Kamaavi Posted February 3, 2010 Wax noqonaya talaabadii ugu horeysey oo ay dhanka wanaagsan u qaadaan xildhibaanada DKMG ah ayay kusoo saareen mooshin ay baarlamaanka hordhigayaan kaasoo lagu doonayo in dowlada ay xariirka dublumaasiyadeed u jarto dowlada Kenya, balse? In ka badan 40 xildhibaan ayaa qoraal ay ku saxiixanyihiin kusoo bandhigey Xamar iyagoo doonaya in baarlamaanka la geeyo oo laga doodo, dowlana lagu qasbo in ay xariirka u qarto dowlada Kenya sababtuna ay tahay howlgalkii Soomaalida lagu beegsanayay ee dhawaan dalkaasi ka dhacay, kana socda wali. Waxay kaloo doonayaan in Kenya ay raali galin ka bixiso wixii dhacay. Sidoo kale waxay doonayaan in hey’adaha gargaarka ee Soomaaliya qaabilsan in xarumahooda ay ka raraan Kenya, una guuraan dalalka jabuuti iyo Uganda. Wallow aysan u badneyn in dheg jelaq loo siiyo dalabkaasi layaabka la leh, waxay su’aasha ka taagantahay DKMG ah ma maarantaa saaxiibkeeda koowaad ee garabka u ah? In xariirka loo jarro Kenya maxaa kaga lumaya Kenya oo ay ku weeyneysaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qorax Posted February 4, 2010 Miyeena haboonaan lahayn ayagoo barlamaanka soo hordhiga in xilibaanada dowlada marduufka jaadka loo weeyneeyo dowlada kenyana laba-laabto soosaarista jaadka sidaa ayaa malaha udhaami lahayd. Quote Share this post Link to post Share on other sites