Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Something to Appreciate

Recommended Posts

Ceerigaabo (Harowo Desk) - Wasiir ku xigeenka Cadaaladda Somaliland Md. Yuusuf Ciise Talaabo iyo Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay furaha gaadhi dhawaan koox budhcadii ka dhacday gobolkaas ulana baxsadeen Dhinaca Puntland, hasa yeeshee duqayda iyo waxgaradka degaankaasi dib u soo celiyeen. Hadaba xaflada balaadhan oo maanta lagu qabtay magaalo-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, halkaas oo uu ku sugnaa gaadhigaas la dhacay oo ahaa (Landcruiser) 04-tii bshan isagoo ka yimid dhinaca Hargeysa koox budhcad ahi ka afduubeen degaanka Fiqifuliye ee gobolka Sanaag, kadibna la galeen gudaha maamul goboleedka Puntland gaar ahaana magaalada Gaalkacayo.

 

 

Warkan oo aanu ka helnay wargeyska Maalmaha waxa uu u dhignaa sidan:

 

Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo ay weheliyaan wasiirkuxigeenka caddaaladda Yuusuf Ciise (Tallaabo) iyo waayeellada labada dhinac ee arrintani khusaysey ayaa kulan uu kuqabtay xarunta maammulka ee magaalada Ceerigaabo wuxu kaga hadlay baabuurkan iyo sidii loosoo celiyey isagoo yidhi “Baabuurkan markii la dhacay maammul ahaan waxannu la hadalnay waayeelka degaanka fqifuliye ee halkan joogey iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta reerkan ah ee Puntland u shaqeeya ilaa iyo qaar kamid ah wasiirrada Somaliland si ay uga hawl galaan qabashada baabuurkan, taas oo meel kastaba ha joogeene aannu si weyn ugu mahad celinayno cid kasta oo baabuurkan arrintiisa ka hawl gashay gaar ahaan xildhibaanka Puntlang katirsan C/raxmaan Cali Bulshaale oo isagu si weyn ugu tafa xaytey arrintan meel kasta iyo kaantarool kastana ciidammo ugu diyaariyey nimankii baabuurkan dhacay kuna guulaystey oo imminka keenay baabuurkan”.

 

“Baabuurka nimankii watey wax ay warwareegaanba waxay laamiga kaga dhaceen magaalada Tuulo-buuryo-qab halkaas oo kantarroolka loogu diyaar ahaa laguna qabtay inkastoo qaarkood baxsadeenna waxa kuwii la qabtay loo gudbiyey Gaalkacayo oo sida aannu maqalnay maxkamad lagu saarayo, iyadoo markii ay halkaas gaadheen rag Laascaanood iyo Garoowe iyo halka (Ceerigaabo) ka tegeyna markii ay halkaas gaadheen lagu guulaystey in baabuurkii dib loo soo celiyo”.

 

“Arrintani waa mid wax weyn ka taraysa nabadgelyada itadoo beelaha kalena aan ku boorrinayo in ay sedan oo kale isaga xil saaraan arrimaha noocan oo kale ah”. Isagoo ka hadlaya baabuurka oo lambarkii laga furayna wuxu yidhi “Annaga xukuumad ahaan waxa aad noogu culus laba bilaydh iyo buugga baabuurka ee maqan oo xataa ay dhici karto in gaadiid kale inta lagu xidhto falal lagu geysan karo, markaa si kastaba ha loo raadiyee waa in la keeno labadii bileydh iyo buuggii gaadhiga, waayo wixii kaleba waa laga wada hadli karaa”.

 

Wasiirkuxigeenka caddaaladda Mr-Tallaabo oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Baabuurka Gaalkacayo laga soo celiyey waa arrin aad looga mahad celiyo waana jiri jirtey inkastoo beryo dhowayd wax iska bedeeleen in la isu celiyo gaadiidka iyo waxyaabaha lasoo kala dhacay, mrkaas siyaasad ahaan maammulladu haba ku kala geddisnaadeene reer Sanaag ahaan in aad sedan isugu xidhnaataan oo nabadgelyada iyo wada noolaanshihiinna isaga xilsaaraysaan aad ayaan idiinku mahad celinayaa”. Waxana halkaas wasiirkuxigeenku uga mahad celiyey xildhibaanka Puntland C/raxmaan Calo Bulshaale iyo cid kasta oo ka hawl gashay soo celinta baabuurkan.

 

Dhinaca kalena cuqaashii iyo waayeelkii kale ee labada dhinac oo iyaguna goobtan joogey ayaa iyagoo dhinacba dhinaca kale iyo maammulka uga mahad celiyey hawshan waxa halkaas furihii lagu wareejiyey wadihii baabuurkan iyagoo sheegay waxyaabaha dhammaystirka hawshan ahna sheegay si wada jir ah in ay isula eegi doonaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this