Sign in to follow this  
General Duke

Dawladda Talyaaniga oo caddaysay inay dawladda cusub ee Soomaaliya ka taageerayso

Recommended Posts

Nairobi:Dawladda Talyaaniga oo caddaysay inay dawladda cusub ee Soomaaliya ka taageerayso dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalahaba

- Friday, October 22, 2004 at 15:54

 

Nairobi(Allpuntland)-Kulankii maanta ay isugu yimaadeen xildhibaanada baarlamaanka KMG ee federaalka Soomaaliya oo uu goob joog ka ahaa madaxweynaha DKMGF ee Soomaaliya mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa ka soo qaybgalay wefdi ka socdey dawladda Talyaaniga.

 

Wefdigaan oo isugu jirey safaaradda Talyaaniga ee dalka Kenya iyo mudane ka socdey baarlamaanka dalka Talyaaniga ayaa waxay u hanbalyeeyeen madaxweynaha,afhayeenka baarlamaanka iyo xildhibaanadaba ,iyagoo halkaas ka sheegay in dawladda Talyaanigu ay taageersan tahay dawladda cusub ,isla markaana ay salaan uga wadaan guddoomiyaha baarlamaanka dalkaas,waxayna intaa ku dareen inay siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ka taageerayaan dawladda cusub.

 

Madaxeynaha iyo afhayeenka baarlamaanka oo halkaas ka hadlay ayaa labadooduba waxay uga mahadceliyeen dawladda Talyaaniga ballan qaadkeedaas ,iyagoo madaxweynuhuna ku boorriyey inay mudanahaas ka socdey baarlamaanka Talyaaniga iyo safiirkuba dawladdooda uga wargeeyaan in Soomaaliya maanta u baahan tahay gurmad dhaqaale.

 

Kulankaan maanta ee baarlamaanka KMG ah ee Federaalka Soomaaliya isugu yimaadeen waxaa lagu dhaariyey Xildhibaan Cali Cabdullaahi Cosoble oo bedelay booskii Allaha u naxariistee Xasan Cabdulle Qalaad oo ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka KMGF ee Soomaaliya oo dhowaan ku geeriyoodey dalka Imaaraadka Carabta.

 

Waxaa kaloo xusid mudan in kulankaan maanta lagu casumey oo xildhibaanada la baray ninka caanka ah ee Talyaaniga ah ee hooyadiis ay tahay Soomaalida ee lagu magacaabo Giuseppe Di Clemente ee 58 sano jirka ah oo ku soo maray Baaskiil dalal badan oo caalamka ah isagoo soo jaray masaafo dhan 16500 KM muddo 16 bilood ah,isagoo socdaalkiisa dhanka Baaskiilka ah ka soo bilaabay 22kii June 2003dii dalka Switzerland soona maray dalal ay ka mid yihiin Spain,Morooko,Muritaaniya,Sinigaal,Burkinafaaso,Gaana,Toogo,Beniin,Nayjar,Nayjeeriya Kamaruun iyo Jaadh,waxana uu sitey markii uu dalalkaas marayey calanka Soomaaliya,isagoo baadi goobaya nabad ka dhalata Soomaaliya oo ah dalkiisii hooyo ,waxana uu ku dhashay magaalada Kismaayo ee dalka Soomaaliya,isaga oo cadeeyey inuu go'aansaday inuu safarkaas ku jirayo inta dalkiisa hooyo nabadi ka dhalanayso ,taasoo maanta uu soo hor istaagey madaxweyne Soomaaliyeed,Afhayeen baarlamaan iyo xildhibaano ka tirsan qarankii Soomaaliyeed ee hadda la rajaynayo inuu dib u soo noolaaday.

 

Iimaan Cali Cabdi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this