Sign in to follow this  
ansaar17

Maxamed Dheere oo wali maamula Sh/Dhexe

Recommended Posts

ansaar17   

Maxamed Dheere oo weli ku adkeysanaya in uu weli yahay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe

 

Axad, February 25, 2007(HOL): Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo muddo shan sano ah ka talinayay Gobolka Shabeelaha Dhexe balse ay dhawaan Dowladda Federaalka sheegtay in ay Gobolkaas u magacawday maamul aan ahayn midkii Maxamed Dheere ayaa ku adkeysanaya in uu weli yahay guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

 

 

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in uusan arkin cid si sharci ah loogu soo magacaabay Gobolka Shabeelaha Dhexe, balse uu arkay xubno sheegaya in ay Dowladda Federaalka u soo magacawday maamulka Gobolka. Maxamed Dheere waxaa uu ka soo horjeestay maamulka cusub ee ay Dowladda u magacawday Gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna ku cel celiyay in uu aqbalay maamulka la soo magacaabay haddii ay ula yimaadaan magacaabis sharci ah.

 

 

 

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo ka mid ah Hoggaamiye kooxeedyadii hubkooda ku wareejiyay Dowladda Federaalka ayaa sheegay in uusan ka soo horjeedin Dowladda Federaalka balse sababta uu magacaabistaas u diidan yahay ay tahay iyadoo dhinaca kale uu dalka ku jiro xaalad deg deg ah, isla markaana cidda wax magacaabi karta ay tahay madaxweynaha oo kaliya. Waxaa xusid mudan in maamulka cusub ee gobolka Shabeelaha Dhexe uu magacaabay Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi.

 

 

 

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay dowladda Federaalka maamulka u magacawday Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka laga soo sheegayay falal nabadgelyo darro ah iyadoo ay jireen dil iyo dhac loo geystay dad rayid ah oo ku safrayay wadada isku xirta Gobollada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan.

 

 

 

Dhanka kalena, Maxamed Dheere waxaa uu ka hadlay Madaafiicda ay is-weydaarsanayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kuwa Itoobiyaan ee isku dhinaca ah iyo Kooxaha ka soo horjeeda, wuxuuna caddeeyay in ay Dowladda xaq u leedahay in ay Madaafiic ku jawaabto haddii la weeraro, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay iska qabtaan kooxaha dhexdooda madaafiicda ka tuuraya.

 

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

 

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this