Sign in to follow this  
Taako Man

President Yusuf meets with more clan leaders !

Recommended Posts

Madaxweyne C/laahi iyo Ra'iisal wasaare Geedi maanta kulamo qaasa la qaatay Qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka

Posted to the MOL January 13, 2007, 6:55 pm

 

 

Muqdisho:- Madaxweynaha Somaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo ra'iisal wasaare Geedi ayaa maanta kulan wada jira la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ee gobolka Banadir, iyagoo kala hadlay xasilinta caasimadda iyo sidii nabad waarta loogu soo celin lahaa caasumada Somaliya ee Muqdisho.

 

Madaxweynaha Somaliya iyo RW Geedi ayaa kulankaan kula yeeshay bulshada rayida ee gobolka banaadir xarunta Villa Somaliya waxaana ka mid ahaa dadkii ka soo qayb galay odayaal, ururada haweenka, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee gobolka, waxaana Madaxweynaha uu u soo bandhigay qaabka ay ay dowladda Somaliya ku dooneyso in ay nabad ugu soo dabaasho caasumada iyo dalka Somaliya oo dhan, isagoo sheegay in loo baahan yahay oo ay lama huraan tahay in amaan lagu soo celiyo dalka.

 

Madaxweynaha Somaliya ayaa waxa uu kulankaas ka sheegay in dawladu ogtahay in wali caasimadda ku jiraan xubno ka tirsanaa maxkamadihii muqdisho ee laga awooda roonaaday isagoo kula taliyay inay ka tanaasulaan dhibaatada ay abuurayaan. Madaxweynaha ayaa bulshada rayidka u balan qaaday in dawladu qaadi doonto tilaabooyin degdeg ah oo lagu sugayo amniga magalada Muqdisho si loo badbaadiyo bulshada iyo hantideedaba.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in talaabada ugu horeysa ay noqonayso in la qarameeyo maleeshiyaadkii beelaha oo loo tababari doono ciidamada kala duwan ee dawlada iyo in maamul loo dahn yahay loo sameeyo degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka banaadir taas oo ay barbar socoto hawl galinta saldhigyaddii booliiska Somaliyeed ee degmooyinka gobolka banaadir.

 

Ra'isulwasaaraha somaliya Cali Max'ed Gedi oo isna ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in dowladda Somaliya ay saaran tahay Mas'uuliyada shacabka, ayna dawladu intii yarayd ee ay caasumada joogtay ay si guud ula tashatay bulshada, dawladuna heshay talooyin wax ku ool ah oo sida uu sheegay ra'iisal wasaaruhu ay dawladu balan qaadayso inay talooyinkaas oofin doonto.

 

Waxaa iyaguna halkaas qudbado ka soo jeediyay RW Kuxigaanka Somaliya Xuseen Caydiid ahna wasiirka arimaha gudaha iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Md. Cade Gaaboow oo labduba si qoto dheer uga hadlay arimaha nabad galyada iyo sida ay xasiisyadoodu u wajihi doonaan.

 

Kulankaan ayaa ahaa kii ugu balaarnaa ee ay dawladu la yeelato qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka banaadir waxaana uu u dhacay jawi wanaagsan iyadoo dadkii ka qayb galay ay aad ula dhaceen dadaalka ay nabada ku soo celinayso dawlada KMG ah xali ay wali Magaalada Muqdisho ka dhacayaan waararo aan sidaas u weynayn balse cabsi galiyay bulshada rayidka ah.

 

Madaxweynaha Somaliya C/laahi Yuusuf oo u qudbaynaya bulshada rayika(civil society) ee gobolka banaadir isagoo ay dhinacyada ka taagan Yihiin afhayeen dawlada KMG ah C/diinaari, RW Geedi, iyo RW ku-xigeen Xuseen Caydiid.

 

Xaquuqda sawirada: AP

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yusuf oo la kulmey qaybaha kala duwan ee bulshada

13 Jan 13, 2007, 20:57

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdulahi Yuusuf Axmed ayaa kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee Bulshada isagoo kala hadlay qaabkii magaalada Muqdisho amniga loogu soo celin lahaa iyo sidii hub ka dhigis loogu sameeyn lahaa shacabka.

 

Madaxweynaha oo la hadley in ku dhawaad Kun qof oo ka kala socda qeybaha bulshada ayaa sheegay in marka hore lagama maarmaan tahay maamul loo dhiso caasimada Muqdisho hadii aan maamul la helina aan amaanka wax laga qaban karin, sidoo kale dhalinyarada Malishiyaadka iyo wixii hub ee yaala caasimada meel la isugu geeyo iyadoo lagu wareejinayo dowladda isla markaana la qarameyn doono Maleeshiyaadkaas.

 

Madaxweynaha oo sharaxayey qaabka ay dowladiisa ku dooneyso xasilinta gobolka Banaadir ayaa sheegay in Muqdisho ay ku danbeeyaan qaar ka mid ah madaxdii Maxkamaddihii Islaamiga, isagoo sheegay in looga guuleysan karo ay tahay in shacabka ay isugu tagaan iyadoo gacmaha la is qabsado.

 

Cabdulahi Yusuf ayaa sheegey in Maxkamaddaha ay Muqdisho ugu tageen Ukun loona baahan yahay in la jabiyo ukuntaas.

 

"Waa joogaan Maxkamaddaha, waxaan habeen walba la tuur tuurayo iyaga weeye, mana aysan qarin oo markey cararayeen waxay yiraahdeen ururka-yagii waa laalnay, qaabkii dagaalkii baan badaleynaa, oo sidaas miyaynan oran," ayuu yiri Madaxweynaha oo intaa raaciyay in qaraxyada ka dhacaya Muqdisho habeenadan qeyb ka yahay dagaalkii oo ay badaleen

 

Madaxweynaha ayaa qeybaha Bulshada uu la kulmay ayaa waxaa ka mid ah beesha Galmudug waxgaradkeeda iyo siyaasiyiintooda, waxaana xubnihii beeshaas ka mid ahaa Xuseen Caydiid oo ah wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Faarax Jimcaale, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) Jen. Maxamed Warsame Dhooley iyo xubno kale waxayna beesha Sacad ay balan qaatay in ay la shaqeyn doonto dowlada KMG ah isla markaana hubka beesha ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu wareejin laheyd dowladda.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmay waxgaradka iyo siyaasiyiiinta Beesha iyagoo kala hadlay sidii casimada nabad loogu soo dabaali lahaa waxayna beeshas ay balan qaatay ka qeyb qadashada amniga iyo sidii hubka loogu wareejin lahaa dowladda.

 

Cali Muxayadiin Cali,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this