Sign in to follow this  
General Duke

International delegation arrives in Baidoa...

Recommended Posts

Wafuud ka socota beesha Caalamka oo kusii qul quleysa Baydhabo

Last Updated::2006-04-29 11:28:39 E. Africa Standard Time

 

Baydhabo:- Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo lagu qabto kulan balaaran oo ay kasoo qeyb galaan wakiilada Beesha Caalamka.

 

Wafuudan ka kala socota Dalalka Deeqaha bixiya, Midowga Yurub, IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa ka qeyb geli doono shir maanta ka dhacaya Xarunta ADC ee magaalada Baydhabo.

 

Shirkan ayaa looga hadlayaa mashruuca dib dhisida dalka Soomaaliya iyo maamul u sameynta gobalada dalka.

 

Waxaa sidoo kale kulankan ay wafuudan iyo Dowlada Federaalka isku weydaarsan doonaan horumarkii la gaaray tan iyo intii ay dowlada Federaalka usoo guurtay Baydhabo.

 

Waxaana lagu wadaa in Beesha Caalamka si rasmi ah loogu soo bandhigo go'aankii ahaa in Dowlada Federaalka si kumeel gaar ah xarun uga dhigatay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay. Go'aankaasi oo ay ansixiyeen Xildhbaanada Baarlamaanka Federaalka.

 

Qodobada la filayo in shirkaan lagu soo hadal qaado ayaa waxaa kamid ah dar dar gelinta hawlaha la xariira xarumihii ay dowlada kushaqeyn lahayd oo weli ay wax ka dhiman yihiin dhinaca dhaqalaaha.

 

Waxaa ayaduna jira qorshe la xariirta ciidamada lagu xareenayo xerada Daynuunay oo loo gudbin doono beesha Caalamka sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Qarameynta iyo tababarada maleeshiyooyinkaasi la aruuriyey.

 

Waxaa la qorsheynayaa in wafdigan ay kormeer ku tagaan xarunta maleeshiyooyinka lagu aruuriyey.

 

Shirka maanta ayaa ah kii ugu balaarnaa ee ka dhaca magaalada Baydhabo marka la yimaado xafladii lagu furay Kalfadhigii Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo.

 

Dhinaca kale waxaa shalay magaalada Baydhabo soo gaaray dufcadii labaad ee Ciidamadii Booliiska Soomaaliyeed ee tababarka ugu soo dhamaaday Akademiyada Booliiska ee Carmo Puntland.

 

Ciidamadaani ayaa isugu jira kuwa kasoo jeeda gobalada, Bay, Hiiraan iyo Sh/dhexe.

 

Hussein Farah

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xarunta Baarlamaanka Federaalka ee Baydhabo oo ay ka socoto Xaflad lagu shaacinayo maamullada Gobollada dalka

Posted to the Web Apr 29, 14:48

 

 

Baydhabo (PP) - Xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda xaflad lagu shaacinayo qaabka loo dhisayo maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka.

 

Xafladdaan ayaa waxaa goobjoog ka ah madaxda ugu sarreeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xubno ka socda Midowga Yurub iyo dalalka Deeqaha bixiya oo dhawaan ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo, haddana ay ku sugan yihiin xarunta ADC-da Baydhabo oo uu baarlamaanku daggan yahay.

 

Wafdigaan ka socda Beesha Calaamanka iyo Dalalka Deeqaha bixiya ayaa waxaa hoggaaminaya ergayga dowladda Talyaaniga u qaabilsan arrinaha Soomaaliya Rivenelli, waxaana lagu wadaa in isaga iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Geeddi ay halkaas si wadajir ah uga soo jeediyaan warbixinno ku saabsan qaabka loo sameynayo maamulka gobollada iyo degmooyinka dalka, waxaana sidoo kale Revenelli uu shaacin doonaan kharashka loogu talogalay in qorshahaan uu ku baxo ee ay beesha Caalamku qorsheysay.

 

Xafladdaan ayaa waxaa goobjoog ka ah xildhibaanada, wasiirrada, guddoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale xubno ka tirsan odayaasha dhaqan ee gobollada Bay iyo Bakool oo iyagu ku howlan nabadeynta degmada Bayhdabo oo ah halka ay daggan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Gobollada lagu wado in loo sameeyo maamullada ayaa waxaa la sheegay inay yihiin: Gobollada Bay, Bakool, Hiiraan Banaadir, Jubbada Dhexe iyo Gedo, waxaana sidoo kale lagu wadaa in gobollada kale iyaguna loo sameeyo maamullo sidan oo kale ah, waxaana lagu wada shaacin doonaa xafladdaan qaabka loo sameynayo maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka.

 

Wafdigaan ka socda beesha caalamka iyo dalalka deeqaha bixiya ayaa lagu wadaa inay booqashooyin ku soo kala bixiyaan qaybo kala duwan oo ka tirsan Gobolka Bay si ay u xaqiijiyaan amaanka ka jira magaalada Baydhabo iyo sidoo kale qaabka loo wado maamul u sameynta Gobolka Bay.

 

Sidoo kale waxay booqasho ku tegi doonaan xeryaha Daynuunaay iyo Manaas oo lagu xareynayo ciidammada lagu wado in dhawaan tababarro loo furo.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

puntlandpostmog@hotmail.com

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo maanta gaaray Baydhabo

Posted to the Web Apr 29, 06:27

 

 

Sabti, 29 April 2006 (Aayaha.com) - Wafdi ka socda Qaramada Midoobay, Dowladda Talyaaniga, Hay’adda Shaqaalaha Adduunka iyo Diblomaasiyiin kale oo daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa maanta, 29 April, 2006 gaaray magaalada Baydhabo.

 

Wafuudaan oo ka socota Hay’adaha Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, dalalka deeqaha bixiya iyo ururo kale oo caalami ah ayaa kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, iyagoo loo sii gudbiyay xarunta baarlamaanka ee magaalada Baydhabo, halkaasi oo si weyn ay ugu soo dhaweeyeen xubno ka tirsan labada gole oo ay ugu horeeyaan Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi.

 

Safiirka dalka Talyaaniga u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mario Rifelli oo kamid ahaa wafdiga maanta soo gaaray Baydhabo ayaa markii ay soo gaareen xarunta baarlamaanka Baydhabo waxey halkaas warbixino kaga dhageysteen xubno uu ka mid ahaa Wasiirka Beeraha Dowladda Soomaaliya Col Xasan Maxamed Nuur (Shaatigaduud) oo ka warbixiyay qorshaha maamul u sameynta gobolka Baay,isagoo sheegay in qorshaha maamulka Baay ku saabsan yahay dib u heshiisiin.

 

Ujeedada wafdigan ayaa ah dhismaha dowladda KMG ah ku doonayso in maamulo loo dhiso gobolada dalka, iyadoo la kaashanaysa hay’adaha caalamiga ah iyo Qaramada Midoobay.

 

Xafladaas waxaa kaloo hadalo ka jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, iyagoo ka turjumay baahida loo qabo taageerada Beesha Caalamka.

 

Mas’uulkii u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in tijaabada ugu horeysay ee loo baahan yahay in la qaado ay tahay in si deg deg ah loo howlgaliyo guddiga dib u heshiisiinta qaranka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wufuud caalami ah oo maanta gaartey magaalada Baydhabo

 

Baydhabo - 29.April.2006 Xubno ka tirsan labada gole ee dawladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey wafdi

caalami ah oo ka kala socda dhinacyo dhawr ah.

 

Wafdigan ayaa waxay isugu jiraan xubno ka socda Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Ururro caalami ah iyo suxufiyiin, waxana uu socdaalkoodu la xiriiraa munaasabad ballaaran oo maanta loo sameeyey 'maamul u samaynta gobollada dalka Soomaaliya' taas oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda dib u dejinta iyo jaaliyadaha dibadda.

 

wafdigan oo ka soo kicitimay magaalada Nairobi isla markaasna magaaladaasi dib ugu laabanaya isla Nairobi gelinka dambe ee maanta ayaa ka qayb galay xaflad ballaaran oo ku aaddan maamul u samaynta gobollada dalka.

 

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, guddoomiyaha baarlamanka federaalka Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo xubno door ah oo ka tirsan labada gole ee dawladda dhexe ee Soomaaliya.

 

Marya Saylac

SBC Baydhabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this