Sign in to follow this  
General Duke

Somali Police forces.....

Recommended Posts

Gaashaanle Sare Yuusuf Dhuumeel oo sheegay in Tababarada Ciidanka Booliiska gobolada oo dhan laga soo xuli doono

 

Gashanle_sare.JPG

 

Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliiska Somalia oo lagu magacaabo Gaashaanle Sare Yuusuf Dhuumeel ayaa shir jaraa'id ku qabtay Hoolka weyn ee ay ku shiraan mudanayaasha baarlamaanka waxaana uusoo bandhigay qorshaha ciidamada Booliiska ee ah tababarada ay u fidinayaan ciidamo gaaraya 5000 shan kun oo maleeshiyo.

 

G/sare Yuusuf Dhuumeel ayaa tibaaxay in 350 askari ee la doonayo in tababarka loogu qaado dalka Kenya aysan ahayn kuwo Baydhabo oo kaliya balse ay ku jiraan ciidamo loo tababari doono sadaxda masuul ee Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisul wasaaraha.

 

Ciidamada loo tababarayo sadaxda masuul ayaa ka mid noqon doona ciidamada Booliiska waxaana dhaqaalaha ku baxayo bixin doona hay'ada UNDP.

 

Mar uu ka hadlayey cida leh diyaarinta iyo tababarida ciidamada Booliiska waxa uu sheegay in ay hoos imaanayaan Taliyaha Ciidanka Booliiska soomaaliyeed islamarkaana waxa uu intaa ku daray in 5000 oo askari laga soo xuli doono dhamaan gobolada Somalia marka laga reebo gobolada Puntland iyo Somaliland oo booliiskoodu dhisan yahay,

 

Waxaan gobolada kale ku qancinaynaa in aanan laga tagin ee markooda loo imaan doono, inaan baydhabo ka biloownana waxaa ugu wacan iyadoo ay dowlada ay ku sugan tahay loona baahan yahay in laga dhiso Booliis ayuu yiri G/sare Yuusuf Dhuumeel.

 

Tababarada Booliiska loo fidinayo ayaa waxa ay ka mid tahay qorsho horey loo diyaariyey ee loogu talo galay in ay wax ka qabtaan amaanka gobolada iyadoo mushaarooyinka, dayactirka Saldhiga iyo xabsiyada ay diyaarin doonto hay'ada UNDP.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Gen Dhuumaal happens to be the police commissioner for Gedo region. So why is he, a regional commissioner, allowed to speak on behalf of Gen Cali Madoobe, the national police commisioner?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this