Sign in to follow this  
Jabhad

Warlord Caydiid:Dowlada Baydhabo haka qaxdo.

Recommended Posts

Jabhad   

Print This Article | Daabaco warkaan

 

 

 

Baydhabo (AllPuntland)- Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumada Soomaaliya Ing. Xuseen Maxamed Faarax Caydiid ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in magaalada Baydhabo aysan ku haboonayn in ay dawladdu sii daganaato.

 

Ing. Caydid ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in xukuumadda Soomaaliya uu marar badan ku taliyay in loo raro magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo oo kaga haboon magaalada Baydbo.

 

Wasiirka oo waraysi siiyay wargayska Al Sharq Al Awsad ayaa waxa sheegay in marar badan uu madaxwaynaha Soomaaliya talooyin kala duwan u jeediyay, uuna u sheegay in magaalada Baydhabo aysan dhan amaan iyo qaab istiraatijiyadba aysan ku haboonayn in ay dawladdu daganaato.

 

Hadalkani ayaa waxa uu soo baxayaa iyada oo dhowan uu fashil ku yimid wada hadal la filayay qaataan maxkmaahadaha magaalada Muqdisho iyo dawladda Soomaaliya.

 

Waxaa sido kale ka taagan gobolka Bay cabsi ku aadan in ay isku gacan saaran maxkamadaha iyo xukuumadda Soomaaliya o fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Xuseen Ceydiid “C/llaahi Yuusuf marar badan ayaan u sheegay inuu Baydhabo isaga tago oo uu dego Gaalkacyo”

 

Wasiirka arrimaha gudaha ahna ra'iisal wasaare ku-xigeenka dowladda federaalka Ing. Xuseen Max'ed Ceydiid oo u waramayay wargeyska Sharqulowsat ee ka soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in marar badan uu madaxweynaha dowladda KMG C/llaahi Yuusuf Axmed kula taliyay inuu dowladda ka raro magaalada Baydhabo uu uu sheegay inay tahay meel qatar ah, isla markaana uu u raro magaalada Gaalkacyo qeybteeda Waqooyiga oo uu sheegay inay gacanta ku hayaan maamul goboleedka Puntland.

 

“Madaxweynaha marar badan ayaan kula taliyay inuu dowladda ka raro magaalada Baydhabo una raro magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, haddii uusan awoodina uu u raro magaalada Gaalkacyo qeybteeda Waqooyiga oo ay gacanta ku hayaan maamul goboleedka Puntland” ayuu yir Ceydiid oo intaasi ku daray in ammaanka magaalada Gaalkacyo ay sugayaan ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan maamulka Puntland isla markaana aysan suuro gal aheyn inay si fudud ku soo weeraraan xoogaga maxaakiimta islaamiga.

 

“Markii aan imid magaalada Baydhabo waxaan u sheegay in loo baahan yahay laga raro dowladda magaaladan lana dejiyo magaalo ammaankeeda la isku hubo, gaar ahaana xukuumadii ka koobeyn 72-da wasiir, mana aysan dhicin, waxaase dhacay wixii aan anigu ka digayay ee aheyd in madaxweynaha la soo weeraray oo la isku dayay in la qaarajiyo” ayuu mar kale yiri Ing. Ceydiid.

 

Dhinaca kale, wareysigan oo aad u dheeraa ayaa mar waxa laga weydiiyay Xuseen Ceydiid sida uu u arko safarka Sheekh Xasan Daahir Aweys uu haatan ku joogo dalka Masar iyo waxa uu soo kordhin karo, waxa uu yiri “Waan ku faraxsanahay safarka guddoomiyaha golaha shuurada maxkamadaha ee Qaahira, waxaana filayaa in dalka Masar uu Sheekha siin doono talooyin waaweyn, waxaana filayaa in booqashadaasi ay noqoto mid natiijo wanaagsan kasoo baxdo” ayuu sidoo kale yiri Xuseen Ceydiid, oo sii raaciyay in Sheekh Aweys uu kaalin weyn ka qaadan karo daminta colaadaha ka taagan dalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale, mar la weydiiyay sida uu u arko shaqsiyan Sheekh Xasan Daahir Aweys oo lagu tiriyo inuu yahay nin aragagixiso ah isla markaana aan heshiis lala geli karin ayaa yiri “Maya ma aaminsani inuu yahay sidaas, Sheekhana aniga si fiican ayaan u aqaanaa, waa Abtigey, xaaskeygana wey wada dhasheen, waana nin Sarkaal Milateri ah, oo ka run sheega wax qabadkiisa, sidaas owgeedna waxaan aaminsanahay in wadahadal lala geli karo, isla markaana lala heshiin karo”.

 

Nasrudiin Ceydiid Salaad (Diini), Muqdisho, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   
smile.gif Ina Ceydiid, weligiisba hada unbuu runta ka dhawaajiyey. Intii TFGda kabtay meeday ku dhici lahayd, iyagoo iska duful gurta oo ka qaxa Baydhabo; wallee taas keliyaa ka badbaadin doonta dabar-go'.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this