Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Puntland Finance Minister, a safe pair of hands

Recommended Posts

Ma oran karnaa Wasaaradda Maaliyadda Puntland kaalinteedii wey kasoo baxday?

Posted to the MOL January 11, 2010, 8:54 am

 

Maamulkii hore ee madaxweyne Cadde Muuse runtii wax baddan oo ay qabteen wuu jiray, haddana waxaa ugu weynaa oo ay ku fashilantay waxaa uu ahaa maareynta ay sida xun u maareeyeen dhaqaalihii Puntland, oo waliba wasaaraddii maaliyadda ay doorkeedii qaadan weyday, taasoo keentay in uu fariisan waayo dhaqaalihii puntland sida dollarkii sarifkiisa oo marna cirka galayey marna aad hoos ugu dhacayey, lacago faalso ah oo fara baddan oo leyska soodaabacday, maamulka oo kontorooli waayey mashiinadii ay dadka iska soo qaateen, shaqaalihii iyo ciidamadii oo mushaharaad loo waayay, dhaqaalaha oo galayey jeebab qaldan, kuwaasoo ku dhisnaa nidaamka fadlanta ah iyo qaar kaloo baddan.

 

Haddaba markii uu soo galay tartanka madaxtinimo madaxweyne Faroole waxaa ololeyntiisa ugu weyna in uu yir waxaan gacan adag ku qabanayaa oo wax weyn ka badalayaa nidaamka maaliyadeed ee Puntland. Isla markii la doortayba waxaa uu sheegay in uu wasaaradda maaliyadda oo ah halbowlaha ugu weyn hay’adaha Puntland in uu u dhiibi doono shaqsi aqoon iyo qibrad weyn u leh maareynta maaliyadda. Dad baddan ayaa isweydiinayey halka uu madaxweynuhu ka keenayo shaqsigaa, Kadib markuu magacaabay ayaa haddana waxaa soo noqotay arinta ah shaqsigan oo ahaa qurbojooge oo aanan siyaasadda horey looga aqoon iyo qaabka uu ka filayo madaxweyne faroole in uu u maareeyo dhaqaalaha Puntland.

 

Riyadii madaxweyne faroole waa ay dhabowday oo markiiba wasiirka cusub waxaa uu ku guuleystay in uu aqoontiisa iyo qibradiisa la kaashado caqabadihii hor taagnaa dhaqaalihii puntland. Waxaa uu markiiba la dagaalay musuqmaasuqii iyo lacagihii sida qaldan loo qaadan jiray oo ugu dhici jirtay jeebabka qaldan, waxaa uu fadhiisiyay sarifkii lacagaha qalaad oo illaa iyo maalintay qabteen illa iyo hadda uu fadhiyo uusan isbadal weyn ku dhicin, nidaamkii wax walbaa gacanta lagu qori jiray oo ay u badaleen nidaam kombiyuutareysid ah, mushaharaadkii shaqaalaha iyo ciidamada oo si joogto ah loo qaato, iyo dakhligii dowladda oo aad u kordhay.

 

Waxaa iyagana wax weyn laga qabtay oon meesha aan laga saari Karin waxbarashada oo runtii uu wasiirka waxbarashada muujiyay karti iyo aqoon iyo uu heelanaan in uu wax weyn ka badalo nidaamka waxbarasho ee Puntland.

 

Inkastoo caqabado kaloo fara baddan ay jiraan sida amnigii oo ay kooxo danaystayaal ahi ay qalqal galinayaan, abaaro baahsan iyo mas’uuliyiintii dowladda oo lala beegsanayo dilal, haddana waxaan oran karnaa Puntland isbadal weyn ayaa laga dareemayaa.

Haddaba waxaan rabaa in aan qoraalkeyga kusoo afjaro labo arimood oon midna aan kula hadlayo maamulka midna shicibka.

 

- Tan maamulka: - Inkastoo aad wax weyn oo isbadal ah aad sameyseen haddana ogaada Puntland wey dayacan tahay weli oo waxa ay u baahan tahay Vison dheer oo mustaqbalka loo horseedo, tusaale ahaan maamulka maxaa u qorsheysan shan sano dabadeed, side ayeey doonayaan in ay puntland u ekaato shan sano Kadib. Runtii haddaan vision noocaas ah la sameyn macno yeelan meyso wax leyskaga qabto by chance, waa in mar walbaa qorshe lasii degsadaa. Waxaan kaloo maamulka kula talinayaa in deegaanada uusan weli tegin uu isku dayo inuu tago oo wax ka qabto sida Sool, Sanaag, Ceyn, Heyland, Bariga Fog iyo magaalooyinka kale oo dhan. Wey jirtaa in ay dhib weyn idinku heyso qalalaasaha amni daro haddan sidii uu horey u yiri allaha u naxariistee madaxweyne Cabdirishiid Cali Sharmaarke gacanna Qorigga gacanna Doorashada. Hadda Faroole waxaan kaa rabnaa gacanna Qoriga gacanna horumarka Puntland.

 

- Midda shacabka waxaan leeyahay armay danteena ku jirtaa in wanaaga lagala shaqeeyo maamulka oo aynu iska soo qabano kuwa nagu hayo qalqalka io amni darrada. War ha eegina shaqsi ee eega danta guud ee Puntland. Puntland oo hormartaa waxaa ay dan ugu jirtaa idinka iyo ubadkiina. Guud ahaan Soomaaliya waxaa allaah ka baryayaa in uu ku soo dabaalo amni iyo nabad waarta oo uu Allaah danta Soomaali weyn garadsiiyo.

 

Qoraalkeygii waa iga inta waxaan leeyahay allaah ayaa iska leh mahaddaas oo idil kadibn waxaan leeyahay hambalyo madaxweyne Faroole iyo wasiiradiisa gaar ahaan Faarax Cali Shire iyo Juxaa

 

Wabilaahi towfiiq

 

 

A.Jamaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good to see that the Finance ministry is doing a good job managing the state's coffer. This slow but steady progress is very crucial for good governance and will help create a more stable economy in the long run.

 

Kudos to Faroole for hiring a competent individual for this important office. Now it is up to him to hold his other ministers accountable and to ensure they run their respective portfolio's as efficiently and as effectively as possible.

 

Over-all this is good news for the people of Somalia(in Puntland in particular) and insha Allah much success to the state ministers and to President Faroole as well.

 

Mr. President, as long as you are giving us positive results, you will have our support.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this