Sign in to follow this  
ANWAR

Waraysi dhawaan lala yeeshay Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa)

Recommended Posts

ANWAR   

Wasiirka Iskaashiga Gobolada ee dawladda Somaliya ee uu Ra’iisal-wasaaraha ka yahay Cali Maxamed Geeddi oo uu waraysi gaar ah la yeeshay weriyaha Haatuf ee Muqdisho Yaasiin Maxamed, waraysgaasi waxa uu kaga hadlay arrimo farabadan oo ay ka mid yihiin sida uu u arko xaalada Somaliya, sababta keentay inuu ka mid noqdo dawladaasi, sida uu u arko marxalada ay haatan marayso Somaliland, sida cunaqabtaynta xoolaha loo qaadi karo iyo arimo kale oo badan.

Wareysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

 

S: Waxaad iiga warantaa rajada hadda soo cusboonaatay ee uu Baarlamaankii Baydhabo isugu yimid ma dhamayn doontaa khilaafkii laba sanadood ku dhawaadka ee ka dhaxeeyey Dowladda Federaalka Somaliya, sideedse u aragtaa in khilaafkaasi uu salka ku hayay?

J:- Haddii aan guud ahaan siyaasadda Soomaaliya iyo khilaafka ka taagan aan ka hadlo wuxuu ka soo bilaabmay Dawladdii Milliteriga ahayd oo la ogaa wixii laga soo maray in maanta laga baxo arrinkaas, taasoo muddo soddon sanadood ah inaga qaadatay, haddii aan maanta eegno tan lagu dhisay Inbagaati iyo is qab qabsiga hadheeyay weli barnaamijkii lagu soo sameeyay ee lagu soo taagay dawladdaasi cid tidhi waanu ka baxnay ma jirto, waxaase lagu kala duwanaa aragtiyo taasoo keentay in guruub u arkaan in dantu ku jirto in Xamar aanay diyaar u ahayn in la dego oo ay qabaan in meelo kale lagu sii nagaado inta Caasimadda laga xasilinayo halka qaar kalena ay u arkaan in Xamar la tegi karo oo hawsha laga bilaabo Caasimadda Soomaaliya, waxaadse maanta moodaa in ciddii ku dacwiyaysey in Xamar bislayn oo aan la tegi Karin oo dhooba qaad loogu sii sameeyo si Baydhabo oo maanta ay joogaan Baarlamaankii xooggiisii oo ka bilaabaya arrimaha hoos laga soo bilaabayo, sida in la dhamays tiro kaabayaashii Baarlamaanka guddiyada iyo waxyaabaha kala duwan ee uu Barlamaanku u baahan yahay. Dhinaca kale waxaad mooddaa in loo badan yahay Dawladdii maka shaqaysiinaa mise garbaduub baynu u xidhnaa taasoo dad badani ay qabaan in laga shaqaysiiyo marka hore dawladda, ma filayo in Dawladda dhaqso loo beddelo, habka siyaasiga ee la qaatayna waa hab Dimuqraaddi ah oo barlamani ah, Daladda waa la ogyahay qaabkey uga soo baxday dalka Kenya oo habacsanaan badani ay jirtay, arrinka ugu muhiimsanina wuxuu ahaa in dawladdu ay shaqayso oo seddax qaybood oo muhiim ah la sameeyo oo ka shaqaysiiyo Ra’iisal wasaaaruha ayaa la rabaa, bulshada caalamkuna waxay rabaan in dawladdu ay noqoto Dawlad shaqaysa oo dhamaysata khilaafkeeda gudaha isla markaana waxay doonayaan in wadamada adduunku diyaar u yihiin inay wax la qabtaan dawladda, balse waxa laga rabaa in Soomaalidu wax qabsato marka hore iyadu intaan adduunyada lagu mashquulin

 

S: Sideed u aragtaa in dawladani uga duwantahay kuwii hore ee Soomaliya loo dhisi jiray oo khilaaf iyo kala guruubaysi ku dhamaaday?

J: dawladani way ka duwan tahay kuwii hore sababtoo ah sanad iyo badh ka dib way isu soo noqotay oo waa taa isu timi,dawladahii hore markay kala tagaan ayay bur buri jireen mida kale waxa iyana jirtay faragelin iyo u yeedhid loo yedhi jiray qaar ka tirsan siyaasiyiinta ka qayb qaadan jiray in fadhiid ay ka dhigaan dawlada balse maanta taasi ma jirto oo beesha caalamka iyo dalalka daneeya arimaha Soomaliya waxay isku waafaqsan yihiin in aan maanta tan la baabi’in ee la gacan qabto oo dawlada lagala shaqeeyo sidii ay nabadgelyada u soo celin lahayd.

 

S: Intii aad debadaha maraysey ee aad u ololenayseen dawladan in la taageero ma jiraan wadamo aad farta ku fiiqi karto oo aad u taagersan dawladani?

J; Haa waxaa jira dawladaha jaarka ah oo doonaya in ayna Somaliya maanta dawladaasi ka burburin taas oo ay uga baqayaan in dalalkooda ay soo gaadho burburka ka jira Soomaliya markaa waxay dawladahani ay aad u doonayaan in ay hagaagto dawladani oo ay ka suura gasho dalka oo dhan.

 

S: Ma jiraan wax dhaqaale ah oo dawladan loo hayo ama hada la siiyey intii uu haatan baarlamanku isu yimi?

J: waxaa jira in aduunku uu diyaar u yahay oo ay cadeeyeen in marka hore ka tageerayaan dawlada xaga amaanka oo ay bixinayaan in la xereeyo maleeshiyooyinka lana sameeyo Boolis oo ay dhawaan samayn doonaan dhinaca maalgashiga waxa jira wadamo badan oo doonaya in maalgelin ay ku sameeyaan dalkeena balse waxa la rabaa in meesha la maalgelinayaa in ay wax ka soo noqdaan oo la hubo in ay wax ka soo noqonayaan, tan kale dadka Soomaliyeed 15 sano ka dib waxaan qabaa in ay waaya arkeen hore dawladii Milatariga ahayd waxay cadaadin jirtay ganacsiga xorta ah kaas oo manaboli ahaan jiray siyaasada dawladani waxay ku salaysantahay ganacsiga xorta ah oo cid kasta oo doonaysa maalgashi ay diyaar u tahay waxaan filayaa hadii la qiimeeyo waxa ku bixi kara maanta Soomaliya waa 15 bilyan oo Doolar aduunkana wax wayn kuma aha lacagtaasi markaa waa in marka hore la helaa amaan, baanka islaamka ee jida ku yaala iyo kan Muslim Islaam oo aan saaxiibo nahay agaasimihiisa oo la yidhaahdo Axmed Maxamed Cali ninkaasi waa nin Soomalida jecel waxaanu doonayaa in uu qayb aad u mihiim ah ka qaato dib u dhiska Soomaliya. dhinaca kale sanduuqyada carbeed ee bixiya mucaawinada iyaguna way buuxaan diyaar baanay u yihiin in meel nabadgelyo leh oo ay maal geliyaan oo Somaliya ay wax u qabtaan markaa waxaan la rabaa dadka Soomaliyeed iyaga ayay wax waliba ku xidhan yihiin oo nimcada illaahay siinayo ayna iska daadin ee ay soo dhawaystaan.

 

S: Sideed u aragtaa in dawladaha Carabtu ay ka gaabiyeen taageerada Dawlada Cabdilaahi Yuusuf halka ay tii Cabdi Qaasin ay dhaqaale badan siiyeen si wayna ay u taageersanaayeen?

J; waxaan qabaa arintaasi waa arin aragti gaaban laga bixiyey oo meesha aan qaban waayo dawlad kasta oo Carbeed oo dalkeeda xasilooni iyo kala danbayn ku soo rogta carabtu waa u diyaar argtidoodana iyaga waxa u mihiimsan in mandaqadan Somaliya ay ku taalo ay noqoto mid degan oo ka reeban dhibaato iyo dagaal sokeeyo in ay markasta ka dhacaan dhinaca kale marka laga hadlayo dano jacayl iyo nacayb midna maaha ,dunidu waxay kuwada shaqaysaa jacayl iyo nacayb la isu qabo maaha ee waxa lays waydiiyaa dawladaasi maxay u qaban kartaa mandaqada ay ku nooshahay ma ka samayn kartaa nabadgelyo iyo horumar.

S: Waxaa la idinku eedeeyaa qoladiina ka soo jeeda Somaliland in aad magacii beesha reer sheekh isaxaaq aad bahdisheen oo riqiis aad ka dhigteen oo wax *** la yidhaahdo aad ku badelateen oo aad ogolaateen wax la yidhaahdo 4.5 in Soomalida wax loogu qaybiyo eedaa maxaad ka leedahay?

J; horaa loo yidhi ninkii lagu yidhi faraska maxaad xagiisa danbe uga degtay dan baa sidaa tidhi buu yidhi, arinkan aad sheegayso markii aan aragnay in aanu ***** diyaar u ahayn in qaybta uu xaqa u leeyahay sababo jira si kastaba ha ahaadeene in aanu uga soo qayb galayn wax qaybsashada in marhadii Soomalidu isu timi in danihii ***** loodaba socdo , sida keliya ee aanu isnidhi wax way ku hagaagi karaana waa sidaa aanu yeelnay, anigu shakhsiyan dawladii Carta markaan joognay waxaan soo qadimay fikrad odhanaysay shan beelood iyo badh halaga dhigo oo shirka aan sidaa ku galno beeshaa shanaadna ha noqoto beesha ***** , sida cidwaliba ogtahay arinkaa waa laygu diiday cida diidayna waxay ahaayeen beesha ***** ha joogeen Jabuuti ama Hargeysa, mar hadii ay sidaa u dhacdayna in aan meesha ka tagnana oo aanu booska banaynana way nala noqon wayday oo way noo cuntami wayday si kasta ha noqotee balse mar alla markay beesha ***** diyaar noqoto wixii ay xaqa u lahaayeen cid u diidaysaa ma jirto ee beelaha kale ee Soomaliyeed ay qaateen maanta ***** Baarlamaankan waxa uu ku leeyahay 28 waxa ka dhimanina waa 33 kursi kaas oo beelaha kale ay haystaan 61, markaa anagu waxaanu door bidnay in waxa uu ***** Soomali ku leeyahay in aanaan dayicin sidaa ayaananu u joognaa. dhinaca kale waxaanu u aragnaa maslaxada ***** in ay ku jirto wada jirka Soomaliwayn, meel la kala tagayaa ma jirto marka ay dawladu ay hana qaado ayaa arimahaa laga wada hadlayaa waxaana qayb ka qaadan doona saladiinta , dawladani waxa ay ku dhaqmaysaa siyaasad beelaysan beelahana waxaa marjic u ah dhaqanka, saladiinta Isaaqna waa inay ogaadan in danta ***** ay ku jirto sidii ay ugala hadli lahaayeen dawlada Cabdilaahi Yuusuf 33ka kursi ee ka maqan oo ay beelaha Soomaliyeedna u soo bandhigaan arinkaa inta ka maqan.

 

S: Sideed u aragtaa aragtida ah hadii Soomaliya la midaynayo in ay noqoto sidii lixdankii oo kale oo laba gobol oo isu yimi oo kale in maanta lagu saleeyo?

J; aragtida caynkaa ah waxaan u arkaa aragti wakhtigeedii uu dhamaaday siyasada maanta Soomali isku haysana ma aha mandiqado ama qaybo wadanka ah balse waa siyaasad beeleed waxaanan ku leeyahay siyaasadii Siyaad Bare lagu saaray ee S.N.M na waxay ahayd mid beelaysan oo lagu saleeyay, balse may ahayn mid waqooyi ama Somaliland lagu saleeyey, waxaanse ku leeyahay arinkaasi waa dhamaaday oo soo noqod ma jiro maanta waxa la rabaa in midnimadii la soo celiyo iyo walaaltinimadii Soomali ka dhaxaysay oo ay qolo waliba maanta ay sheegato dhibta gaadhay oo la kala calool fayoobaado ayaa la rabaa arinta qaybaha siyaasiga ee dalku uu u qaybsamayo aniga iyo Cabdiraxmaan Tuur alla ha u naxariistee waxaanu ka mid ahayn dawladdii ugu horaysay ee Somaliland loo dhiso inkasta oo aanu qawadsanayn hadana si aanay wixii u kala daadan dhibaatadii la soo marayna aan loogu noqon ayaanu u aqbalnay in Soomaliland la dhiso markiibana waxaan ku idhi Soomaliland sidan uma shaqyn karto,11 sano kadib ayaan ku idhi waar niman yahaw ***** Somali ma kala marantee wadankii aynu ku maamulno waqooyi iyo koonfur oo federaal ah waase nalagu diiday wixii ka dhacayna waa la ogaa oo maanta maaha waxaan dib u eegayo balse waxaan qabaa in maanta aanay jirin wax beel Soomaliland la yidhaahdo balse beelo loo wada degan yahay ayaa cad, waxaana jira beelaha ******* , *** , ****** , Digil iyo midhif iyo kuwo kale.

Dhinaca federaalka xaga dawlada waxay noqon doontaa mid ku xidhan in laga wada doodo oo baarlamaankan hada shaqaynaya ayaa la hor dhigi doonaa, dood baana laga yeelanayaa waxaana laga rabaa in ay ka soo qayb galaan gobolada waqooyi, dhinaca maamnulka is-xukun hoosaadyada waxay noqon doontaa in maamul ahaan loo wada hadlo sida aad ogsoontahay dawladani waxay u aqoonsantahay mamulka ka jira Somaliland mid maamul hoosaad ah oo doonaya dhibatooyinka ka jira Soomaliya sidii wax looga qaban lahaa dawladanina marka ay sal dhigto waxay diyaar u tahay in lawada hadlo oo meel laysla dhigo wixii la kala tabanayo laysuna calool-fayoobado ayaa ka go’an.

 

S: Ismaaciil markii aad dawladii Soomaliland ka tirsanayd maxaad xilkaa u qaaday hadii aad ogtahay in aanay shaqaynin Somalilandinimadu oo Somaliweyntu ka fiican tahay?

J; Anigu markii aanu Burco fadhinay waxaan lahaa arinkan kala go’a dani inooguma jirto iyo wax la yidhaahdo Somaliland , arinkan maanta aan halkan u joogana ee aan ugu jiro dawladan Soomaliyeedna waa mid aan u arko danta umada Somaliland in Soomaliya wax lala qayb sado waayo ilaahay baa iskeen baday Soomaliyina weligeed waa isku mid in waqooyi maamulkiisa uu xor u ahaado cid u diidaysaa ma jirto balse waxa la diidan yahay waa kala go’a ee lama diidana Baarlamanka la soo doortay iyo madaxwaynaha Somalilandba in ay shaqeeyaan waa la rabaa sida Puntlan-ba ay u leedahay maamul ogol dawlada dhexe in ay ka tirsan tahay ha noqdaan ayaan odhan lahaa.

 

S: Mudo badan baad ka mid ahayd dawladihii isaga danbeeyey ee laga dhisay Soomaliya weliba adigoo leh waxaan matalaa dadka degan Somaliland maxaad isleedahay waad u qabatay in tii aad ka mid ahayd dawladahaas oo aad sheegi kartaa?

J; runtii waxaan odhan karo waxaas baan u qabtay Soomaliland ama Soomaliyaba ma jirto oo wali ma hayno dawlad intay si fiican u Isutaagtay laga shaqayn karo tanina marka ay hada si fiican isu taagto ayaanu raadinaynaa xuquuqda ay leeyihiin dadka aan matalnaa in aan ilaalino oo aanu hubsano in ay qateen waxa ay xaqa u leeyihiin.

S: Dareenka beesha caalamku ay ka qabto gooni isu taaga Somaliland halkee ayuu gaadhsiisan yahay ma is-leedahay waa la aqoonsanayaa dhawaan?

J ; Hadii aan ka soo qaado wadamada inagu xeeran ee Jabuuti, Itoobiya iyo kiiniya intaan ogahay cid ogol in Somali maanta la kala gooyo ma jirto oo cid odhanaysa hadii la aqoonsado waxtar bay la imanaysaa anigu maan arag intii aan Somaliland ku jiray dawladii aan wasiirka ka ahaa oo aan tagey aduunka sida Yurub, Ameerika, Carabta iyo Afrikaba oo xitaa aanu israacnay marar qaarkood Cabdiraxmaan Tuur oo aan ku soo wareegnay wadamo badan waa nalaga garawsan waayey in aanu ka dhaadhicino in nala aqoonsado qolo walba oo aanu u tagnaa waxa ay na yidhaah daan arinkan kala go’a naga daaya oo dhinac kale uga soo wareega oo wax kale noo sheega kala go’ yeeli maynee maanta aduunku isagiibaa isu tagaya oo midoobaya idina waxaad doonaysaan in aad kala go’ keentaan waxaa ka fiican midaw ku salaysan xitaa hadii aad Geeska Afrika aad isu keenaysaan oo hal dal aad ka dhigaysaan waanu idinla shaqaynaynaa balse kan aad wadataan shaqayn-maayo siyaasada Aduunkuna way isbedeshay maanta oo dhaqaale looma hayo hadii lakala gooyo wadamada qarkood ayay aduunku taagan yihiin.

 

S: Sidaad ogtahay halbawlihii dhaqaalaha Soomaliya waxa uu ahaa ganacsiga xoolaha nool oo suuqa ugu wayni uu ahaa sucuudiga isna wuu joojiyey iyadoo la sheegayo in ay ka danbeyso arin xaga siyaasada ah iyo cudur la sheegay in ay qabaan xooluhu xiligaas oo beenoobay maxaad is leedahay dawlada Sucuudigu ku fasaxi karto in xoolaha loo dhoofiyo ma wax shuruudo ah ayaa jira?

J; horta dhibaatada Soomaliya haysataa waa mid ay iyadu isu gaysatay, xoolaha markii la joojinayey cida tidhi way bukaan Soomaali bay ahayd iminkana Sucuudigu waa u diyaar in uu xoolaha Soomalida qaato, laakiin sidee buu ku qaadanayaa dawladuhu waxay ku macaamilaan hab Ganacsi, dawlada Sucuudigu waxa ay doonaysaa xoolaha Soomaliyeed oo shahaado Soomaliyeed wata ,waxa kale oo ay doonayaan shahaado rugta ganacsiga Soomaliyeed oo safaarada ay soo mareen ee Sucuudigu ay ogolaatay, Sucuudigu hada waxa uu galay ururka ganacsigaaduunka (W.T.O) oo laga doonayo in ganacsigiisu ku salaysnaado qawaniinta dawliga ah ee ganacsiga aduunka.

Xoolaha Soomaaliduna sida aynu wada ogsoonahay markii dawladnimadii Soomaliyeed bur burtay ayaa alla ha u naxariistee Boqor Fahad uu amar ku bixiyey in dekada Jeesan ee Sucuudiga Soomalidu xoolaha halkaas iska keensato waase la ogaa in xoolihii Soomalidu uu noqday sidii baradhadii oo kale in loo kala iibsado oo marmarka qaarkood la garan waayey cida wadataba oo la waayey, balse hadii aynu doonayno in xoolaheenu ay galaan suuqa wayn waxaa ka horeeya in aynu noqono dawlad, Berbera xoolaha laga dirayo hadii xukuumadii joogtay ay leedahay Soomali ma nihin sidee Sucuudigu u qaadanayaa madaama uu doonayo shahaado Soomaliwayn.arimaha ina haystaa maaha kuwo debada inagaga imanaya dadka yidhaahda dawlada Sucuudigu waxa ay u xidhay xoolaheena waa arin siyaasi ah ama cidhiidhi inay ina geliso arinkasi waxaan leeyayahay waxba kama jiraan, balse intaa waxay leeyihiin keena qaabkii aanu wax idinku qaban lahayn, haatana waa la ogaaday cudurkii la lahaa way qabaan xoolaha Somalidu in uu beenoobay waxa keliya ee la rabaa waa shaahaadada Dawlada Soomaliyeed oo lagu dhoofiyo laguma dhoofin karo shahaado la yidhaahdo Soomaliland oo lama aqoonsana hadii taa la helo in shahaado Soomaliyeed xoolaha Soomaliduna way tagayaan Sucuudiga.

 

S: Qaabkee ayaad isleedahay waa la samayn karaa oo xoolaha lagu dhoofin karaa oo laysku afgaran karaa oo labadii dhinac raali gelin karta oo wax lagu socodsiin karaa?

J; Waxaan is leeyahay qaabka ugu wanaagsan ee hadda la wadaa waa shirkado Sucuudi ah oo laga yaqaano dawlada Sucuudigu in ay yimadaan Soomaliland iyo dekadaha kale ee Soomaliya ku yaala ee wax laga dhoofin karo oo ay halkaa ka sameeyaan shaybaadh (labatory) ay xoolaha ku eegaan in ay caafimaad qabaan oo la dhoofin karo iyo shahaadadoodu in ay xoolahani Soomali ay leyihiin sidaasna ay ku galaan Sucuudiga arinkaas ayaa hada la wadaa waxaana wax ka wada UNDP iyo jimciyado kale, waxaanse leeyahay dawladuhu wixii badeeco ah ee soo geleya dalkooda iyagaa xor u ah , Sucuudiga ma amri karaan Jaamacada carabta iyo UNDP toona iyadaa xor u ah ganacsigeeda,balse dawlada ku meelgaadhka ah waxa laga rabaa hada ee aytahay in laysla meel dhigaa oo wax laysku raaco oo waafaqsan ganacsiga caalamiga dadka Soomaliyeedna aanay xoolahoodu noqon kuwo la bakhso ee xaqa ay u lahaayeen in ay helaan ama loo qaato si aanay u noqon kuwo baadiya, iminka oo aan Sucuudiga ka imina waxaan ogahay in dhinacaa diyaar looga yahay lagana sugayo dawlada Soomaliyeed in ay arimahaa ka wada hadasho Sucuudiga waa lagama maarmaan, maamulka Soomalilandna waxaa laga rabaa in arintaa laga wada hadlo.

 

S: Sidee ayuu ku suuroobi karaa in aad u wada hadashaan maamulka Soomaliland?

J: waxa lagu wada hadli karaa iyadoo Somaliland ogolaata in qaab dawlad dhexe loo wada hadlo sida Putland oo kale oo ay sidoo kale u ogolaato ganacsatada Somaliland in ay ka soo qayb galaan wada hadalka arintaas laga yeelan doono oo ku dhici doona qaab xaq ah oo laysla ogolyahay in xoolaha lagu dhoofiyo, midna waxaan rabaa in aan hoosta ka xariiqo dekada Berberi waa dekada ugu dhow Sucuudiga ee ay xooluhu ka dhoofi karaan balse sida ay maanta tahay dekada Berberi waa mid lala yaabo, dhawaan waxaan soo maray dekada Boosaaso oo adhiga ka dhoofaya aad yaabto markaa waxaan qabaa in dekada Berberi ay dayacan tahay si loogu diyaar garoobana in sidii awalba ay uga dhoofi jireen uga dhoofaan xooluhu waxa la rabaa in maamulka Soomaliland inuu isku hawlo sidii dekada Berbera wax looga qaban lahaa

 

La soco qaybta Labaad ee waraysigan, oo ay Haatuf qaaday

 

 

long liv SOMALIEN UNITY

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this