General Duke Posted August 10, 2007 RE: Walaalaha G/gaduud qaar in madaxa laga jaro, qaarna madaxa loo salaaxo, ma xaq baa ? Dawladdan hadda jirta wax kastaba ha leyska sheegtee waxaa soo doortay intii Somaaliya ku dulmaneed oo ka xanaaqay qabyaaladii uu C/qasim ku kacay markii Carte lagu soo doortay.Somaalida dulmaneyd waxay hadana qaadan kari waayeen markii inta dulmiga waday ay hormood ka noqdeen maxkamadihii qabiilka ku dhisnaa ee dagaalka la galay saxiibadoodii dawladda ay ka soo wada horjeedeene ee qabqablayaasha Xamar ka ahaa.Ogoowna qabqablayaasha biyaha webiga kama iibib jirin , Xamarna xataa msleeshiyadooda kama aheyn "Mukulaal madoow". Arrimahaasna waxay keentay in Itoobiy ciidamadeeda lagu soo dhoweeyo ubax, Xamar iyo meel kasta oo ay tageynba. Sidaas oo dhacdeyna, dawladdu gebi ahaanb ma aynan fulin ballantii ay ku qaaday Afgooye ee ahaa in qolo kasta ay degaankeeda hor u noqoto, lagana dulqaado kuwii ka soo hayaamay G/gaduud ee xoogga ugu hoogsanayey Shabeelada Hoose iyo Jubooyinka. Waxaana dhacday in Kismaayo ciidamadii G/gaduud ee maxaakimta ka takhaluseen oo ay jebiyeen in mar kale la soo nooleeyey , la hubeeye, lana qalabeeyey.Sidaasna cida ku kacday ay tahay dawladda. Marka waxaa iska cad in Kismaayo ay maleeshiya beeleedkii G/gaduud ay xoog ku qabsadaan,heysteena muddo badan, una tallaabeen Jilib markii ka soo takhaluseen . Waxaan la soconay in dawladda ay ka diiday qeyb ka mid ahaa walaalaha G/gaduud in ay sii heystaan guryihii dawladdu ku laheyd caasimadda, taasoo dhalisay in madaxa laga wada guro, afhayeenkoodiina Axmed Diiriye iska dhaaf wax kalee gurigii uu degenaa la burburiyey. Waxaas oo dhanna marka waxay ku tuseeysaa in madaxweynuhu uusan caadil ka aheyn amuurahaan, u kalana eexanayo walaalihii kala tegay ee G/gaduud, isagoo aad moodo in reer G/gaduudka isku qabiilka yihiin uu wax walba u fasaxay.Ugu dambeyntiina, xaq ma ha in dad is leh midna madaxa loo salaaxo , midka kalena madaxa laga gooyo!. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 10, 2007 Take out the head firts, the remaining disabled limbs can be dealt with in due time. 80% of the task of crippling the JVA is done, the remaining clowns will be taken out soon. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 10, 2007 ^^^Maybe for you adeer, but like I called the demise of IndaCade and the looters inc. I call the definite route of the occupiers of Kismayu, Bardgeere and Luug. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted August 10, 2007 Dukow, Fagaase, on behalf of Horn , has just sent this poem to the old man: wuxuu yiri-- Sayidkuba ka fiig geelayaga inuu faduushaaye Fagaase iyo summaddaa nafluhu kaga fogaadaaye Waa fiil nin lihi foofsadoon feleg ka yaabayne Hadba mesha loo filo dal buu farow ka laacaaye Farowga iyo baruurtiisu way kaa fajicisaaye Faalaha iyo dhalankuu yahaa gobi ku faydaaye Fiidkiyo aroortuu durduro ganafka fiiqaaye Ma facaysta laangaabka iyo tuugga fiirsada e Nimaan fuulin guutada hadhkii faal ka bixi waaye Faataxa wadaad iyo burduhu fanax ma beerane Faras xoog leh baa lagu dhaqay iyo geesi fool adage Fulayada Daraawiish ah iyo Maxamed faankiisa Hadduu faral jahaad iyo Islaam faro ku doonaayo Ararsamaha faaray ee arlada culus ku soo foofshay Muu foos la xulay iyo dagaal foore kaga qaado Fiqiyada ku lumay xarunta muu fiixa ka hibaadsho Oo foodhi laasimo sidii Ferenji Reer Loora. ps--waryee yaan la caroon ; I did it for its sheer entertainment. Sayid Mohamed’s response had more deeper and rarer verses, and as always the timing of his reply was quite fitting…ask Sophist! Quote Share this post Link to post Share on other sites