General Duke Posted May 4, 2009 Sheikh Shariif oo Noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay Taariikhda Soomaalida oo Khilaaf Galiyay Badda Soomaaliyeed... Madaxweynaha DFKMG: "baddana waxaa waaye KHILAAF ayaa ka jira. Marka Khilaafkaasi in uu jiro in la muujiyo meesha ayay soo gashay, SomaliTalk.com | April 29, 2009 -------------------- -------------------- -------------------- -------------------- Jimacdii (April 24, 2009) xilli uu weriye Raage Cusmaan oo ka tirsan warbaahinta ku soo baxda Afka Carabiga ee HornAfricOnline uu waraysi la yeelanayay Madaxweynaha DFKMG ayaa waxaa sidoo kale goobtii ku sugnaa weriye Mahad Carrabow oo ka tirsan TV Universal iyo laba weriye oo kale. Waxaana weriyaashii Sheikh Shariif waydiiyeen dhawr su'aalood. Su'aashii ugu dambaysay ee uu waydiiyey weriyaha TV Universal Mahad Carrabow (oo uu duubay Raage Cusmaan maadaama uu goobta joogay) ayaa ahayd: "Waxaa jiray heshiis loo bixiyay is-afgarad islamarkaana xadaynaya badaha Soomaaliya, heshiiskaas waxaa dawladdaada u saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan xukuumaddaada, sidee ayay kula tahay heshiiskaas oo ummadda Soomaaliyeed ay shaki badan ka qabaan oo aysan shacabka Soomaaliyeed u caddayn." Madaxweynaha DFKMG ee Jamhuuriyaadda Soomaaliya, Sheikh Shariif Sheikh Axmed, waxa uu ku jawaabay: Halkan ka dhagayso ama Soo Rogo (mp3) "Waxaan horta marka ugu horaysa rabaa in aan idiin sheego ummadda Soomaaliyeed shaki ma qabtee dad raba in ay shaki abuuraan ayaa maalin walba qayliya, iyaga ayaana shakiga abuura, ee ummadda Soomaaliyeed shaki ay qabto ma jiro, kalsooni waxay ku qabaan wixii dawladdaan ay soo qabatay, tallaabooyinkii ay soo qaaday, dalkeena in aan khiyaanana wax naga suura gal ah ma aha, Ilaah ayaana ka magan galaynaa." Isagoo hadalkiisii sii watay waxa uu yiri: "Waxa ka dhacay meeshana waxay ahaayeen dalbashada in la dalbado xeebaha dhulka Soomaaliya ay sheeganayso lagu celiyo, marxaladan ayaa loo baahnaa, haddii aan la samayna waxaa dhumaaya dhul Soomaaliyeed, taas ayaana keentay in heshiiskaas la galo, annaga iyo Kenya isku si ayaan u dalbanaynaa." Sheikh Shariif oo si qeexan khilaaf u galiyay badda Soomaaliya waxa uu yiri: "Annaga iyo Kenya maadaama XUDUUDDA DHULKA AAN LA ISKU WAAFAQSANAYN, baddana waxaa waaye KHILAAF ayaa ka jira. Marka Khilaafkaasi in uu jiro in la muujiyo meesha ayay soo gashay, waxaadna ogtihiin in dhulka uu yahay dhul khayraad uu jiro loona baahan yahay tallaabo in ay qaado dawladdu. Marka heshiiskaasi waxa uu ahaa heshiis lagama maarmaan ah in la galo." Madaxweynaah DFKMG waxa uu sheegay waxa ay Kenya la saxiixdeen aan la dhehi karin heshiis, balse uu yahay is-faham, isagoo taas ka hadlayey waxa uu yiri: "Heshiis lama dhehi karo laakiin is-fahamkaasi waxa uu ahaa is-faham horudhac u ah in DHULKA MAQAN EE SOOMAALIYEED la raadiyo, qasadka wax ku dhisnaayeena kaas ayuu ahaa, shacabka Soomaaliyeed waxaan rajaynayna in ay sidaas u fahmaan." Hadalka Madaxwaynaha DFKMG waxaan kasoo qaadaynaa oo kaliya saddex arrimood oo muhiim ah inay Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeedba fahmaan: 1- Madaxwaynaha ayaa sheegay in heshiiskan baahi keentay hadalkiisiina wuxuu ahaa sidan; "Waxa ka dhacay meeshana waxay ahaayeen dalbashada in la dalbado xeebaha dhulka Soomaaliya ay sheeganayso lagu celiyo, marxaladan ayaa loo baahnaa, haddii aan la samayna waxaa dhumaaya dhul Soomaaliyeed, taas ayaana keentay in heshiiskaas la galo...........". Shariif wuxuu sheegay in dhul Soomaaliyeed lasoo celinayo, hadaan sheshiiskan lagalin in dhul Soomaaliyeed dhumayo, wuxuuna hadalka u dhigay inay qasab tahay in saxiixan dhaco si arintaas looga hortago, waa siduu hadalka u dhigay'e! Haddaba su'aashu waxay tahay Madaxwayne dhul Soomaaliyeed oo maqan oo aad Soo celenaysaan heshiiska kuma taal (hadaadan ula jeedin niyad ahaan NFD). Xeerka Qarammada midoobay ee soo gudbinta xogaha badda ee Article 76 kuma taal inay qasab tahay in heshiis isfaham dhaco si xogta loo aqbalo. Sidoo kale qareennada sharciyada baddaha waxay cadeeyeen inaysan kamid ahayn soo gudbinta xogta in heshiis lagalo, ee xagee xogtaan ka hesheen oo laga heli karaa, xeerkee dhigaya? 2- Arinta kale oo muhiimka ah ayaa waxay tahay Madaxwayne Shariif wuxuu noqonayaa Madaxwaynihii ugu horeeyey oo yiraahda xuduuda baddayda muran ayaa kujira, sidoo kale wuxuu noqonayaa madaxwaynihii ugu horeeyey ee aqbala dalabka Kenya ee (Muran baddeed- Dispute) in Kenya iyo Soomaaliya xuduuda baddooda murayn ku jiro. Wuxuuna hadalkiisii u dhigay sidan; "........... baddana waxaa waaye KHILAAF ayaa ka jira. Marka Khilaafkaasi in uu jiro in la muujiyo meesha ayay soo gashay" - waxaa Qareenada sharciga baddaha iyo aqoon yahanka Soomaaliyeed waydiinayaan Madaxwaynaha goormuu khilaafka baddu dhacay? Xagee ku qoran tahay? Ma akhriday dowladihii kaa horeeyey jawaabahoodii? Mase haboontahay inaan ummada si sahlan Madaxwaynuhu mushkilad cusub qoorta ugu galin, waayo hadalka Shariif waxaa ka muuqata inuu difaacayo arrin qaran oo u baahan in wadanka oo dhan isugu tago sidii loo hor istaagi lahaa. Mudaharaad Looga soo Horjeedo Heshiiska Kenya oo lagu dhigay London.. Guji.. 3- Ugu danbayntii waxaa muhiima inaan aad u dhuuxno hadallada isku midka ah ee ay ku Jawaabayaan Shariif iyo Wasiiradiisa, waxay ummada u sawirayaan in dhul dhacmayo, ama in dhul maqan lasoo celinayo ama dhulkii badda ee Soomaaliya sharcigii ka dhacay oo dib loosoo cusboonaysiinayo, jawaabahaas oo dhana wax xiriira lama lahan arinta Qarammada midoobay uga baahan tahay wadammada baddaha leh. Arinta QM u baahan tahay waa in lakordhiyo aagga ganacsiga wixii ka durugsan (200 mayl badeed oo u dhiganta 370km) aagaas ayaa ladoonayaa in laga dhigo (350 mayl badeed- oo u dhiganta 650km) si aagaas loo kordhicayo waxaa loo baahan yahay wadankasta inuu cabirka Qalfoofka Baddiisa QM u gudbiyo inta ka horaysa May 13, 2009. Wadankii aan awoodin xiligaas inuu ku geeyo waxaa jira xeerar kale oo uu raaci karo una ogolaankara in mudda loo dheereeyo iwm. Dad fara badan oo Soomaaliyeed ayaa Dowlada waydiinaya: haddii la cadeeyey in heshiiska (is-afgarad) Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 4, 2009 Madaxweynaha DFKMG ee Jamhuuriyaadda Soomaaliya, Sheikh Shariif Sheikh Axmed, waxa uu ku jawaabay Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 4, 2009 Marka Shariifow Meeshaad Kenya dhulka maqan kala hadli lahayd miyaad badiina ugu dartay? Waxaa Mahad Leh Allaah Subxaanu Watacalaa i solin siiyay inaan ka hadlo dhibka wadankayga ka jira ama hadda ugubka u ah, yacni horay aan uga dhici jirin taas oo ah arinta Badda Soomaaliyeed ee dhererkiidu dhan yahay, 3330km . Waxaan ahay nin dhalinyaro ah oo sano 20-aad ku jira, waxaana maskaxdayda ka guuxaya arinta badda oo runtii dadbadan oo Soomaaliyeedna sidoo kale ay ila guuxayaan, waxaan ka xumahay in dadka Soomaaliyeed ee dhibku haystay 20-ka sano in haddana dhibkii mid ka daran la galiyo kaas oo ah jaahawareer dhulkoodii la galinayo. Wali aduunka kama dhicin, Madaxwayne dal xukuma oo wadankii u xukumay baddiisii bixinaya kuna doodaya khilaaf ayaa ku jira badeena, marka waxaan iswaydiiyay Madaxwaynugu maxuu hadalkaas ka wadaa , maka aqoon daro baa mise wax uusan ahayn wadani, Dugsiga sare ayaan ku soo dhigtay qodobada "National Integratinka " oo qodobkan ka mid yahay, wadanku waa inuu leeyahay Madaxwayne wadani ah kaas oo wadanka wakiil uga ah caalamka, marka wakiilnimadiisii maxay noqotay meeshuu wadanka difaaci lahaa inuu ka loogo, waa arin la yaab leh oo maskaxdayda ku waynaatay. Mida kale, xagee ayuu ku yaal heshiiska la yiraahdo Isfaham, waa mid igu cusub runtii , marka anaga iyo kenya Isfaham badeed ayaa na dhexmaray maxay tahay micnadeedu waa Su'aale? Madxwaynaha Cusub waxaa uu dhihi jiray markuu mucaaradka ahaa, waxaan ku jirnaa jihaad, waxaan la dagaalamaynaa gaalada wadanka ku soo duushay, waxaan la dagalamaynaa dawlada Ethiopia keentay, Maanta wax uu keenay markuu madaxwayne noqdey inuu baddii Soomaaliya dal heshiis kula galo,marka Shariifow shalay dhulkaad lahayd waan xoreyn miyaad Maanta saxiixday? Wadanka Soomaaliya hadda waxa jira dhib badan, oo runtii qof walba oo Soomaali ah uu la socdo, dawladan cusub waxa looga fadhiyey inay dib u heshiisiin ka shaqeyso , oo ay dadka iyo dalka isku keento dhibkana ka saadho ee loogama fadhin inay badeena khalkhal galiso. Waxaan kaloo dadweynaha Soomaaliyeed waydiin, ma iswaydiiseen dawladihii ka horeeyay tan waxay heshiisyo noocaan oo kale u gali wayday, maxase loo burburiyay oo loo taageeri waayay miyaysan ahyn , waxaa laga waayay dantii laga lahaa oo ahayd inay bada iyo dhulka saxiixaan inta xuduudaha xigta, markii laga wayay waxaa laga goostay dhaqaalihii loogu deeqi jiray, dawladan Shiikh Shariifna markay Saxiixday oo la arkay inay tahay dawlad wixii la doono laga gaarayo ayaa Reer yurub waxay u aruusheen lacagta aad maqasheen ee 250 malyuun ee doolar, dawladii hore miyay fashilmi lahayd haday lacagtaas heli lahayd, su'aashu waa maya. laakiin dawladaas way diiday in ay heshiisyo gasho waxayna cududaar ka dhigan jirtay heshiis ma gaari karno ilaa dalku xasilo oo dawladan kmg ah laga baxo oo dawlad caadi ah , dastuur sax ah la qoro. "Balgarwaaqso Warankaad Gantiyo Golaha aad joogto". Waxan ula jeedaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxaad wadataa Magca ah Madaxwaynihii Soomaaliya sida Caalamku kuu yaqaano, marka adoo magacaas wata oo golahaas joogaa ayaad waxay dawladaasu gashay heshiis aad ugu yeerteen Isfaham, oo aan Soomaali waxba ugu jirin laakiin Kenya uu u yahay muhiim ama guul ay idinka gaadhay oo ay badbalaarsi wado inleen awal ayy dhul naga haysayay. Qoraal aan ka aqriyay Somalitalk oo Waraysi Shiikh Shariif Radio Danan laga sii daayay, ayaa ahaa si aan uga hortagno in dhul naga dhumo ayaan heshiiskan isfamka ah u galnay, marka madaxwaynuhu wuxuu yiri si aan hadhow dhulka ugala hadalno ayaan kenya ula galnay, marka Sheeko Soomaaliyeed ayaan ku maqli jiray caruur nimadaydii, waxayna ahayd sidan. Islaan ayaa xaabo doonatay , waxay aruursatay xaabo badan, waxay damacday inay qaado xaabadii badnayd ee ay soo aruursatay, markaas ayay qaadi waysay oo ay ku cuslaatay, markaas ayay xaabadii xaabo kale ku darsatay, meeshii laga rabay haday xaabada qaadi waysay inay iska dhinto oo ay lasoo harto in ay qaadi karto. marka Shariifow meeshaad Kenya dhulka maqan kala hadli lahayd miyaad badiina ugu dartay? C/qaadir Warsame Yuusuf Gaalkacyo Soomaaliya Email. abdiqadir72@hotmail. com Mobile:+25290680441 Quote Share this post Link to post Share on other sites