Sign in to follow this  
SOO MAAL

Dowladda Federaalka oo dhowaan bedeleysa Baasaboorkii Cagaarnaa ee Soomaaliya

Recommended Posts

SOO MAAL   

Dowladda Federaalka oo dhowaan gebi ahaanba bedeleysa Baasaboorkii Cagaarnaa ee Soomaaliya

 

 

Sabti,April 09, 2005(HOL)@20:00GMT: Warar laga helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay dhowaan gebi ahaanba bedeleyso Baasaboorkii cagaarnaa ee Soomaaliya lahaan jirtay, iyadoo ay wararku sheegayaan in ay dowladdu haatan ku guda jirto diyaarinta ilaa 3 Milyan oo nuqul oo Baasaboor nooc cusub ah.

 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in howsha diyaarinta Basaaboorrada cusub ay haatan ku howlan yihiin xubno ka tirsan Xukuumadda oo uu ugu horeeyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, kuwaasoo la sheegay in ay dhowaan heshiis la galeen shirkad caalami ah oo daabacda Baasaboorrada, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in horraanta sanadka soo socda uu dhaqangeli doono Baasaboorka cusub oo aan weli noociisa faah faahin buuxda laga bixin, inkastoo laga yaabo, sida ay wararka qaarkood sheegayaan in waqtigaas laga soo hormarin doono.

 

Dhowaan ayaa Waaxda Socdaalka Soomaaliyeed madax looga dhigay Md. Maxamuud Gaafow Maxamuud oo isagu ka mid ahaa saraakiishii Waaxda Soomaaliyeed xiligii Dowladdii Mileteriga ahayd ay talada heysay.

 

Dhanka kalena, Baasaboorka Soomaaliyeed ayaan wax qiimo ah ka lahayn Adduunka, iyadoo taasina ay timid kadib markii sharcigii la waayay, waxaana sii qiimo dilay Wariyayaal Ajnabi ah, kuwaasoo dhowr jeer oo ay Muqdisho yimaadeen caalamka u gudbiyay qiimo dhaca Baasaboorka Soomaaliyeed oo qudhooda ka sameystay Suuqa Cabdalla Shideeye ee Bakaaraha.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this