Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Old passport out, new one in : [Local office near you]

Recommended Posts

gaafow.jpg

Baasaboorkii hore oo gabi ahaan la mamnuucay

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 27-Sebtember-2007

 

Shir jaraa`id uu maanta ku qabtay garoonka caalimiga Muqdisho madaxa socdaalka & jinsiyada C/laahi Gaafow Maxamud ayaa waxa uu ku mamnuucay isticmaalka baasaboorkii hore ee Somaliya kaasoo uu ku sheegay in ey maanta ku ekeyd xiligii labada bilood oo ey dowladda federalku ugu dartay isticmaalkiisa isagoo barbar socday kii cusbaa.

 

Mudane Gaafow ayaa shaaca ka qaaday in maanta wixi ka danbeeya uusan garoonka ka dhoofi doonin qof aanan wadan baasaboorka cusub isla markaana xabsiga loo taxaabi doono lana ganaaxi doono cidii lagu qabtaa iyadoo baasaborkii hore rabta in ey ku duusho.

 

Baasaboorka cusub ayaa waxa uu sheegay Gaafow in aduunka laga aqoonsanyahay, wuxuuna intaa raaciyay in baasaboorka cusub laga qaadan karo wadamo badan oo ey ka mid yihiin Kenya, Ethiopia, Mareykanka, Carabaha iyo Ingriiska.

 

C/laahi Gaafow ayaa sidoo kale sheegay in baasaboorka cusub uu dheeryahay waxyaabo badan kii hore, waxaana lagu helayaa Visoyin, ciqaamo iyo faaiidooyin kale, ayuu yiri.

 

Shirkan jaraa`id ayaa yimid kadib markii ey maanta ku ekeyd xiligii dowladdu u qabatay istocmaalka baasaboorkii hore oo mudo laba bilood ah barbarsocday kan cusub si ey dadku ugala qabsadaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

gaafow1.jpg

 

Muqdisho: Isticmaalka baasaboorka cagaaran oo maanta ku eg

27. September 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Md. Cabdullaahi Gaafow Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in isticmaalka Baasaboorka cagaaran uu gebi ahaanba maanta ku eg yahay ayna dhamaatay labadii bilood ee uu Ra’iisul Wasaare Geeddi mudada ugu kordhiyay taasoo maanta ku eg isla markaana dhaqan galay Baasaboorka cusub ee loo yaqaano EP.

 

“Waxaan ku guuleysanay in magaalada Dubai iyo Nairobii ay maanta kadib laga isticmaali doonin baasaboorkii cagaarnaa uuna ka dhaqan galay midka cusub ee ay dowladdu keentay” ayuu yiri taliyaha oo sheegay in dadka sugayey Fiisooyinka ee heysta baasaboorkii cagaarnaa ay u dhamaatay.

 

“Awalba anagoo og in Baasaboorka cagaaran ay dad been abuurayaal ah ka sameyn jireen Cabdal Shideeye ayaan indhaha ka qabsan jirnay, balse waxaan leenahay inti hore allaha idiin calfo, maanta kadibna iimaanka allaha idin geliyo” ayuu yiri Md. Gaafow oo ka gaabsaday in baasaboorada Cabdal Shideeyihii ay raggaasi ku bixin jireen saxiixiisa.

 

Baasaboorkan cusub ayaa dhaqan galkiisa ay noqoneysaa guul u soo hoyotay dowladda isla markaana meesha ka saareysa orodka maamulka la magac baxay Somaliland ay ugu jirto aqoonsi ay ku qasbanaan doonto iney Laas Caanood ka soo doontaan Baasaboorkan cusub halkaasoo uu ka furan yahay xafiis bixinaya Baasaboorka cusub oo qeyb ka ah xafiisyo badan oo laga furay dalka.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this