Sign in to follow this  
Emperor

Djibouti:- Sheekh Shariif openly criticizes Eritrea in a press release statement

Recommended Posts

Emperor   

Sh Shariif Sh Axmed oo ku eedeeyey Eritrea in ay kala qeybinayso Isbahaysiga Dib u Xoraynta

Posted to the Web May 25, 14:38

 

Jabuuti:-Gudoomiyaha isbahaysiga Dib u Xoraynta Sh Shariif Sh Axmed ayaa maanta waxaa uu eedayn u soo jeedshay Dowlada Eritrea wuxuuna tilmaamay in ay wado kala qeybinta Isbahaysiga

 

 

Sh Shariif oo maanta shir jaraa,id ku qabtay dalka Jabuuti ayaa waxaa uu uga hadlay khilaafka baahsan ee soo kala dhex galay Isbahaysiga dib u xoreynta waxaa uuna sheegay in uu aad uga xun yahay in rag ka tirsan isbahaysiga ay warbaahinta ka hadlaan taas oo sheegay in uu shacabka uga cudurdaarayo taas oo ay ku muujiyeen in isbahaysiga uu kala jabay waa sida uu hadalka u dhigay.

 

Shiikh Shariif ayaa waxaa uu sheegay in dowlada Eritrea ay wado qorshe ay ku kal qeybineeyso Isbeheeysiga Dib u xureeynta isaga oo sheegay in uu taas ka xun yahay waxaa uuna ka codsaday in ay joojiso arinkaas wuxuuna amaanay sida Eritrea ay u soo dhaweysay una taageertay isbahaysiga

 

Waxaa marag ma doontaan ah in isbahaysiga uu u kala jabsan yahay laba garab oo haatan xarumo ku kala leh dalalka Jabuuti iyo Eritrea balse waa laga wada war sugayaa meesha uu ku danbeeyo khilaafka Isbahaysiga oo maraya hada mid aan la qarin karin.

 

C/Casiis Maxamed

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Sheekh Shariif “Eritrea ma noqon sidii aan u maleyneynay, waxaana ay bilowday isku *** dhexdeena ah “

 

Guddoomiyaha Isbahaysiga Asmara Sh Shariif Sh Axmed ayaa maanta markii ugu horeysay ka dhawaajiyay in dowlada Eritrea ay caqabad ku tahay hanaanka dib u hehsiisiinta dalka Soomaaliya,isla markaana ay hada bilowday in ay isku dirto xubnaha isbahasyiga uu hogaamiyo.

 

“Eritrea ma noqon sidii aan u maleyneynay, waxaana ay bilowday isku *** dhexdeena ah “ayuu yiri Sh Shariif Sheekh Axmed oo haatan shir jaraa’id ku qabanaya magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.

 

Inkastoo uu Skeehku sheegay Eritrea in aanay u danaynayn ummada Soomaaliyeed ayuu hadana intaa siidaba dhigay in wali isbahsyigii aanu burburin,laakin xaaladu ay tahay mid Eritrea ay dhibaato la daba taagan tahay.

 

Shirka jaraa’id wuu soconayaa iminka faafaahin dheeraadana dib ayaad kala socon doontaan Hadii Eebe Idmo.

 

Xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Dayniile report and take on this, although they show the Shariif displaying political diplomacy and geniusness about his criticism towards warmonger Eretrea's head of state, AFewerki, nevertheless openly critizised his divisive and wicked warmongering attitude...

 

 

----------------------

 

Sheekh Shariif “Waxaa nasiib daro ah in dowladda Eritreya ay beryahan dambe qaaday talaabooyin aan habooneyn oo shaki kala dhex geliyey isbaheysiga dib u xoreynta”

(SHIR JARAA’ID)

 

Guddoomiyaha isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa duhurnimadii maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, isagoo markii ugu horeysanayna ka hadlay khilaafka la sheegay inuu hareeyey isbaheysiga dib u xoreynta ee ka dhashay shirkii dhowaan magaalada Jabuuti ay iskugu tageen wufuud ka kala socotay dowladda federaalka Somalia iyo isbaheysiga dib u xoreynta Somalia, kaasoo ay dhexdhexaadinaysay Q/midoobay, inkastoo aaney wax natiijo ka soo bixin.

 

“Ugu horeyntii isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed waa urur dib u xoreyneed Siyaasi ah, nabadeed, loona dhisay inuu fagaaraha caalamiga ah ka difaaco qadiyadda umadda Soomaaliyeed, ujeedooyinka loo dhisay waxaa ka mid ah in ciidamada Itoobiya ee dalka qabsaday looga saaro hab kasta oo suuragal ah, sida ku cad nidaamka isbaheysiga qodobada 6-aad 7-ad iyo 8-aad, intaa ka dib waxaan shacabka Soomaaliyeed uga cudurdaaraneynaa warkii xubno ka tirsan isbaheysiga ka soo baxay oo runtii aan farxad gelinin umadda Soomaaliyeed oo xilli adag ku jirta, waxaana u balan qaadeynaa inaan ku dedaali doono sidii looga gudbi lahaa arimahaas, waxaana ugu baaqeynaa xubnaha isbaheysiga ee walaaca lama filaanka ah muujiyey iney dhowraan nidaamka iyo xeerarka isbaheysiga, isla markaana ilaaliyaan dareenka shacabka Soomaaliyeed ee ay daashadeen khilaafka dagaalka, wixii talo ah ama sixid ahna ay u soo maraan nidaamka iyo qawaaniinta isbaheysiga” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri Sheekh Sheekh Shariif

 

“Waxaan dowladda Eritreya ee aan saaxiibka nahay waxaan uga mahad celinaynaa isbarbartaagii ay isbarbar tageen qadiyadan xilli u Aduunka oo dhan albaabada naga ootay, waxaana nahay saaxiibo uu ka dhexeeyo hal cadow, marna diyaar uma nihin inaan ka abaal dhacno shacabka iyo Dowladda Eritreya abaalka ay inoo galeen, laakiin waxaa nasiib daro ah in dowladda Erireya beryahan dambe qaaday talaabooyin aan haboobneyn oo shaki kala dhex geliyey isbaheysiga, waxaana ka codsaneynaa iney dib uga fiirsadaan talaabadaasi, waxaaa u sheegaynaa kala qeybinta isbaheysiga lagu dhisay dalkooda inuusan iyana dan ugu jirin angana dan noogu jirin, sidaa awgeed waxaa codsaneynaa iney la xiriiraan madaxda isbaheysiga wixii talo ay hayaana ay halkaas u gudbiyaan, waxaana ugu hambaleynaa shacabka iyo Dowladda Eritreya sanadguuradii 17-aad ee kaasoo wareegtay madax banaanidooda oo ku beegneyd shalay, anagoo la qeybsaneyna farxadaas iyo gobanimada ay gaareen, waxaana u rajeynaynaa iney nabad iyo gobanimo ku waaraan” ayuu yiri Sheekh Shariif oo dhinaca kale sheegay inuu soo soo dhoweyneynayo eedeynta ay guddiga ilaalinta cunaqabateynta ee QM ay ka soo saareen Somalia taasoo ku eedeeynaysay ciiamada Itoobiya iyo kuwa Ugandha iney yihiin kuwa hubka ugu badan geliya Somalia.

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Xafiiska war qabadka Dayniile

Goternburg, Sweden

dayniilecom@hotmail.com

deyniilenews@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

^New love blooming between Emperor and Dayniile. Might it be a welcome presentment of good things to come in the political front. Holding my breath.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^This is the politics section, don't be naive, anyone will use any web portal whenever he deems to be appropriate... However, I have always used most of the Somali websites for news, purely to show the different veiw points on one particular issues... I never did rely on any one special website...

 

The more flavor and ingerdients you have the better...

 

PS: What do you have to say about the stance and open critisims of the Shariif towards Eretria, now that you have Halgan, Carmooyiin and Dayniile reporting on the same story, and there may well be others that I haven't checked...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

^^Whatever you say. On the Sheikh and his latest stance, I think I have given my opinion in more than one occassion. Repeating is of no use. Indeed, a poem where you are mentioned sums up my position on this issue. You may go and see in the poetry section (with the title Xiinfanin).

 

Also, one think I will request from you is to clearly highlight where you agree in either the issues we debate or the method of my argument; and where you don't. Of late, I only see that you throw curse like general statements on how it is difficult to discuss with me. That won't solve our problem.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Whether I disgaree with you or not matters less, neither does how you deliver you message matter as long as it is understandable, you message is all fine and getting throught but the problems seems to be that, when you don't go overboard on a particular debate, you like to dwell on one thing or perhaps keep repeat your earlier tunes all over again... It might be a problem for some SOLers but a tactic on your corner, its all good my brother...

 

To summerize we would have better intercourse if we both move on from an issue to the next instead of getting stuck, never worry about the agreement/disagreement perspective... I am not dismissing the likelyhood of reaching an agreement with you at all, its very likely as has been proved in the Somali politiking, we will one day throw parallel rockets from one side, I can only hope to come sooner than later...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Jabuuti: Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Xukuumada Casmara ku eedeeyay in ay wado qorshe ay ku kala qeybineyso Mucaaradka

25. maj 2008

 

Jabuuti (AllPuntland) - Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta ee lagu unkay Magaalada Casmara Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ku eedeeyay Dawlada Casmara in ay wado tallaabo ay ku kala qeybineyso Isbaheysigooda Mucaaradka ah.

 

Shiikh Shariif oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Jabuuti ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay mad madowga soo gala dhex galay Isbaheysigooda.

 

Waxaa uu muujiyay sida uu uga xun yahay hadalada ka soo yeeray Xubnaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta, kaasoo ku sheegay inuu muujinayo kala jab soo kala dhex galay Isbahesiga.

 

"Waxaan moodaa in maalmahan ay Eritrea bilowday tallaabooyin ay ku kala qeybineyso Isbaheysiga, anagoo uga mahad celineyna, Qaabilaadii ay inoo sameeyeen"ayuu yiri Shiikh Shariif oo ugu baaqay Xukuumada Isaias Afwerki in ay faraha kala baxdo arrimaha Isbaheysiga.

 

Shiikh Shariif ayaa u jeediyay Xubnaha Isbaheysigiisa in ay ka feejignaadaan Hadalada keeni kara kala fogaansho soo kala dhex gala Isbaheysiga, wuxuuna u jeediyay in ay ilaaliyaan dareenka shacabka soomaaliyed.

 

Kooxaha Mucaaradka Dawlada ayaa horay ugu kala qeybsamay shirka dib u heshiisiinta Jabuuti, waxaana garabka Shiikh Shariif hogaaminayo dib u heshiisiinta u muujiyeen dabacsanaan, hase ahaatee xubnaha kale ee uu ugu horeeyo Shiikh Xasan Daahir Aweys waxay qaadaceen shirka, waxaana ay ku eedeeyeen Ragga Shiikh Shariif hogaamiyo in ay si xaaraantinimo u saxiixeen qodobka muhiim u ah masiirka soomaaliya.

 

Hadalka Shiikh Shariif ayaa ku soo aaday xilli Xukuumada Casmara sheegtay in aanay dalkeeda soo geli karin Shiikh Shariif iyo xubnaha ka qeyb galay shirkii Dib u Heshiisiinta, waxaana moodaa Hadalka Shiikh Shariif inuu meesha ka saarayo saldhigashada Isbaheysiga ee Magaalada Casmara.

 

Cabdicasiis Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Sheekh Shariif oo eedeeyay Eritrea

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 25-May-08

--------------------------------------------------------------------------------

 

Gudoomiyaha Ururuka Isbaheysiga Dib u xoreynta Sheekh Sahariif sheekh Axmed ayaa markii ugu horeysay ku eedeeyay dowladda Eritrea in ey kala jabineyso isbaheysiga uu madaxda ka yahay.

 

Sheekh Sariif oo dhanka kale uga mahadceliyay dowladda Eritrea marxaladihii kala duwanaa ee ey la soo martay isbaheysiga dib u xoreynta ayaa ka codsaday dowladaasi in ey dib uga fiirsadaan habdhaqanka mudooyinkan danbe ey lasoo baxday dowladda Eritrea oo lagu kala dhantaalayo isbaheysiga.

 

Sheekha ayaa sheegay in isbaheysiga oo bur-bura eysan dowladda Eritrea dan ugu jirin islamarkaana iyaga ka Somali ahaana eysan sidoo kale dan ugu jirin.

 

"Shacabka Soomaaliyed waxaa ka raali gelinayaa dhawaaqa xun ee dhagahooda ku dhacaayey beryahan ee ka imaanaayey Isbaheysiga, waaa hadalo aan munaasib aheyn, oo aan lagu farxi karin, waxaana balan qaadeeynaa oo ku dadaaleeynaa inaan xalino wixii khilaaf ah ee jiro", ayuu yiri sheekha mar uu ka hadlayay hadlo kasoo yeeray qaar ka mid ah isbaheysigiisa.

 

Si kastaba ha ahaateen shir jaraa`idka uu saakay barqadii qabtay Sheekh Shariif ayaa kusoo beegmaya xilli uu isbaheysigaasi u muuqdo in uu labo u kala jabay oo ey mudooyinkan danbe dhanka warbaahinta isu marinayeen hadalo kul-kul.

 

Gudoomiyaha isbaheysiga iyo ku xigeenkiisa ayaa iminka ku sugan Jabuuti, halkaasna uga socdaa kulamo ey la leeyihiin beesha caalamka, waxa eyna sheegeen in qaab wadahadal ey sidoo kale uga saarayaan ciidamada Itobia dalka Somaliya islamarkaana ey eegayaan danaha umadda Somaliyeed ee dhibaatada ku jira.

 

Shirkan ka furmay Jabuuti ayaa waxaa qaadacay dowladda Eritrea iyo qaar ka tirsan isbaheysiga dib u xoreysnta uuna horkacayo Sheekh Xasan Daahir Uweys.

 

 

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

^^ Emperor

 

I felt that too. We must not get stuck on one issue. I am a late comer to this forum. And one thing I saw distrubed me. There is no question people in this forum are exceptionally gifted and intelligent. But, I saw a trend of bullying a particluar way of thinking. And the victims responded by disengaging from objective discussions on that controversial issue. Or maybe they have exhausted all that needs to be said long time ago and resigned to the fact they can't go any further.

 

But I think that sullies the othewise marvellous potential of this forum to educate, entertain and hopefully nurture positive and civilized thinking on matters that are dear to all of us.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

The man is growing increasingly cranky. What we all along suspected.

 

Blame Aweys, Indhacade and now Eritrea. Who's next? smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

^ He is talking about Eritrean attempts to break up the opposition. What is he doing right now with all these useless protestations in front of the media. Muu hawshiisa hoosta ka dhamaysto!!

 

If he is no longer in agreement on the vision and strategies of those he blames, he should say it loud. He should outline where he differs and what he wants to accomplish. He should highlight what arrangments are in place for him to achieve his objectives. And maybe, he will win our hearts. Otherwise, chants of patriotism and claims of holding monopoly on the silver key to heaven in Somalia won't stand the test of time.

 

Testing times make a man. It also kills a man. All the publicity stunts and zealous pronouncements of walaalayaal won't give bread or peace to the bleeding somali nation. We still have no clue of the framework or modalities under which the Sheikhs group intends to work with the TFG. We haven't heard unequivocal position on what he thinks about face to face talks with the TFG. The same is true on his position on the presence of Ethiopian army in Somalia. We know he hasn't retracted,officially, his firm positions on both issues. Maybe, It is premature and unfair of me to be so pessimistic. But my instincts rarely failed me. And it augurs bad omen, here.

 

Let us see what the good Sheikh will do next. I for one is prepared to give him all the time and benefit of doubt he requires.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Isseh, I think Shariifka is slowly letting the truth out, nothing is wrong with that...

 

^^ Emperor

 

I felt that too. We must not get stuck on one issue. I am a late comer to this forum. And one thing I saw distrubed me. There is no question people in this forum are exceptionally gifted and intelligent. But, I saw a trend of bullying a particluar way of thinking. And the victims responded by disengaging from objective discussions on that controversial issue. Or maybe they have exhausted all that needs to be said long time ago and resigned to the fact they can't go any further.

 

But I think that sullies the othewise marvellous potential of this forum to educate, entertain and hopefully nurture positive and civilized thinking on matters that are dear to all of us.

Abtigis, I positively agree with you on that, I treasure your contribution and respect you input, you shouldn't be misguided by the muscle strain, metatarsal strength test tossed amongst one another in SOL, I know you are an asset someone who can, should we unite the forces, contribute to the cause in a highly effective manner....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Clearly,Eritrea has her interests! But I don't see how Eritrea is too blame for the division that has appeared. Courts and the alliance are divided on the issue not because of Eritrea, but because of their own political differences.

 

Of course, Eritrea happens to side with the group that opposes talks. Keeping Ethiopians in Somalia is advantageous for her own interests. Still, though, the division exists because Sheikh Shariff and others want to have direct talks( eve though they have a funny of saying it), whilst others do not. And how does this latest move heal the divisions within that group? Waa Cajiib!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this