Jacaylbaro Posted November 29, 2007 Kampala (W/wararka-Jam)- Shir ballaadhan oo ay soo qaban qaabsay dawladda Uganda oo ay ka soo qaybgaleen madaxda bulshada Soomaaliya, odayaasha Soomaalida, Haweenka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan Uganda ayaa maanta ka dhacay hoyga guddoomiyaha bulshada Soomaaliyeed Mr. Xuseen Gadhweyne. Taliyaha Ciidamada Garoonka Diyaarahada ee Entebbe International Airport Captain Owomugisha Herman, ayaa ugu horeytii shirkaas ka hadlay, wuxuunna sheegay in ay jiraan qodobo dhowr ah oo laga doonayo in ay Soomaalida ka helaan, isla markaana ay ku dhaqmaan Soomaalida Uganda joogta iyo kuwa ka soo deganaya intaba. “Marka hore waxaan Ilaahey idinkaga baryaynaa in waddankiina uu nabad iyo degeshaansho ku soo dabbaalo, waayo waxaad tihiin walaalaheen, dhibkiiina waan ka damqaneynaa” ayuu ku bilaabay hadlakiisa, wuxuuna u sii dhaadhacay ujeedka shirka, isagoo yiri “Waxaan dhib ku qabnaa haddii aan nahay Madaxda Uganda, gaar ahaan saraakiisha Garoonka Diyaaradaha dadka ka soo baxsanaya dhibaatada ka taagan Somalia, mahan in aan diidanahay, laakiin waxaa jirta in dadkaas ay si sharci ah aysan ku socon, waayo waxaan heynaa caddeymo ay ka mid yihiin in aan aragnay dad Soomaali ah oo wata ticket one way ah oo aan laheyn return ama noqosho, ma dalka ayaad leedihiin?, sidaas oo kale waxaan heynaa dad Soomaali ah oo meel ay ka yimaadeen aan la aqoon oo garoonka ka soo degay, waayo wax cadeyn ah oo sheegaya in ay ka soo baxeen Muqdisho ama magaalo kale (Exit) kuma taalo Baasaboorradooda, ma cirka ayay ka yimaadeen mise dhulka, waan kala garan weynay, sidaas oo kale waxaan heynaa dad badan oo aan xitaas baasaboor wadan oo na soo gaaray oo garoonka ka soo degay”. Captain Herman wuxuu sheegay in dawladda Uganda ay soo dhaweyneyso dadka Soomaalida ah meel kasta ha ka yimaadaane, laakiin ay sharci ku dhaqmaan, iskana saxaan qaladaadka jira, sidaas oo kale ay dadka diyaaradaha soo saaraya ay iska ilaalinaan qiyaanadooda oo ay u soo dhameystiraan documents kooda safarka. Qodob kale oo mihiim ahaa ayuu Captain Herman kala hadlay Soomaalida magaalada Kampala wuxuu yidhi; “inta uu socodo shirka Commonwealth waxaan idinka codsaneynaa in aad habeenkii guryihiina ku jirtaan, waayo waxaa jira dad kale oo doonaya in ay isku keen diraan oo doonaya in ay qash-qashaadaan madaxda iyo wufuuuda caalamiga ah ee noo imaaneys, waxaan nahay isku dhiif, iku kalar, isku cunto iyo isku qaarad intaba.” Captain Herman wuxuu sheegay in documents kasta oo sax ah, ha ahaado mid hore iyo mid dambe intaba ay waaxda socdaalka aqbaleyso, haddii uu dhameystiran yahay. Sidoo kale shirkii galabta waxaa ka hadshay Marwadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariitee General Maxamed Faarax Ceydiid oo la yidhaahdo Khadiijo Gurxan oo iyadu isku xidha dawladda Uganda iyo Soomaalida wadankan, waxayna tidhi; “anigu waxaan har iyo habeen u taaganahay difaaca iyo u doodiida dadkeyga Soomaaliyeed ee Uganda jooga ama soo galay, ma doona in la i ceebeeyo, waa in aan la shaqeynaa dowladda, ammanka la sugnaa, amaradeedana aan qaadanayaa, waayo wadankooda ayaan joognaa, inagu waan soo gubnay keenee, kanna ku dari meyno, shrcigoodana waa in aan u hoggaansanaa” Khadiijo oo ka jawaabeysay hadal uu yidhi mid ka mid ahaa ka soo qeyb galayaashii shirka oo sheegay inuu ka mid ahaa dad ay ka soo dabiinatay xabsiga, laakii markii hore Khadiijo ka fahansanaa in ay hal qolo dowladda kala shaqeyso ayaa tidhi “Ana dadku waa is kugu keymid, Qabiil Haddii uu wax ii tarayo ma dileen ninkeygii Ceydiid, Soomaaliduna waa iskugu key mid, sidaas oo kale haddii qabiil wax tarayo dawlad ayaa lagu noqon lahaa” Khadiijo waxay sheegtay in dadka Soomaalida ah sida ay dawladda Uganda uga taxadarto aanay jirin cid kale oo ay u xushmeyso, waxayna intaas ku dartay in dawladda Uganda ay diyaar la tahay wax kasta oo ay bulshada Soomaalida ay codsadaan. Khadiijo waxay toddobadkii hore Garoonka Entebbe ka soo dabiintay dad gaaraya 30-qof oo la garan waayay meesha ay ka yimaadeen, maadama basaboorka ay wateen aannu laheyn bixid (exit), laakiin ka soo qaxay Muqdisho. Guddoomiyaha “Somali Community Association” ee Uganda Xuseen Garweyne oo isna ka hadlay kulanka shalay ayaa sheega in Soomaalida looga baahan yahay isku duubni wuxuu yidhi; “Gacmo wada jir ayay wax ku gooyaan, waxaa inoo fiican in aan isku difaacno midowgeena, waayo waxaan joognaa dal kale oo aan keenii ahayd, waloow dalkeena labaad uu yahay.” Guud aan dadkii ka soo qeybgalay shirkaa ayaa ballanqaaday in ay dawladda Uganda kala shaqeynayaan arrimaha ay codsaneyso, waloow si gooni ah looga codsanayo diyaarahada Muqdisho ka soo baxa in ay sharciga garoomadda iyo dadka safarka ah ilaaliyaan. Dawladda Uganda ayaa dooneysa in guud ahaan ay adkeyso ammaankeeda, maadaama uu shirka caalamiga ah ee Commonwealth uu ka dhacayo 23-25 bishan, isla markaana ay ka soo qeyb galayaan madaxda 53 wadan oo ay horkaceyso Boqoradda Ingiriika Queen Elizabeth, waxaanna jirta cabsi laga qabo Al-qaacida, waxaana dadka Soomaalida ah ay ku jiraan dadka la tuhunsan yahay. Jamhuuriya Online Quote Share this post Link to post Share on other sites