Sign in to follow this  
Juje

Dooni Meyno....(pics)

Recommended Posts

Juje   

Banaanbax ka dhan ah ciidamada Ethiopia oo maanta ka dhacay Muqdisho

Mogadishu 07, Nov. 07 ( Sh.M.Network)- Dibadbax looga soo horjeeday joogitaanka ciidamda Ethiopia ee dalka Somalia iyo dilalka ay geeysanayaan ayaa maanta ka dhacay wadada 30ka ee Magaalada Muqdisho

Dad gaaraya boqolaal ruux oo isugu jira caruur, haween watayna boorar ay ku asteeysanaayeen erayo ka dhan ah Ciidamda Ethiopia ee ku sugan dalka Somalia ayaa maanta isgu soo baxay xaafadaha ku teedsan wadada 30ka.

Dibadbaxayaasha ayaa socodkooda ka bilaabay isgooyska Carwa Idko waxa ayna socdeen illaa warshadii hore ee Caanaha iyagoo gubayayna Taayero kuna qeeylinayay ereyo ka dhan ah howl-galada ciidamda Ethiopia ee ay ka fulinayeen qeeybo ka mida xaafadaha gobolka banaadir iyo dilalka arxan darada ah ee ay geeysanayaan.

Guud ahaan waxaa hakad la galiyay isku socodka gaadiidka ee wadadaasi intii ay ka socdeen dibad baxyada si loo xakameeyo qaab sami u socodka banaanbaxaasi.

Dibadbaxyada ka dhan ah ciidamda Ethiopia iyo kuwa dowladda Somalia ayaa waxaa ay ku soo beegmayaan xili maamulka gobolka Banaadir uu soo saaray wareegto ay ku mamnuucayaan qabashada isku soo bax aan maxkamada gobolka banaadir looga heeysan ogolaashiyo in uu ka dhaco Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa ay ku soo beegamayaan banaanbaxyadaan xilli maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho lagu arkay meydadka dad kor u dhaafaya 8 ruux oo intooda badan ay dileen ciidamada Ethiopia.

 

dibka1.jpgdabka4.jpg

 

dabka8.jpgdabka5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this