Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: President Faroole gets huge welcome back home: PICS

Recommended Posts

Madaxweyne Faroole oo lagu soo dhaweeyey Bosaso

 

11.jpg

 

Waxaa maanta magaalada Bosaaso kasoo degay Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo oo dibada ugu maqnaa safar shaqo.

 

Wafdigan ayaa waxaa Airporka Magaalada Bosaaso kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiinta Dowlada ee ku sugan magaalada Bosaso.

 

Madaxweyne Faroole ayey maalmihii lasoo dhaafay kulamo uga socdeen dalka Jabuuti halkaasi oo uu kula shiray Madaxweynihii hore Cadde Musse iyo wafuud ganacsato Ajaanib ah kuwaasi oo ka wada hadlay mashaariicda Puntland ka socota oo ay ku jiraan Baarista Batroolka, Dhismaha Airporka iyo Dekkada Bosaaso.

 

Imaanshaha Madaxweynaha Puntland ee magaalada Bosaso ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii ay magaalada ka dhaceen rabshado ay ku dhinteen 3 ruux. Rabshadahaasi oo ka dhashay wadaad ay xireen ciidamada Sirdoonka Puntland.

 

Dhinaca kale Taliyaha ciidanka Booliiska ayaa maanta Airporka Bosaso ku xiray mid kamid ah Suxufiyiinta Horseed Media isla markaasna ah Weriyaha u fadhiya Puntland Hay’adda warbaahinta ee Reuters oo ku gudo jiray hawlshaqo, waxayna Booliiska halkaasi ka ka xeysteen Suxufi Abdiqani Dhagjar oo ahaa Sawirqaadihii Horseed Media & Reuters.

 

Muddo yar kadib ayey dib ugu soo celiyeen xoriyadiisi, uma aysan sheegin sabab ay ku xireen waxayse u muuqataa handadaad iyo cabsi gelin loo geysanaayo Sufuxi Cabdiqani Dhegjar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Faroole Oo kasoo degay Garoonka Diyaradaha Ee Boosaaso

 

Madaxweynaha Mamul Goboleedka Puntland Ayaa maanta Soogaaray gudaha Magaalada Bosaso Madaxweynaha ayaa kasoo kicitay dalka jabuuti oo uu dhawaanahan madaxweynuhu kusugnaa

 

Xiligii uu madaxweynuhu kasoo dagayay garoonka Diyaaradaha ee Bander Qaasim ayaa waxaa madaxwenaha soo dhaweeyay dadweyne farabadan qaar kamid ah masuuliyiinta dawlada, masuuliyiinta soo dhaweysay madaxweynaha waxaa kamid ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha ee mamul goboleedka Puntland C/aahi Axmed Jaamac (Ilko Jiir) Wasiirka Amniga C/aahi Saciid Samatar ,wasiir kuxigeeno iyo sidoo kale wasiiro kale oo goobta soo dhaweynta kusugnaa mamul degmada iyo mamulka gobolka bari ayaa si lixaad leh uga qayb qaatay soo dhawenta madaxweyne faroole

 

Markii uu soo dagay madaxwenuhu ayuu gacan qaaday dadkii faraha badnaa ee ksusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha intaasi kadib madaxweynuhu waxa uu usii gudbay dhanka madaxtooyada halkaasi oo uu kulahadlay warqaadayaasha

 

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn waxa uu saxaafada uga warbixiyay safarkiisii uu kusoo maray wadamo kaladuwan oo kuyaal bariga afrika isaga oo madaxweeyne faroole soo maray wadamo ay kamid yihiin Eathopia iyo Xukuumada Jabuuti ,Madaxweynu ugu horeun waxa uu kawarbixiyay wax yaabihii ay kawada hadlee Xukuumada Eathopia waxana uu sheegay madaxweenuhu in waxyaabihii ugu waawayn ee ay xukuumada itoobiya ay kawada hadleen ay uguwaawayn sidii laysaga kaashan lahaa dhanka amaanka waxa uu markale uumadaxweynuhu cadeeyay in lagawada shaqeeyo dhamaan wixii dhib ah oo kadhacda gobolka oo layska kaashado ,

 

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu cadeeyay in xukuumada itoobiay ay kawada hadleen sidii ay dawlada itoobiya ay tababar usiinlahayn ciidamo katirsan mamul puntland sidoo kale waxa uu cadeeyay madaxweynuhu in xariir lasameeyay laxiira arimaha caafimaadka sidoo kale waxa uu madaxweynuhu cadeeyay in xukuumada itoobiya ay kalaxariireen arimaha laxiriira dhanka ganacsiga iasaga oo qeexay faroole in xukuumada itoobiya ay aad ugu hor martay dhanka ganacsiga sidoo kale waxa uu cadeeyay madaxweynuhu in ay jiraan arimo farabadan oo uu kala soo hadlay xukuumada itoobiya .

 

Marka lagatago Xukuumada Itoobiya Oo uu madaxwene faroole kulamo laqaatay ayuu mar kale waxa uu madaxweynuhu kahadalay kulamadii uu lasoo yeeshay masuuliyiinta Xukuumada jabuuti oo uu kulan lasoo qaatay waxa Uu cdeeyay faroole in waxyaabihii ay kawada hadleen xukuumada jabuuti ay kamid ahaayeen sidii looxoojin lahaa nabada iyo xasiloonida Somaliya, waxa uu sidoo kale cadeeyay madaxweeyne faroole in uu kala soo hadlay xukuumada itoobiya sidii xariir sokeeye udhaxmari lahaa xukuumada jabuuti iyo mamul Goboleedka Puntland OO laxiriira dhanka ganacsiga

 

Sidoo kale waxa Uu madaxweynuhu Cadeeyay in Uu intuu jabuuti Joogay UU kaqayb galay Kulan looqabtay Ganacsatada Soomaliyeed iyo kuwa Puntland Kulankaasi Oo ay soo qaban qaabisay UN ka

 

Waxa Uu qeexay madaxweyne Farolole in si gaar ah ay uga codsadeen xukuumada Jabuuti in ay gacan kagaystaan dhismaha Dekeda Bosaso iyo sidoo kale dhismaha rugta ganacsiga Ee Puntland , madaxweyne faroole ayaa markale cadeeyay in xukuumada jabuuti ay kawada hadleen wax walba oo dantu ugu jirto Puntland

 

Madaxweynuhu waxa uu mar kale si qota dheer uga hadlay dhacdadii 23bishan kadhacday gudaha magaalada bosaso oo ay dad kudhinteen dadna ay kudhaawacmeen waxa uu madaxweynuhu tacsi udiray cidii waxyeelo kasoo gaartay arintaasi dhacday oo ahayd mudaharaadki ay sameeyay qaar kamid ah bulshada kudahqan magaaladan bosaso

 

Madaxweyne C/raxmaan Maxed Faroole Ayaa asbuucyadii Udanbaysay safar kula bixinayay wadamo kuyaal geeska afrika oo ay kamid ahaayeen Xukuumada Jabuuti iyo Xukuumada Itoobiya isagoo madaxweynuhu cadeeyay in dhamaan qodobadii ay isla sooqaadeen xukuumada ay isku afgarteen .

 

Xasan Cabdi Farey (Xasan Gentleman)

SBC-International Bosaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this