MoonLight1 Posted December 15, 2009 War deg deg ah: Jen. Qeybdiid taliyihii hore ee Ciidanka Booliska oo lagu soo daray golaha wasiirada ee xukuumada Somalia, iyo mid ka mid ah wasiiradii geeriyooday oo kaalintiisii la buuxiyey Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa xil cusub loogu magacaabay Jen. Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid oo ahaa taliyihii hore ee ciidanka Booliska Soomaliyeed, iyadoo la soo buuxiyey kaalintii uu baneeyey mid ka mid ah wasiiradii dhowaan ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Hotel Shamo ee magaalada Muqdisho. Munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada ayaa wareegtada waxaa ka aqriyey ra’isul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka kaluumeysiga ee xukuumada Somalia Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo sheegay in Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid loo magacaabay wasiirka Macdanta iyo Biyaha, iyadoo Maxamed C/llaahi Oomaar oo hayey xilkaasina loo wareejiyey Wasiirka hidaha iyo tacliinta sare oo uu baneeyey ALLAHA u naxariistee Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo ka mid ahaa 3 wasiir oo ku geeriyoogtay qaraxii dhowaan ka dhacay hotelka SHAMO. Isla goobtaasi ayaa waxaa lagu dhaariyey Jen. Qeybdiid oo ah wasiirka cusub ee Macdanta iyo Biyaha ee xukuumada Somalia, iyadoo Maxamed C/llaahi Oomaar oo loo magacaabay wasiirka hidaha iyo tacliinta sare oo isna la dhaarin lahaana la sheegay inuu safar dhinaca dibeda ah ku maqan yahay, waxaana halkaasi ka hadlay madaxweyne Shariif oo ka waramay muhiimada ay leedahay in la buuxiyo xilalka ay baneeyeen wasiiradii geeriyooay oo uu ku tilmaamay iney ahaayeen geesiyaal naftooda u huray badbaadinta ummada Soomaaliyeed, isagoo mas’uuliyiinta cusubna u rajeyeeey inuu xilkooda ALLE la garab galo. dayniile.com Quote Share this post Link to post Share on other sites