Jacaylbaro Posted September 5, 2009 Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in ay ku soo biireen qaar ka mid ah xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda iyadoo sidoo kalana tilmaamtay in wax laga badalayo sharcigii AMISOM ay ku joogeen Soomaaliya. Kadib shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay aqalka Madaxtooyada ee Soomaaliya Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda KMG Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa waxaa uu sheegay in wadahadalo gudaha ay u socdaan dowladda KMG iyo Xisbul Islaam isagoona sheegay wasiirku in horay ay xukuumadda ugu soo biireen qaar ka mid ah saraakiisha Xisbul Islaam iyo Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin Sida uu hadalka u dhigay. Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda KMG oo shirkiisa jaraa’id kaga warbixinayay safar uu dhawaan madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ku soo maray dalka dibidiisa ayaa waxaa uu sheegay in kulankii midowga Africa ee dhawaan ka dhacay Dalka Liibiya la isku afgartay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo dhameystiro Ciidamada AMISOM islamarkaana wax laga badalo sharciga ay ku howlgalaan. Mar la weydiiyay wasiirka arimaha dibadda ee dowladda KMG soo galitaanka ciidamada Ethiopia ay gudaha u soo galeen wadanka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in arintaasi uu madaxweynuhu horay kala hadlay Wadamada dariska ah ee xaduudaha la leh Soomaaliya islamarkaana xukuumadu ay dabagal ku heyso sababta keentay in Ciidamada Ethiopia ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya. Ugu dambeyntii Wasiirka arimaha dibadda dowladda KMG waxaa uu sheegay in ay guul ku soo gaba gaboobeen safaradii dhawaan madaxweynaha dowladda Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ku tagay wadamo ay ka mid ahaayeen Qadar Imaaraadka Carabta iyo Wadanka Liibiya. Quote Share this post Link to post Share on other sites