Sign in to follow this  
General Duke

Republic of Sudan accepts and recognises high school certificates of Puntland

Recommended Posts

25895_260.jpg

 

Dalka Suudaan oo Aqoonsadey Shahaadooyinka Dugsiyada Sare ee Puntland

 

Dugsiyada Sare ee Puntland | read this item Cabdiraxmaan Maxamed Muuse (Ilkacase)

Garowe, Puntland, Somalia

 

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Farax Juxa, ayaa shaaca ka qaaday xili waraysi gaar ah uu siinayaya Warbaahinta Horseed Media xarunteeda Garowe, in Puntland heshay aqoonsiga shahaadooyinka dugsiyada Sare taas oo ay ka heshay dalka Suudaan sida Wasiirka Waxbarshada Puntland uu xaqiijiyay.

 

Wasiirka waxa uu sheegay in ay tahay arintaani guul u soo hoyatay Puntland islamarkaana ah buu yiri arin muhiim ah, oo waxtar u leh Shacabka Puntland, waana arin in mudda ah aan sugaynay, waxeyna arintaan noqon doontaa mid taariikhi ah madama ay tahay buu yiri xiligii ugu horaysay ee la aqoonsado Shaahaadooyinka Dugsiyada Sare Dowlada Puntland.

 

Mar aan wax ka waydiinay xiliga ay wasaaradisa ka warheshay in la aqoonsaday Shahaadooyinka Puntland waxa uu ku jawaabay “Walaahi wax badan ayaan sugaynay laakiin waxaan helnay 22 bishaan waxaana i soo gaaray waarqo cadaynaya in laa aqoonsaday shahaadada dugsiga sare, waraaqaha wax ay ahayen kuwa ku socda Madaxweynaha Puntland madaama madaxweynuhu asaga naf ahantiisa uu arintaan wax kala socday ”

 

Aqoonsiga shahaadadaan ayaa imanaysa xili la filayo in sideeda bisha Agust uu furmo shirwayne ay ka soo qaybgalayaan dhamaan dugsiyada waxbarasho ee Pntland, shirkaan oo haatanba qaban qabadiisa ka socoto Magaalada Garowe gaar ahaan wasaarada waxbarshada Puntland oo martigalinaysa shirkaan.

 

Wasiirka oo isla arintaa ku saabsan aqoonsiga shaadada iyo shirka waxa kulan siiyay ayaa kaga jawaabay ,”runtii waa wax ILAAH wato laakiin xili fiican ayay kulmeem waxana dhihi karnaa wax badan ayaa noo fududaanaya maxa yeelay shirka ajandihiisa waa midaynta manhajyada dugsiyada sare ee Puntland si loo helo manahajka midaysan iyo araday isku manahaj ah”

 

Wasiirka ayaa dhanka kale ka jaawabay hadal dhawaan ka soo yeeray Wasiirka Waxbarashada DKMG ah kaa oo ku adanaa in Soomali ay heshay deeq waxbarasho kana heshay dalka Yaman, balsa wasiirka waxa uu tilmaamay in Soomaliya ay dhoor qaybood haatan ay tahay, sida Puntland, Soomaliland, iyo Koofurta dalka soomaliya, sidaa daraadeed waxaa loo bahan yahay buu yiri in deeqdaa noqoto mid Soomaliya lugu ekeeesiiyo oo aan hal meel lugu koobin.,

 

Waa markii ugu horayasay ee Puntland ka hesho dalka Suudaan aqoonsi shahaadooyinka laga baxsho tan iyo xiligii la aasaasay sandii 1998 waxuuna aqoonsigaan uu ka danbeeyay kidib dadaal dheer oo loo galay sandii 2006 xiligaa oo ay aheed markii wafdi uu hugaaminayay Madaxweyne ku xigeenkii Xukuumada General Cade Muuse Xasan Daahir Afqurac ay tageen dalka Suudaan, gaar ahaan Gobalka Nahru Niile xiligaa wixii ka danbeeyay ayuu ahaa dadaalku mid ka socda labada dhinac

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this