Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: French US troops arrive in Somali capital

Recommended Posts

Saraakiil Milatari oo Mareykan iyo Faransiis oo maanta Muqdisho soo gaaray kulamana ku yeeshay.

 

In ka badan 4 markab oo ah kuwa dagaalka oo ay leeyihiin ciidamada milatariga ee dalalka Mareykanka iyo Faransiiska ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho iyagoo ciidamana kusoo daadiyay xeebaha magaalada,ka hor intii aanay saraakiishoodu soo gaarin garoonka diyaaradaha Aadan Cade.

 

Lama garanayo sababta rasmi ahaaneed ee ciidamada Faransiiska iyo Mareykanku maanta u yimaadeen magaalada Muqdisho,hase ahaatee,warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in saraakiishoodu ay garoonka diyaaradaha Aadan cade ku yimaadeen diyaarado Helicopters ah kadibna ay halkaa kulamo kula qaateen saraakiil ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya iyo nabad ilaaliyeyaasha AMISOM madaxdooda.

 

In ka badan 19 diyaaradood oo helicopters ah ayaa dul heehaabayay magaalada Muqdisho markii ay saraakiisha Faransiiska iyo kuwa Mareykanku joogeen garoonka diyaaradaha Aadan cade.

 

Imaatinka ciidamada Mareykanka iyo kuwa Faransiisku ay maanta yimaadeen magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegmaya iyadoo xalay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay qaraar u googol xaaraya in ciidamo caalami ah oo nabad ilaalineed la keeno dalka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Diyaarado Dagaal oo joog hoose ku socda oo hareeyey hawada Magaalada Muqdisho iyo Maraakiib dagaal oo Muqdisho soo gaaray.

 

Kaluumeysato ka jilaabta xeebaha Magaalada Muqdisho ayaa shabakadan u sheegay in ay arkeen markab dagaal oo aad u weyn iyo ilaa iyo shan doonyood oo ah kuwa ciidamada oo soo gaaray xeebta magaalada Muqdisho.

 

Kaluumeysato ka jilaabta xeebaha Magaalada Muqdisho ayaa shabakadan u sheegay in ay arkeen markab dagaal oo aad u weyn iyo ilaa iyo shan doonyood oo ah kuwa ciidamada oo soo gaaray xeebta magaalada Muqdisho.

 

Kaluumeysatada ayaa shabakadan u sheegay in markabku uu hada soo gaaray meel bariga u jirta in ka yar 3 kimlo mitir iyadoo doon yaha la socda ee ilaalinayana ayba soo gaareen xeebta Liido ee degmada cabdi Casiis.

 

Dadweynaha degmada Cabdil Casiis ayaa iyaguna shabakadan u sheegay in mid ka mida doonyahani ay askar ka soo dagteen oo ay yimaadeen bariga muddo kadibna ay dib ugu laabteen bada.

 

Waxaan ilaa iyo hatan dhab ahaan loo garanaynin waxa ay yihiin ciidamdan soo gaaray magaalada Muqdisho xeebeheeda.

 

Arrntan ayaa waxaa ay kusoo begmeysaa iyadoo Goor sii horeysay oo saaka ahayd Hawada Magaalada Muqdisho ay hareeyeen Diyaarado dagaal oo si joog hoose ah ku soo maray xaafado fara badan oo Magaalada Muqdisho ah gaar ahaan Dhinaca Bari sida Waxar Cadde , Galgalato , S/Xoolaha iyo Agagaaraha Dekedii hore ee Macmalka Ceel Macaan.

 

Diyaaradahaan ayaa dad arkay waxa ay sheegen in ay ku xardhanaayeen Astaanta Dawlada Mareykanka ayna ilaa Sadex Diyaarad oo isku Nuuc ah.

 

Soo galitaanka Diyaaradahaan ee Hawada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xili Mareykanka ay si weyn u baadi goobayaan xubno ka tirsan Kooxda Argagaxisada ah ee Al-shabab oo la rumeysanyahay ama ay suurtagal tahay in ay ku dhuumaaleysanayaan meelaha saaka lagu arkay.

 

Horey ayaa Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka waxaa ay duqeyn cirka ah ku dileen Aadan Ceyrow oo ahaa hogaamiyaha Kooxda Al-shabab.

 

Xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka soo dagay xeebaha Muqdisho

16 May 16, 2008 - 9:30:57 AM

 

Ciidamo fara badan oo watay taangiyaal ay ku asteysan yihiin calanka Faransiiska ayaa saakay lagu arkay xeebaha Somalia, kuwasoo isku dhereriyay laga soo bilaabo xeebaha Jasiira ee galbeedka Muqdisho ilaa xeebta Liido oo dhanka bari ee Muqdisho ku taalla.

 

Goobjoogayaal ayaa waxay sheegeen in ciidamadu ay ka sameysteen xeebaha teendhooyin, iyadoo aanay jirin wax howgallo iyo dabrid ah oo ay sameyeen intii ay ku sugnaayeen xeebaha Muqdisho.

 

"Waxaan arkay diyaarado joog hoos ku socda oo dul heehaabaya xeebaha... cabsi ayaa i gashay... daqiiqado kaddibna waxaa xeebta yimid ciidamo la socday diyaradaha qumaatiga u kaca.... iyadoo ay taangiyo biyaha ku socda badda kasoo baxeen" ayuu yiri mid ka mid ah dadka Muqdisho oo la hadlay saxaafadda.

 

Sidoo kale wariye ka tirsan Idacad FM ah oo xaruntedu tahay Muqdisho ayaa sheegay in saakay mar uu xeebta Liido tagay arkay askar aad u fara badan, kuwaasoo ka celiyay xeebta.

 

"Ciidamadu waxay sameysten teendhoyin dadka xeebta ku socdayna way celinayen... qiyaastii 8-taangi ayay waten" ayuu yiri wariyahan oo la hadlayay idaacadda uu ka tirsan yahay oo lagu magacaabo Somaliweyn.

 

Ciidamada ayaa ku sugnaa xeebaha Muqdisho muddo ku dhow 1-saac iyagoo dib ugu laabtay maraakiibtii ay kasoo kicitimeen oo badda ku sugnaa, mana jiraan wax caddeyn kara sababta keentay inay soo gaaraan xeebaha Muqdisho maanta.

 

Imaanshaha ciidamadan Faransiiska ah ay yimaadeen xeebaha Muqdisho ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Golaha ammaanka ee UN-ku uu xalay isku raacay in Somalia loo diro ciidamo ka socda Qarmamada Midoobay markii xaaladu saamaxdo.

 

Ciidamada Faransiika ee ku sugan xeebaha Koonfureed ee Somalia ayaa waxa ay ka qayb qaataan ilaalinta gargaarga hay'adaha QM soo gaarsiiyaan dadka Somaliyed ee dagaalada saameeyeen.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yeah right, if they are serious they can add allot. The international community is serious and the opposition are nothing more than armed ****** with nothing to do.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

^Lol..werent the same international community serious about Iraq? xagee gareen hee,no where!

 

So Duke,what is their plan again?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol. How do you compare Iraq to Somalia?

Its laughable adeer. Iraq had a strong central government, Sadam ruled for over 30 years, a sophisticated society which was unilaterally taken down by the US/UK alliance. It was easy to topple Sadam but hard to resurect the nation state again.

 

Somalia on the other hand has had no central governemnt for a decade or so and thus all we need a little help.

 

The plan I have no idea, but I welcome the UN security council resouloution, and the world communities new found interest in our land.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Not really but its welcome development, Somalia is coming out of its long isolation.

The fact that an Ouil Barrel is $127.00 could be a factor.

 

Abu who is winning?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this