafimaadka,waxbarasha iyo in uu qofkasta oo puntlander uu helo xuquuqdiisa Nasiib wanaag intaasba maamulka waa ka gaabsatay oo maamulka waxuu ku Sifoobay musuqmaasuq iyo dana gaara sidaa darteed markaan arag xalku suu yahay Ayaan waxaan goaan sanay inaan maamul madax banaan aan usmaysano degaanka Ay beshu leedahay si uu maamulku u ilaaliyo bad iyo biri inta beshu degto qof kastoo muwaadinana uu maamulku dhowro xuquuqdiisa u dalka ku leeyahay waxaan ka codsanaynaa jaaliyadaha dibad ee besha in ay maamulkooda tageran dhulkoodana ay maalgashadaan. maamulka cusub waxuu hoostagayaa Dowlada federaalka somalia maamul goboleedku waxuu ka kooban yahay laba gole: Golaha xukuumada Golaha barlamanka Golaha xukuumada waxa si ku meel gara usoo dooranaya golaha barlamanka , Golaha barlaamanka nabadoonada besha kadibna waxaa saxiixaya beeldaajaha golaha barlamanka tiradooda waa 35 mudane waxaana soo dooranaya nabadoonada mudo bil gudaheeda , Doorashada madaxwaynaha BINALAND STATE waxay dhacaysaa 10.SEP.2008 waxaan ka codsanaynaa beelaha somaliyeed ee gar ahaan beelaha aan jaarka nahay waxii dhib iyo dheef nasoo kala gaara maanta laga bilaabo waxaad kala xajoonaysaan maamulka cusub. Afhayeenka maamulka BINALAND STATE OF SOMALIA Mudane:Sadam cabdi mudalib Email:sh.sadam@hotmail.com Wabilahi Towfiiq Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted June 11, 2008 Yaa qashin isku soo aruuriyay! On a serious note, this belong to the joke seciton waryaa JB. But I like the signature and the author: SADAM BIN CABDIMUDALIB, it really is funny PS: There is sub-clan name mentioned in the article, you may edit it... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 11, 2008 WAR KUWAN EX PUNTLAND LA YIDHA WABA FUNNY MAYDHAN Quote Share this post Link to post Share on other sites