Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu largest clan again supports TFG...

Recommended Posts

Hoggaanka Golaha Guurtida Noth Mogadishu.. oo maanta lagu dhawaaqay

 

Md.Muxyadiin.png

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 23/03/07

 

Shir ballaaran oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu dhawaaqay magacyada hoggaanka Golaha Guurtida ****** oo isagu ka kooban 81-xubnood dhowaana lagu dhisay magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo danaha beesha ****** Cusmaan Md. Muxyaddiin Xasan Afrax oo u waramayay Warbaahinta ayaa sheegay inay maanta u suurtagashay inay ku dhawaaqaan xubnihii hoggaamin lahaa Golaha Guurtida beesha ******, waxaana Guddoomiyaha Golaha Guurtida ****** loo magacaabay inuu noqdo Sheekh C/lle Maxamuud Maxamed, iyadoo Guddoomiye ku xigeeno laba ahna loo kala magacaabay Sheekh Axmed Abuukar (Sh. Axmed Dheere) iyo Nabadoon Caddow Cali Calasow (Bidixey).

 

"Golaha danaha iyo dhaqanka beesha ****** iyo Golaha Guurtidaba waxay si buuxda u taageerayaan ulana shaqeynayaan Guddiga dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee uu Guddoomiyaha u yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md. Cali Mahdi Maxamed" ayuu yiri Xaaji Muxyaddiin Xasan Afrax oo sidoo kale sheegay inay ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaan inay taageeraan guddiga dib u heshiisiinta isla markaana la shaqeeyaan.

 

Sidoo kale mar uu ka hadlayay shirar dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu sheegay inay yeesheen beelaha ****** ayuu yiri: "****** ku tashaday inuu dowladda la dagaalo ma jiro, cid kasta oo wax qabtana waa inay arrimaheeda soo hor dhigtaa guddiga dib u heshiisiinta Qaran ee uu guddoomiyaha u yahay Md. Cali Mahdi Maxamed".

 

 

 

 

"Waa been abuur kuwa mar kasta sheega inay yihiin ****** shiray, ****** waa beel nabadeed, waana dhammaaday xilligii dagaalka, waxaana loo baahan yahay in caqligu taliyo" ayuu mar kale yiri Afhayeenka Golaha danaha dhaqanka beesha ****** oo sheegay inaanay iyagu diidaneyn ******, balse aan loo baahneyn in cid kastaba ku been abuurato magaca beesha ******.

 

Xaaji Muxyaddiin Xasan Afrax waxa uu sheegay in Golaha Guurtida beesha ****** ay yihiin kuwo hoos tegaya Imaamka, Ugaaska iyo Malaaqa, wuxuuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay noqdaan kuwo garab siiya nabadda iyo dib u heshiisiinta ee ay u guntadeen guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed.

 

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

 

xuurshe114@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this