General Duke Posted July 16, 2007 Boosaaso: Maraakiib Cusub oo ay leedahay dawlada Faderaalka ee Soomaaliya oo lugu soo bandhigay Magaalada Boosaaso. 16. juli 2007 Boosaaso(AllPuntland)- Magaalada Boosaaso ee dawlad gobaleedka Puntland ayaa waxaa maanta lugu soo bandhigay Maraakiib cusub oo leedahay dawlada Faderaalka ee Soomaaliya. Maraakiibtan maanta lasoo bandhigay ayaa waxa ay gaarayaan 4 Markab ,waxaana lasaaray ciidamo kala duwan oo ah Miriniska Dalka Soomaaliya,ayadoo lugu waramay in dhawaan ay shaqo bilaabayaan Maraakiibtan. Cabdi Cali Taar (Xiif) oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada dawlada Faderaalka ayaa sheegay in maraakiibtan ay dawladu keentay ay dadaal dheer ugayshay,markii ay xeebaha Soomaaliya soo buux dhaafiyeen Maraakiib Shisheeye oo kheyraadka xeebta Soomaaliya xadaya. Wuxuu kaloo sheegay Sarkaalkan in ay ka danbaysay arintaan markii xeebaha Soomaaliya ay noqdeen ,meel ay ku tarmaan kooxaha burcad badeedaa kuwaas afduubyo ka geysta Xeebaha Soomaaliya. Cabdi Cali Taar ayaa sheegay in ay xalay wasiirka Kulluumeysiga iyo Kheyraadka Bada Xasan Abshir Faarax dawlada Sucuudiga ka wada hadleen ,sidii Boqortooyada Sucuudigu utaageeri lahayd qorshahaasi ay dawlada Soomaaliya kula dagaalamayso Burcad badeed Soomaalida. Wada hadalan uu sheegay Mr.Xiif in ay dhex mareen dawladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga ayuu sheegay in ay ku dhamaadeen guulo lataaban karo ,isagoo sheegay in laga yaabo in Boqortooyada Sucuudiga laga helo taageero arintan ku aadan. Waa markii ugu horaysay oo lasoo bandhigo Maraakiib ay leedahay dawlad Soomaaliyeed 16 sanno ka dib markii ay burburtay dawladii Dhexe ee Soomaaliya ayadoo arintan sidoo kale ku soo adaay xeebaha Soomaaliya oo noqday meelo lugu baacsado Maraakiibta sida shixnadaha kala duwan ee gar gaar. Faarax C/qaadir Geylan Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 16, 2007 Maraakiib ay leedahay dowlada Soomaaliya oo maanta lagu soo badhigay magaalada Boosaaso. waxaa maanta lagu soo badhigay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamul goboleedka Puntland, maraakiib ay leedahay dowlada Soomaaliya kuwaasoo gaaraya ilaa 4 markab, iyadoo maraakiibtaasi ay dhawaan shaqo bilaabi doonaan sida uu sheegay sargaal sare oo katirsan ciidamada bada dowlada Soomaaliya oo kusugan magaalada Boosaaso. Maraakiibtaan oo aan la shaacin cida ugu deeqday dowlada Soomaaliya, ayaa maanta lagu soo badhigey magaalada Boosaaso, iyadoo saraakiil sar sare oo katirsan ciidamada bada, dowlada Soomaaliya ay sheegeen in looga hortagi doono, kooxaha afduubka u geysta gaadiida adeegsaday bada Soomaaliya, sidoo kale wuxuu intaasi ku darey sarkaal kaas ka tirsan ciidamada dawlada in looga hortagi doono Maraakiibta shisheeyey ee sida sharci darada ah oga kaluumeysta xeebaha wadanka Soomaaliya. "Dhawaan ayeey hirgalaysaa arintaan, waana wax qabad weyn oo ay dowladu qabatay, waxaana rajeynaynaa in mardanbe aysan dhicin kooxo afduub u geysta gaadiidka bada ee mara biya Soomaaliya, sidoo kale waxaan, ka hortagaynaa maraakiibta sida sharci darada ah oga kaluumaysata Xeebaha Soomaaliya, sidaasi waxaa yiri Cabdi Cali Taar(Xiif)- oo ka warbixinayey sababaha loo keenay Maraakiibtaan. Arintaan ayaa kusoo aadantay xili badda Soomaaliya looga digey in ay adeegsadaan maraakiibta iyo donyaha ay leeyihiin Shirkadaha Ajanabigaa. Waa markii ugu horeysay tan iyo markii ay dhacaday dowladii Maxamed Siyaad Barre, maraakiib ay leedahay Soomaaliya oo ka hawl gala biyaha bada Soomaaliya. Said Ahmed Husien umalx85@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites