Jacaylbaro Posted December 23, 2008 Waftigii Madaxweynaha: Warsaxaafdeed uu soo saaray Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefdigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay waxa maanta ku qaabilay Aqalka Raysal Wasaaraha Dalka Ethiopia Mudane, Ato Meles Zenawi, iyadoo kulanku qaatay muddo saacad iyo dheeradaa,labada masuul waxay ka wada hadleen xaaladda Gobolka Guud ahaan iyo ta labada dal iyo waliba dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Somaliland. Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Mudane Meles Zenawi waxa kale oo ay ka wada hadleen Sidii laysaga kaashan lahaa dhinacyada , Nabad gelyada , Dhaqaalaha iyo guud ahaan xaaladda gobolka. Raysal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweyne Rayaale waxa ay is waydaarsadeen warbixino kala duwan, iyadoo kullankaasi ku soo gabo gaboobay is afgarad buuxa. Madaxweynaha iyo Wefdigiisa waxa huteelka ay degan yihiin ku soo booqday Safiirka Maraykanka u fadhiya Ethiopia Mr Donlad Yamamoto. Intii ayna ka soo dhoofin Madaxweynaha iyo Wefdigiisu Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay la kulmeen Senator Russ Feingold, Safiirka Maraykanka u Fadhiya Nairobi Mr Michael Raneberger iyo Safiirka Maraykanka u fadhiya Djibouti Mr James Swan, Safiirka u Fadhiya Faransiiska Jabuuti iyo hawl wadeeno ka tirsan safaarada Faransiiska ee Jabuuti. Wefdiga Madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Maaliyada Mudane Xuseen Cali Ducaale , Arrimaha Dibada Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale, La Taliyaha Madaxweynaha ee Ciidamada Mudane Cabdi samad X. Gam gam iyo xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Ciise. Quote Share this post Link to post Share on other sites