Sign in to follow this  
General Duke

Why TFG is treating the JVA group differently?

Recommended Posts

RE: Walaalaha G/gaduud qaar in madaxa laga jaro, qaarna madaxa loo salaaxo, ma xaq baa ?

 

Dawladdan hadda jirta wax kastaba ha leyska sheegtee waxaa soo doortay intii Somaaliya ku dulmaneed oo ka xanaaqay qabyaaladii uu C/qasim ku kacay markii Carte lagu soo doortay.Somaalida dulmaneyd waxay hadana qaadan kari waayeen markii inta dulmiga waday ay hormood ka noqdeen maxkamadihii qabiilka ku dhisnaa ee dagaalka la galay saxiibadoodii dawladda ay ka soo wada horjeedeene ee qabqablayaasha Xamar ka ahaa.Ogoowna qabqablayaasha biyaha webiga kama iibib jirin , Xamarna xataa msleeshiyadooda kama aheyn "Mukulaal madoow".

Arrimahaasna waxay keentay in Itoobiy ciidamadeeda lagu soo dhoweeyo ubax, Xamar iyo meel kasta oo ay tageynba.

 

Sidaas oo dhacdeyna, dawladdu gebi ahaanb ma aynan fulin ballantii ay ku qaaday Afgooye ee ahaa in qolo kasta ay degaankeeda hor u noqoto, lagana dulqaado kuwii ka soo hayaamay G/gaduud ee xoogga ugu hoogsanayey Shabeelada Hoose iyo Jubooyinka.

 

Waxaana dhacday in Kismaayo ciidamadii G/gaduud ee maxaakimta ka takhaluseen oo ay jebiyeen in mar kale la soo nooleeyey , la hubeeye, lana qalabeeyey.Sidaasna cida ku kacday ay tahay dawladda.

 

Marka waxaa iska cad in Kismaayo ay maleeshiya beeleedkii G/gaduud ay xoog ku qabsadaan,heysteena muddo badan, una tallaabeen Jilib markii ka soo takhaluseen

.

Waxaan la soconay in dawladda ay ka diiday qeyb ka mid ahaa walaalaha G/gaduud in ay sii heystaan guryihii dawladdu ku laheyd caasimadda, taasoo dhalisay in madaxa laga wada guro, afhayeenkoodiina Axmed Diiriye iska dhaaf wax kalee gurigii uu degenaa la burburiyey.

Waxaas oo dhanna marka waxay ku tuseeysaa in madaxweynuhu uusan caadil ka aheyn amuurahaan, u kalana eexanayo walaalihii kala tegay ee G/gaduud, isagoo aad moodo in reer G/gaduudka isku qabiilka yihiin uu wax walba u fasaxay.Ugu dambeyntiina, xaq ma ha in dad is leh midna madaxa loo salaaxo , midka kalena madaxa laga gooyo!.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Take out the head firts, the remaining disabled limbs can be dealt with in due time.

 

80% of the task of crippling the JVA is done, the remaining clowns will be taken out soon.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Maybe for you adeer, but like I called the demise of IndaCade and the looters inc. I call the definite route of the occupiers of Kismayu, Bardgeere and Luug.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dukow, Fagaase, on behalf of Horn :D , has just sent this poem to the old man: wuxuu yiri--

 

Sayidkuba ka fiig geelayaga inuu faduushaaye

 

Fagaase iyo summaddaa nafluhu kaga fogaadaaye

 

Waa fiil nin lihi foofsadoon feleg ka yaabayne

 

Hadba mesha loo filo dal buu farow ka laacaaye

 

Farowga iyo baruurtiisu way kaa fajicisaaye

 

Faalaha iyo dhalankuu yahaa gobi ku faydaaye

 

Fiidkiyo aroortuu durduro ganafka fiiqaaye

 

Ma facaysta laangaabka iyo tuugga fiirsada e

 

Nimaan fuulin guutada hadhkii faal ka bixi waaye

 

Faataxa wadaad iyo burduhu fanax ma beerane

 

Faras xoog leh baa lagu dhaqay iyo geesi fool adage

 

Fulayada Daraawiish ah iyo Maxamed faankiisa

 

Hadduu faral jahaad iyo Islaam faro ku doonaayo

 

Ararsamaha faaray ee arlada culus ku soo foofshay

 

Muu foos la xulay iyo dagaal foore kaga qaado

 

Fiqiyada ku lumay xarunta muu fiixa ka hibaadsho

 

Oo foodhi laasimo sidii Ferenji Reer Loora.

 

ps--waryee yaan la caroon :D ; I did it for its sheer entertainment. Sayid Mohamed’s response had more deeper and rarer verses, and as always the timing of his reply was quite fitting…ask Sophist!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this