General Duke Posted August 31, 2007 Qarax miino oo ka dhacay degmada Hodan oo ay ku geeriyoodeen dadkii dhigayey Muqdisho (WNT) Inta laga war hayo waxa geeriyootay laba ruux oo lagu sheegay kuwii miinada dhigayey waxaa iyana dhaawac ka soo garay laba ruux oo kale sida laga soo xigtay aghayeen u hadalay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. C/llaahi Cumar oo u halayey ciidanka Booliiska ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ay ku geeriyoodeen laba ruux oo ahaa kuwii miinada dhigayey laba kala ay ku dhaawacmeen, waxaana uu sheegay qaadeen kuwii dhaawac ahaa. Qarax miinadan ayaa xalay laga magalay deegaanka ku xeeran degmada Hodan iyo guud ahaan degmada Hodan oo dhan, waxaana cidina war hayn wax yeelada qaraxaan xilliga oo habeen ahaan awgiis, waxaase saakay lagu waabariistay meyd jar jartay miinadu. Magaalada Muqdisho ayaa ka nasatay qaraxyadii miinada oo kuwaasi oo lagu aasi jiray jidadka waaweyn iyo kuwa yar yare e magaalada Muqdisho, taasi oo inta badan aan kala aqoon dadka rayadka iyo masuuliyiinta dawlada ee iyaga lala beegsanayey, waxaana hadda arintaas badaley oo si joogto ah uga dhaca magaalada bun booyinka gacanta laga tuuro. Xarunta wararka Waayaha Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 31, 2007 Sedex Ruux Oo Ku Geeriyootay Muqdisho Xilli Saqdii Dhexe Ee Xalay Ay Miino Ku Aasayeen Deegaanka KKP Posted to the MOL August 31, 2007, 10:08 am Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan oo qasaare geeystay uu ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxaasi oo ka dhashay miino ayaa saqdii dhaxe ee xalay ka dhacay xaafadda KKP ee degmada Hodon , iyadoo wararka kala duwan ay ka soo baxayaan qasaaraha uu geeytsay iyo cidda ku geeriyatay waxa ay tahay. Wararka qaarkood waxa ay sheegayaan in hal ruux uu ku dhintay halka war kale uu sheegayo in ilaa sedex qof ay ku geeriyootay, iyadoo goobta qaraxa uu ka dhacay saaka lagu arkayay xubno jireed oo go`go`ay . Ilo wareedyo soo baxaya ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ahaayeen rag aasayay miinadaasi, iyadoo goobta qaraxa uu ka dhacay ay ka dhawyihiin ciidamada dowlada KMG ah Soomaaliya . Ciidamo ka tirsan dowlada KMG ah ayaa saaka gaaray goobtii qaraxa , iyadoo aysan bixin wax war ah oo la xariira qaraxii xalay . Waxaana degan xaafadda KKP inkastoo gaadiidka in muddo ah laga joojiyay in ay halkaasi maraan balse markii dambe loo ogalaaday. Xigasho-Ilo Muhiim Ah Mudugonline.com Quote Share this post Link to post Share on other sites