Beer-Gaal Posted March 20, 2010 Originally posted by muriidi: why are you singling out somalia ? somalia is a member of the arab league;somalia is a member of the african union ; somalia is a member of the poor countries' club like bangladesh and chad.in case the rich countries fight over their riches and the rich land is destroyed, we can always move to the lands wee intentionally keep poor ,like chad or somalia. as for the somalis who live abroad...the e.u. naturalization project...moderate islamic countries like turkey and bosnia,as a role model for somali communities abroad . if you want to discuss arrimaha gudaha... bring one marduuf each ,we can share one isteek ,iyo wadaad noo fasira bukhaariga. i think, i 'm not sure... Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted March 20, 2010 Maaddeey, ku rogaal celi waxa aan qorey, qumaatina u dhuux adeer, hadaan iri Xiin Caravan topiga ha soo celiyo micnaheedu waa wax dhaamo ma jiro kaa, isagaaba laga doodi karaa oo dhaami lahaa waxa hada meesha daadsan, mise Caravnaka Xiin ayaad ka boodey kolkaan carrabka ku dhuftey waa caadi rag madaxuu isla galaa, sidii dibidana waa la is hirdiyaa, Mowqifkeyga waa cadyahay, mugdina kuma jiro, hadalkeyga dulucdiisa waxa uu ahaa qoloda xalka dalka iyo dadka daryeeli halkaas ayaa la iga heli, illaa al'aankan firqo xal wadanka u heyso uma jeedo, mid meerasata sidii dubaabka meelaha, tu ka dartoo dadka iska hor keento, tu kaloo ayadna ku dadaaleyso iney daneysato, waa saddex kala daran mid dooro, tuna dooran maayo, duurkaan kaga jiri, Waxaad ka dhawaajisey in shabaab iyo xisbiga ay wadanka xal u yihiin, haddey xal u hayaan anaa kaaga horreen lahaa, soona arkey dhawaan waxa ay hayaan, waxa ay qabtaan, faaiido iyo khasaaro, ummado iyo qowmiyado cabsi iyo walwal ku nool afar iyo labaatan saacadood ayaan soo arkey, marka xalka aad sheegeyso bal ii sheeg aan ku hor kacee??! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 20, 2010 Waar heedhe, i was always a peacemaker and i tell people to follow Somaliland's path for reconciliation laakiin when you have: Alshabab Hibul Islam Hassan Turki TFG Bugland galmudug raaskamboni and others All fighting each other ,, then it is difficult that they listen my call. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 20, 2010 Nuune Inadeer, Xaqqa maadigaa lagugu gartaa oo dhankaad jirtuu jiraa miyaa? waa la is qilaafi karaa oo qolo walbaa meel ayay moodi kartaa inuu Xalku yahay, nin walbana ha caddeeyo siduu isagu ama Xalka u yahay ama wax dhaama aysan jirin! Adigu, Akhi Al Caziiz, sidaad sheegtay xuduudaha ayaad tagtay, waana meel colaad dhow ka jirto, Insha Allah waa: SAXAABATU SAYFIN.....CAMMAA QARIIBIN TANQASHIC Anigu waxaan tegay meel ay wada joogaan labada qolo ee midkeen walba moodo iney xalka yihiin ama wax dhaama jirin, is barbar-dhig ka fiirsasho ku jirtaan ku sameeyey, waa magaalada Caasumadda ah ee Muqdisho, Qayb ka mid ah c/casiis ilaa Madiino ayay joogaan (2 kmka caanka Sol ka ah waa ka badan tahay to be fair) inta kalena Al-Mujaahiduun baa jooga (with their flaws)wax la is barbar dhigo maaha, waxana garan kara ruux baabuur caasi ah ka soo raaxay X/weyne ilaa Bakaro ama Madino to Bakara! FYI dadki Madiina ka imaanaayey waxay la yaabeen biyaha daadsan dhulka Mujaahidiinta ka taliyaan.. waa roob lagu diirsaday!! Allaahu Akbar!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted March 20, 2010 Maaddeey, in la wada hadlo waxaaba ku salaysan topigan, oo xalka la raadiyo, iyo meesha uu xalku ku jiro, ama nabad laga heli karo walaw haba yaraatee, marka fikirkeyga ayaa saas ah, waadna igu raacsantahay taa Labada qolo eed tiri xalka wadankey hayaan waa Shabaab iyo Xisbiga, haddey labaduba xal dalka iyo dadka u yihiin maxaa iska horkeenay oo kala geeyay?!! anaa amiir wa anta amiir unbaa na wada indha tirey, goormaan tanaazul sameeneenaa, bal wakaa Maaddeeyoow xal la iskugu keeno Shabaab iyo Xisbiga keen adu, oo is hor fariisi labadooda, kadibna tallaabada kale hala arkee waxey noqon. lool@xuduudaha ayaad tagtay, waana meel colaad dhow ka jirto, oo hadda unbaad laheed meelahaas waa meela nabdoon, durba colaad baad ka dhigtey Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 20, 2010 Yaa Shaykh Nuune, Markaan xuduudaha ka hadlayey waaa cabsida & argagaxa aad sheegtay, adba dagaal maadan sheegin, ee kan dhowaan ka dhex dhacay Shabaabka & Axmad Madoobe ayaa saameyn ku leh, oo qolada uu ka dhashay ay dareemi karaan in iyaga la target gareeynayo, ee meeshu waa nabdoontahay, lakin here and there wax waa iska dhic-dhici karaan (Xalayba madaxii xisbada ee Dhoobley ayaa Kismayo madaxa looga jebshay)what goes around comes around ha dheheen kuwa wax iska dhah-dhaha!. Inkastoysan is laheyn, iskuna fadli & karaama & waqti ahayn haddana ma ogtahay in Sayyidnaa Cali & Mucaawiyyah intey dagaallamayeen aan Jihaad Gaalo looga soo horjeedo dhicin, taako dhul ah oo Muslimiinta u ziyaadayna jirin? waxaanna hubnaa inaan la dhihin iyagaaba is heystee aaway xaqa ay u dagaallamayeen?, waa sheeko dheer oo fiqhu Siyaassah, Masaalix & Mafaasid in la fiir-fiiriyo u baahan, ee wax innagoo bood-boodeyno aan durba go'aan ka qaadan karno maaha!. Intii ka horreysa, quraan saarka hadday kula gasho agagaarkeyga ila soo socodsii Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted March 22, 2010 Stuff and nonsense (mostly to Xiin, Rayyan and Showqi). It's politics, people. And apart from the usual press statements of NSPU (or whatever they were called) or that Djubuti guy going on about the four people killed in Awdal, the discussions are as they should be and there is hardly any calaacil to be found (until now, on THIS thread). Xaaji nuune, did you see a crying child in your travels and came back full of remorse? Snap out of it, saaxib. Quote Share this post Link to post Share on other sites
B Posted March 22, 2010 i think nuune is right. we should promote peace! these myopic ideas are not nice and dangerous, esp for visitors to this section of the site. Quote Share this post Link to post Share on other sites