Sign in to follow this  
Saalax

Xafladii Qalinjabinta ardayda reer Somaliland ah dalka Yemen

Recommended Posts

Saalax   

lbv7km7ce9xcu9swbim2.jpg

 

Xaflad aan nooceeda hore loogu arag dalka Yemen ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ka dhacday hool wayn oo ku yaala jaamacadda Culuum Wateknolojiya ee magaalada Sanca. Xafladdan oo ay soo qaban qaabiyeen fuliyeena ururka ardayda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Yemen, waxay ahayd munaasibad ilyartu is qabatay oo aan loo kala hadhin, waxana ka muuqday wajiyo kala duwan oo soomali iyo ajaanibba leh. Xafladda waxa lagu soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo aad u raali galiyay dhamaanba dadka kasoo qayb galay.

 

Kulliyadaha ardaydani ka qalin jabiyeen waxay kala yihiin Engineering, Labarotories, Mass Communication (Media/TV.Radio), Business Administration, Computer Science, Accounting, Pharmacology, Agriculture, waxayna waxbarashadooda ku qaateen jaamacadaha Sanca, University of Science & Technology, Open University of Malaysia/International College iyo Queen Arwa University. Dufcaddan ayaa loogu magac daray buurta quruxda badan ee DAALO.

 

Xidhiidhinta xafladdan waxa si talan taaliya u waday C/ladif Cisman Caabi iyo C/qadir Maxamed Nuux, waxana aayado quraan ah oo lagu furay ka dib madasha ka hadlay guddoomiyaha ururka Ardayda Somaliland ee Yemen, Mudane Axmed Maxamuud Cilmi -Shawqi , isaga oo ka warbixiyey hawlaha ururka, xidhiidhka uu la leeyahay bulshada somaliland ee Yemen, jaaliyadaha ka dhisan Yemen, Ururada ardayda ee dalalka kale. Gudoomiyuhu wuxu sidoo kale soo jeediyay dardaaran ku socda ardayda qalinjabisay isaga oo ugu baaqay inaanay halkaas kaga hadhin tacliinta ee ay sii wadaan, isaga oo ugu danbayntiina u hambalyeey una rajeeyey mustaqbal iyo nolol wanaagsan.

 

Sidoo kale waxa kelmado wax ku ool ah madasha ka jeediyay xoghaya ururka ardaya Mudane Xasan X.Axmed Qanciye isaga oo ka warbixiyey ardayda ururka, wuxuna hambalyo usoo jeediyay dhamaanba dhinacyada la garab taagan ururka taageero hiil iyo hooba ah.

 

Mr. Ilyas Ramadan oo ah macalin wax ka dhiga dalka Yemen oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Kosovo, ayaa munaasibadda hadal aad u qiimo badan kasoo jeediyay kaas oo ku saabsanaa qadiyada gooni isu taagga Somaliland isaga oo tilmaamay meelaha aynu iskaga midka nahay iyo in ugu danbaynta aynu ictiraaf helayno. Khudbadiisa oo ku baxday luqada Englishta waxay muujinaysa sida qaddiyadda Somaliland ay ula mid tahay qaddiyadda Yugoslafiya, taas oo uu tilmaamay in musuq maasuq iyo maamul xumo darteed ay reer Kosovo ahaan u goosteen inay madax banaani helaan taas oo u rumowday.

 

Waxa isaguna halkaas hadal kasoo jeediyay guddoomiyaha danaha jaaliyadaha Soomaliyed ee dalka Yemen Mudane Maxamed Cali Xirsi -Dhegdhaqaaje, isaga oo u hambalyeeyey ardayda qalinjabisay iyo ururka ardayda Somaliland ee Yemen oo ku tilmaamay mid firfircoon oo qabta arrimo aad u muhiim ah. Gudoomiyaha waxa shahaado sharaf madasha ku gudoonsiiyay qaar ka mid ah ardayda jaamacadda Culuum wateknolojiya ee qalinajinayay.

 

Wakiil ku xigeenka xafiiska Somaliland ee dalka Yemen, Mudane Maxamed Xirsi Gudaal, ayaa isna halkaas ka hadlay , isaga oo ka warbixiyey dalka Somaliland iyo sida ardaydan qalin jabinaysa oo kale ay wax uga tari karaan, wuxu sidoo kale u hambalyeeyey ururka ardayda Somaliland ee dalka Yemen iyo wax qabadkiisa, ugu danbayna wuxu ku booriyay ardayda inay waxbarashada si wadaan oo dedaalka sii laban laabaan.

 

Munaasibaddani waxay ahayd mid farxad badan, jamaahiirtii madasha fadhidayna kasbatay, waxana halkaas lagu soo bandhigay abaal marino la siiyay qaar ka mid ah kasoo qayb galayasha kuwaas oo ka jawabay su'aalo la waydiiyay, sidoo kale waxa goobta ka hadlay C/risaq Cisman Dawlad iyo Muna Maxamed Xirsi oo afka ardayda qalin jabisay ku hadlay. Dhanka kalena waxa hadalo qiimo leh soo jeediyay dadkii ka hadlay xafladda oo ay ka mid ahaayeen inan ku hadlaysay magaca xubnaha guud ee ururka, Sahra Xuseen Maxamed kuna khudbadaysay luqadda carabiga iyada oo farxadeeda ku cabirtay kelmado macaan oo ay u jeedisay qalin jabiyayaasha iyo dadka goobta fadhiyayba.

 

Xafladdan waxa shahaadooyin ururku ku gudoonsiyay ardayda qalin jabisay, waxana dabaal degga qalin jabintu ahaa mid aad loo soo agaasimay iyada oo ardayda qalin jabisay fadhiyeen kuraas gaar ah oo loo qoondeeyey, sidoo kale waxay hoolka xafladu ka socotay usoo galeen qaab cajiib ah iyaga oo markii danbena fuulay stage-ka ama halka laga daadihinayay xafladda halkaas oo ay ku qaateen dabaal deggooda.

 

Isku soo wada duuboo xafladdan oo dad tiro badani oo aan hore loogu arag xafladihii hore kasoo qayb galeen, waxay u dhacday habsami iyo hanaan qurxoon, waxana lagu soo bandhigay tix iyo tiraab, madadaalo, hadalo hambalyo iyo dardaaranba ah, iyo barnaamijyo kale. Waxay ahayd xaflad koobsatay luqadaha saddexda ah ee English, Arabic iyo Somali.

 

Xoghaya Ururka Ardayda JSL ee Yemen

Sanca

 

 

js8gkptj88v48ljr6geg.jpg

 

 

hhyksligjlzhoo7kuhvt.jpg

 

 

z7hv7jf8kjdvo5bzg6wp.jpg

 

 

http://sanaag.org/details.asp?id=1458&dt=news

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this