Sign in to follow this  
Chief_Aaqil

Somaliland Minister's background, Knowledge and region of origin.

Recommended Posts

Miisaanka, aqoonta iyo degaamada xubnaha loo magacaabay Wasiirada cusub -Waa imisa xubnaha Qurbajo

Written by Ogaal

Jul 29, 2010 at 03:50 PM

 

Miisaanka, aqoonta iyo degaamada xubnaha loo magacaabay Wasiirada cusub -Waa imisa xubnaha Qurbajoogga ah ee la magacaabay? -Wasaaraddee baa nasiib u yeelatay masuul ku habboon?

 

Hargeysa (Qarannews)- Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu shalay shaaciyay liiska golihiisa Wasiirada, ka dib markii Salaasadii doraad la dhaariyay.Wasiiradan cusub oo ka kooban 20 xubnood, iyadoo sidii hore lix keliya laga dhimay, waxa ka dhex muuqda shaqsiyaad ku cusub masraxa siyaasadda Somaliland. Sidaa aawadeed, Wargeyska Ogaal waxa uu halkan idiinku soo gudbinayaa faaqidaad guud-mar ah oo uu ku sameeyay aqoonta, khibrada iyo degaamada ay ka soo jeedaan xubnaha la magacaabay iyo sidoo kale waxyaabaha masuul kasta ku sugaya xafiiska loo magacaabay

 

.Wasaaradda Khaarajiga: Wasiirka cusub ee Khaarajiga Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar, waa nin dhalinyaro ah oo ku cusub masraxa siyaasadda dalka, muddo laba sannadood ku dhawna wuxuu hayay xilka Xoghayaha Arrimaha dibadda xisbiga KULMIYE.Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo degaan ahaan ka soo jeeda degmada Gabiley, wuxuu hadda ka hor wax ka dhigi jiray Jaamacad ku taala dalka Ingiriiska, muddadii uu xilka Xoghayaha Khaarajiga xisbigaa hayayna, waxa la sheegaa inuu xoogaystay xidhiidhka dibadeed ee KULMIYE, ka dib dedaal uu muujiyay. Laakiin, waxa jira aragtiyo kale oo ku saabsan in Mr. Maxamed Cabdilaahi Cumar aanu lahayn khibrad badan u lahayn, maadaama baaxadda siyaasad Khaarajiyeed oo ay ku lamaan tahay sidii bulshada caalamka looga dhaadhicin lahaa, loona iibgayn lahaa qadiyadda Somaliland oo aan 19 sannadood garawshiiyo ka helin beesha caalamka. Isla markaana la balaadhiyay wasaaraddan Khaarajiga ee uu xilkeeda qaaday, waxaana lagu daray xidhiidhka Caalamiga ah oo ay Somaliland u ooman tahay, ka dib markii qaybtaa laga soo dheegay wasaaradda Qorshaynta Qaranka

 

. Wasaaradda Daakhiliga Daakhiliga; Wasaaraddan waxa loo magacaabay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo hadda noqonaya Wasiirka cusub ee Daakhiliga Somaliland, degaan ahaana ka soo jeeda Galbeedka Burco.Dr. Gaboose oo ah siyaasi caan ah, waa Dhakhtar ku takhasusay cilmiga Neerfaha, xilligii Soomaaliyana wuxuu muddo dheer ahaa Dhakhtarkii gaarka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre iyo wasiir ku-xigeenkii Caafimaadka dawladdii Milateriga, ka hor intii aanu ku biirin ururkii dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed ee SNM.Dawladdii Marxuum Cigaal, waxa uu ka soo qabtay xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha, 2002-diina wuxuu aasaasay ururkii SAHAN oo ku hadhay doorashadii goleyaasha Degaanka ee dhammaadkii sannadkaa dalka ka dhacday.Sannadkii 2007-dii wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiin uu hormood u ahaa oo Xabsi ku mutay ka dib markii la diiday ururkii Qaran oo uu guddoomiye ka ahaa, iyadoo markii dambena ururkiisii heshiis iskaashi la galay xisbiga KULMIYE.Waxa lagu tilmaamaa siyaasi hawlkar ah, codkar ah oo awood u leh inuu ka dabaasho hawlo culus. Hase yeeshee, dadka qaarkii waxay ku xidhiidhiyaan nin ku adag aragtidiisa, isla markaana leh hami hogaamineed. Inkastoo xilligan xaaladda amni ee dalku wanaagsan tahay, haddana waxa sugaya xoojinta xasiloonida iyo dib-u-eegista hay'addaha amniga, iyadoo laga shidaal qaadanayo xaaladdaha manqadda ka aloosan

 

.Wasaaradda Maaliyadda:Waxa loo magacaabay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ah siyaasi xilal ka soo qabtay Somaliland, degaan ahaana ka soo jeeda Waqooyiga Hargeysa.Wuxuu bartay cilmiga dhismaha guryaha, muddo dheerna waxa uu shaqaale dawladeed ka ahaa dawladdii hore ee Soomaaliya ka hor intii aanu dalka ka dhoofin. Wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Ururkii dhaqdhaqaaqa Soomaaliyeed ee SNM ee xoraynta dalka.Intii Somaliland jirtay wuxuu soo qabtay xilal dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen Maayarka Hargeysa xilligii dawladdii Marxuum Cigaal iyo Wasiirka Ganacsiga Xukuumaddii Rayaale oo uu dhawr sannadood hayay.Muddooyinkii dambe wuxuu caan ku ahaa ****galka hay'addaha dakhliga dalka, had iyo jeerna wuxuu soo bandhigi jiray musuqmaasuqyo Maaliyaddeed oo uu sheegi jiray inay ku kacday xukuumaddii Rayaale, qabashada cashuuro aan Baarlamaanku jidaynin oo aan sharci ahayn. Waxa lagu tilmaamaa shaqsi neceb musuqmaasuq, isla markaana shaqo badan. Waxa sugaya sidii wax looga qaban lahaa musuqmaasuqa Somaliland oo lagu tilmaamo mid xididaystay, ilaha dhaqaalahana si gaar ah u saameeyay

 

.Qorshaynta Qaranka:Wasaaraddan oo hadda loogu yeedhay Qorshaynta Qaranka iyo horumarinta, waxa loo magacaabay Dr. Sacad Cali Shire oo ah aqoonyahan Qurbajoog ah, degaan ahaana wuxuu ka soo jeedaa Berbera. Waa shaqsi ku cusub masraxa siyaasadda, sida la sheegayna wuxuu xil ka hayay xafiiska shirkadda Dahabshiil ee London, wuxuuna ka mid ahaa kooxo aqoonyahano ah oo aasaasay Jaamacaddaha Hargeysa iyo Burco. Waxa horyaala sii wadista barnaamijyo horumarineed oo dhawrkii sannadood ee u dambeeyay saldhigay iyo sidii ay u waari lahayd la xisaabtanka hay'addaha oo uu labadii sannadood ee u dambeeyay ku talaabsaday wasiirka uu xilka kala wareegayaa.

 

Hawlaha guud iyo Gaadiidka:Wasaaraddan waxa loo magacaabay Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsanaa golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE. Mr. Xuseen oo degaan ahaan ka soo jeedaa Koonfurta galbeed ee Hargeysa, isla markaana aan hore xil uga soo qaban Somaliland, waxa uu sida la sheegay ka tirsanaa ciidankii Badda ee dawladdii Milateriga ahayd ee Soomaaliya, ka hor intii aanu ku biirin halgankii SNM.Waxa sugaya wax-ka-qabashada boobka guryaha dawladda, qabyotirka biriijka labaad ee Hargeysa, wax ka qabashada kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan wadooyinka, dayactirka iyo daryeelka gaadiidka dawladda oo aan sidii loo baahnaa loo ilaalin, kuna dayacan xarumaha dawladda qaarkood.

 

Waxbarashada:Wasaaraddan oo hadda loo bixiyay Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta Sare, waxa loo magacaabay Samsam Cabdi Aadan oo ka mid ah haweenka aqoonyahanka ah ee Somaliland, degaan ahaana ka soo jeeda Waqooyiga Hargeysa.Waqtiyadii hore, waxay shaqaale dawladdeed ka soo noqotay dawladdii Soomaaliya, iyadoo agaasime-waaxeed ka noqotay. Intii Somaliland jirtay waxay ku soo dhex jirtay wax-ka-qabashada baahiyaha arrimaha bulshada, gaar ahaan ilaalinta xuquuqal-insaanka iyo sidii haweenku uga qaybgali lahaayeen siyaasadda dalka.

 

Caafimaadka:Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo hadda laga saaray waaxdii Shaqada oo hore ugu lamaanayd, waxa loo magacaabay Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog) oo ka mid ah Dhakhaatiirta ugu caansan ee Somaliland.Dr. Xuseen-Xoog oo ku takhasusay daawaynta cudurada guud iyo xanuunada Wadnaha, waxa uu ka tirsan yahay guddiga Fulinta ee KULMIYE. Muddo dheer waxa uu ku foognaa daawaynta cudurada, waana markii u horaysay ee uu xil ka qabto Somaliland, wuxuuna dhalasho ahaan ka soo jeedaa Koonfur-bari ee Hargeysa. Wuxuuna ka mid yahay 10 Dhakhtar oo uu shaqada Cusbatalka guud ka joojiyay Wasiirkii hore ee Caafimaadka Mr. Cabdi Haybe.Wasaaradda Caafimaadka oo aan muddo todoba sannadood ah nasiib u yeelan inuu hogaamiyo masuul aqoon u lihi, waxay hadda heshay Wasiir aqoon u leh cilmiga iyo hawlaha Caafimaadka. Hase yeeshee, Wasiirka cusub hadda waxa sugaya sidii kor loogu qaadi lahaa adeega Caafimaadka dalka oo lagu tilmaamo mid hooseeya, hubinta aqoonta dadka ku ganacsatada cilmiga Caafimaadka oo kala-hufid u baahan, kaantaroolka iyo ruqsadsiinta goobaha adeeg Caafimaad bixin kara iyo sidii loo hubin lahaa tayada daawooyinka dalka la soo geliyo, si loo dhawro Caafimaadka bulshada. Intaa waxa dheer, iyadoo laga dayriyo hawlaha Cusbatalada waawayn ee gobollada oo la sheegay in qaarkood qarka u saaran yihiin inay xidhmaan.

 

Gaashaandhiga:Wasaaradda Gaashaandhiga waxa loo magacaabay Axmed Xaaji Cali Cadami oo xilal dhawr ah ka soo qabtay meelo kala duwan. Mr. Cadami waxa uu waqtiyadii hore mar Maareeye ka noqday dekedda Muqdisho, wuxuuna degaan ahaan ka soo jeedaa Bariga gobolka Sanaag. 2001 ilaa 2007-dii waxa uu ahaa guddoomiyaha Guddigii Komishanka Doorashooyinka Somaliland ee u horeeyay oo saddex doorasho dalka ka hirgeliyay.Hadda waxa uu xilka la wareegayaa iyadoo la amaano tayada ciidamada Qaranka, isla markaana aanay colaado Milateri ku oognayn Somaliland.

 

Ganacsiga:Wasaaraddan oo hadda lagu daray wasaaraddihii Wershadaha iyo Dalxiiska, waxa loo magacaabay Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka soo jeeda gobolka Sool.Lama sheegin heerkiisa aqooneed iyo takhasuskiisa gaarka ah, balse sida la sheegay waxa uu ka mid yahay ganacsatada dalka, gaar ahaan dhinaca Xawaaladaha.Waxyaabaha ugu waawayn ee sugaya waxa ka mid ah, kala-xadaynta ganacsiga isku milmay, hubinta tayada alaabooyinka dalka la soo geliyo iyo kormeerka/ sargoynta qiimaha sicirka maceeshada, gaar ahaan quutal-daruuriga oo muddooyinkan dambe kor u sii kacayay. Sidoo kale, waxa xoojin u baahan sidii loo dhiirigelin lahaa, loona hirgelin lahaa abuurista Wershadaha dalka

 

.Xanaanada Xoolaha:Wasaaraddan oo hadda lagu daray wasaaraddihii Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga, waxa loo magacaabay Dr. Axmed Xaashi Oday.Waxa uu ka tirsan yahay golaha dhexe ee KULMIYE, horena waxa uu Agaasime guud uga soo noqday Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.Dr. Oday oo aqoon u leh cilmiga caafimaadka Xoolaha, waxa lagu tilmaamay shaqsi ku haboon xilka Wasaaraddaha is huwan ee loo magacaabay, wuxuuna degaan ahaan ka soo jeedaa Galbeedka Hargeysa.Waxyaabaha ugu waawayn ee sugaya waxa ka mid ah, tayaynta, kor-u-qaadista Caafimaadka Xoolaha, daryeelka iyo wax-ka-qabashada dabar-goynta Dhirta lagu hayo. Sidoo kale, waxa horyaala inuu dabagal ku sameeyo hantida gashay Maxjarka Caafimaadka Xoolaha ee Berbera oo madmadow ku jiro iyo heshiisyo aan Baarlamaanku ansixin oo wasaaradda loo magacaabay hore u gashay.

 

Boosaha iyo Isgaadhsiinta:Waxa loo magacaabay Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed oo la sheegay inuu ka mid yahay Qurbajooga reer Somaliland.Waxa la sheegay inuu xarumo ganacsi ku leeyahay Laascaanood, waana masuul ku cusub masraxa siyaasadda dalka, wuxuuna dhalasho ahaan ka soo jeedaa gobolka Sool.

 

Caddaalada iyo Garsoorka:Waxa loo magacaabay Prof. Ismaaciil Muumin Aar oo macalin ka ahaan jiray Jaamacaddii Lafoole.Mr. Muumin oo mar hindisay inuu u tartamo jagada Madaxweyne kuxigeenka xisbiga KULMIYE, waxa uu sida la sheegay hore uga shaqayn jiray hay'addo caalamiga ah, wuxuuna dhalasho ahaan ka soo jeedaa degmada Dilla ee gobolka Awdal.Waxyaabaha ugu waawayn ee sugaya waxa ka mid ah; hagaajinta Garsoorka, gaar ahaan Maxkamaddaha oo laga cawdo iyo ilaalinta xuquuqal-insaanka oo marar dhawr ah Somaliland lagu canaantay.Intaa waxa dheer, duruufo wax-ka-qabasho u baahan oo deris la ah inta badan Xabsiyada dalka, dib-u-eegista dadka u xidhan guddiyada Nabadgelyada iyo dhamaystirka Jeelka wayn ee Hargeysa oo dhawr sannadood dhisme ka socdo iyo tayaynta ciidanka Xabsiyada.

 

Diinta iyo Awqaafta:Waxa loo magacaabay Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ka mid ah culimada reer Hargeysa.Sheekh Khaliil oo ah shaqsi magac ku dhex bahda Culimada, waxa uu ka mid yahay ganacsatada dalka. Waxa uu ka tirsanaa guddigii Anshaxa iyo kormeerka doorashadii Madaxtooyada, waana xubin ku cusub siyaasadda, wuxuuna degaan ahaan ka soo jeedaa Koonfur/galbeed Hargeysa.

 

Arrimaha Bulshada:Wasaaraddan oo hadda loogu yeedhay ‘Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada' waxa loo magacaabay Ilhaan Maxamed Jaamac oo ka mid ah haweenka aqoonyahanka ah ee Somaliland.Ilhaan Maxamed Jaamac oo Madaxweynihii xilka wareejiyay ka horjoogsaday ka mid noqoshada Komishanka Doorashooyinka oo xisbiga KULMIYE u magacaabay, waxay ka tirsan tahay Qurbajooga Somaliland, iyadoo muddooyinkii u dambeeyayna dalka hawlo ganacsi ka waday, waana markii u horaysay ee ay xilka ka qabato Somaliland, waxayna degaan ahaan ka soo jeedaa Ceerigaabo.

 

Kalluumaysiga:Wasaaraddan oo hadda lagu kordhiyay khayraadka Badda iyo maamulka Dekeddaha, waxa loo magacaabay Dr. Maxamed Yaasiin Xasan (Maxamed Dayr) oo ka mid ah aqoonyahanada dalka.Mr Maxamed Yaasiin oo shahaadada PhD ku qaatay cilmiga Xidhiidhka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda, waxa uu ka mid yahay Qurbajooga Somaliland, wuxuuna muddo dheer degenaa dalka Ingiriiska, waana masuul ku cusub siyaasadda dalka, wuxuuna ka soo jeedaa degmada Sheekh. Arrimaha ugu waawayn ee waxkaqabashadoodu u taalo waxa ka mid ah, xal-u-helida boob lagu hayo khayraadka Badda, gaar ahaan Kalluunka oo sida la sheego Maraakiib shisheeye ahi gurtaan iyo kor u qaadista adeegyada dekeddaha, gaar ahaan Berbera oo ah ta keliya ee shaqaysa.

 

Macdanta iyo Biyaha:Hadda waxa wasaaraddan lagu kordhiyay ‘Tamarta' oo aan magac ahaan hore ugu caddayn, waxaana loo magacaabay Dr. Xuseen Cabdi Ducaale oo ka mid ah aqoonyahanada dalka.Mr. Xuseen oo bartay cilmiga Joolajiga, wuu ku cusub yahay saaxadda siyaasadda, wuxuuna muddo dheer degenaa dalka Maraykanka, wuxuuna dhalasho ahaan ka soo jeedaa degaanka Bariga Burco.Waxa sugaya inuu dabagalo heshiisyo qarsoodi ah oo ay dhawrkii sannadoo ee u dambeeyay hawlo Macdan-baadhiseed wasaaraddu kula gashay shirkaddo shisheeye ah.

 

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha:Wasaaraddan oo hadda lagu kordhiyay waaxda Dhaqanka, waxa loo magacaabay Maxamed Xaashi Madar oo degaan ahaan ka soo jeeda degmada Saylac ee gobolka Sool.Hawlaha sugaya waxa ka mid ah, inay barnaamijyo horumarineed u dejiso dhalinyarada Somaliland, si looga hortago Tahriibka oo in badan oo ka mid ah galaafatay.

 

Beeraha:Wasiirka cusub ee Beeraha waxa laga dhigay Prof. Faarax Cilmi Maxamuud oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Boorama, iyadoo laga sugayo inuu xooga saaro sidii kor loogu qaadi lahaa, loona dhiirigelin lahaa wax-soosaarka Beeraha.

 

Duulista iyo Hawada:Wasaaradda Duulista waxa loo magacaabay Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa Qurbajooga xisbiga KULMIYE.Maxamuud Xaashi oo marxuum Cigaal ku naanaysi jiray ‘Osama', waxa uu dhalasho ahaan ka soo jeedaa Bariga Burco. Waxa uu ka tirsanaan jiray golihii hore ee Wakiillada Somaliland, iyadoo uu xilligaa aad u mucaaridi jiray marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Hawlaha sugaya waxa ka mid ah, hagaajinta adeegyada Madaarada dalka oo qaarkood xidhan yihiin iyo dhamaystirka balaadhin kooban oo qorshaheedu socdo oo lagu kordhinayo Madaarka caasimadda Hargeysa.

 

Warfaafinta:Wasiirka cusub ee Warfaafinta waxa laga dhigay Cabdilaahi Jaamac Cusmaan (Geeljire) oo ka mid ah Qurbajooga xisbiga KULMIYE.Mr. Cabdilaahi Geeljire oo degaan ahaan ka soo jeeda Bariga Hargeysa, waxa uu sannadihii dambe qoraal madadaalo ah oo todobaadle ah ku soo bandhigi jiray Wargeysyada maxaliga ah ee dalka, kuwaasoo uu qaab xirfadaysan ugu naqdiyi jiray masuuliyiinta Xukuumaddii talada dalka wareejisay

 

 

 

Source Ogaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mr. Maxamed Cabdilaahi Cumar aanu lahayn khibrad badan u lahayn
, maadaama baaxadda siyaasad Khaarajiyeed oo ay ku lamaan tahay sidii bulshada caalamka looga dhaadhicin lahaa, loona iibgayn lahaa qadiyadda Somaliland oo aan 19 sannadood garawshiiyo ka helin beesha caalamka. Isla markaana la balaadhiyay wasaaraddan Khaarajiga ee uu xilkeeda qaaday, waxaana lagu daray xidhiidhka Caalamiga ah oo ay Somaliland u ooman tahay, ka dib markii qaybtaa laga soo dheegay wasaaradda Qorshaynta Qaranka.

eventhauhht this guy has no relevant experience. He will manage not only Foreign Affairs, but also the International NGO's in the country. Also known as a way to earn an extra dollar from all this corrupt NGO's.

 

He has only been in the office 3 days, but now already inviting business people for dinner.

 

http://www.gabiley.net/pages/tDetails.php?source=news&ID=13118&permission=1&audioFile=

 

I think someone came to eat.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this