Kamaavi Posted May 1, 2010 Gudoomiyaha Jabhada ONLF, Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo ku sugan Wadanka Ingriiska ayaa Idaacada VOA ooga waramay Xaaladaha Ogadeeniya, Isagoo Isla Markaas sheegay Dagaalada ka dhacay Gobalka Dhagaxbuur, Iyo Dagaalo la soo qorsheeyay oo Jabhada ONLF oogu magac darday Dharaar oo Isbuuc yadii oogu Danbeeyay ku qaaday Saldhig Ciidamada Itoobiya, Admiral Maxamed Cumar ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa. "" Ma Jiraan wax wada hadal ah oo noo dhaxeeya Anaga(ONLF) Iyo Itoobiya, Wararka sheegaya in Wada hadal socdaan waa kuwo Siyaasadeed oo Jabhada EPRDF kaga gudbayso Doorashada, Iyaga ayaana suuqa soo gashaday. Wariyaha VOA Ayaa isla Markaas waydiiyay Wada hadal la sheegay in uu ka socda Degmada Shilaabo balse wuxuu Gudoomiyaha ku tuuray gaashaanka Isaga sheegay in Halkaas wax wada hadal ah uusan Jirin. Dagaalada uu Gudoomiyaha ka waramay ayuu sheegay inay ka dhaceen, Marsin, Miir Khaliif, Nustariiq, Maraacaato, Nagaadi wayne, Dagaaladan ayuu ku magacaabay Gudoomiyaha Howlgalkii Dharaar, Jabhada ONLF ayuu sheegay Maxamed Cumar inuu yahay Odaygeedii ama Gudoomiyaheed, Wuxuu kaloo sheegay in Wada hadal oogu danbeeyay ee Jabhada Iyo Itoobiya ahaa 1998 Degmada Qabridahar Dusheeda. Gudoomiyaha Jabhada ayaa sheegay In Ururku leeyahay Maamul Hab Dhaqan Midkaas uu hayo Xogta oo uu hayo Saraakiisha Jabhada, Wuxuu sheegay in ay Hishiis Nabad Jabhada ONLF Diyaar tahay hadii la helo Shuruudaha oo ah Dowlada seedexaad oo Dhex Dhexaadiya oo goob joog ka Noqda. VOA Waraysiga Gudoomiyaha ONLF oo aan soo koobnay Quote Share this post Link to post Share on other sites