Sign in to follow this  
General Duke

Bur-Hakabo: 15 captured from clan courts millitia move back out..

Recommended Posts

Baydhabo: Ciidamadii maxkamadaha oo ka baxay deegaanada hoos yimaada Buur hakaba oo ay bilahaan ku sugnaayeen.

Khamiis, November 09, 2006

 

 

Baydhabo (AllPuntland)- Sarkaal ka tirsan ciidamada dawalada Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ciidamda maxakmadaha magaalada Muqdisho ee dhowaanahan ku sugnaa duleedka deegaanka Buurhakaba ay gureen.

 

G/Sare C/laahi Gaafaa Kaarshe ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ciidamadadii maxkamadaha ee ku sugnaa deegaanadaasi ay ka baxeen si iskod ah halkii ay difaaca kaga jireen iyaga oo u guuray dhanka magaalada Muqdsiho.

 

Waxa uu sarkaalkani sheegay in ciiidamada dawladda Soomaaliya ay haatan dhaqdhaqaaqyo kala duwan ka wadaan deegaanadaasi.

 

Waxa uu intaasi ku daray in ciidamda dawladdu ay gacanta ku dhigeen ciidamo gaaraya 15 oo ka tirsanaa ciidamda maxkamadaha oo uu sheegay in ay dhowaan dagaallo la galeen.

 

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in dhowaan ah heleen warar ku aadan in ciidamo makamadaha taageersan ay hawlgallo amaanka wax loogu dhimayo doonayeen in ay ka sameeyaan magaalada Baydhabo, ayna ka hor tageen.

 

Dhowaanhaan ciidamo ka kala amar qaata dawladda Federaalka ah iyo maxkamadaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay isku hor fadhiyeen deegaano hoos yimada degmada Buur hakaba.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this