Abwaan Posted November 10, 2007 Muqdisho: 24 Saac ee lasoo dhaafay Jawiga Muqdisho oo is badaley. 9. november 2007 APL -------------------------------------------------------------------------------- Muqdisho(AllPuntland)- Caasumada dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa kacsaneyd 24 saacd ee lasoo dhaafay waxaana ka dhacayay dagaalo iyo iska horimaadyo udhaxeeya dowlada Itoobiya & kooxaha ka soo horjeeda Nabadgalyada Magaalada Muqdisho. Dagaaladii ka dhacay Caasumada ayaa lugu soo qabqabtey kooxo badan oo dagaalamayay ,ayadoo dagaaladasina lugu soo qaaday Kolonyo Milateri oo ay leedahay dowlada Itoobiya waxa ayna sameeyeen Iska caabin xoogan leh. Isgoys-yada Magaalada Muqdisho ayaa inta badan lasoo dhigey ciidamado fara badan oo ay leedahay dowlada Itoobiya ,waxa ayna xoojinayaan howlgalo balaaran oo ay wadaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya. Masuul sare oo ka mid ah Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho ay soo abaabuleen dad doonaya in aysan nabadgalyo ka dhicin Magaalo Madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Wuxuu sheegay sarkalkaasi in ay dagaaladaasi ku dhinteen dad gaaraya 19 qof ,oo qaar ka mid ah yihiin Booliska Soomaaliya iyo Itoobiya inkastoo uu diiday in uu sheego tirada ka dhimatey dowladaha Soomaaliya iyo Kuwa Itoobiya. Ciidamada dowlada Itoobiya ayaa guud ahaan badaley jawiga Magaalada Muqdisho ,waxa ayna magaalada lasoo galeen gaadiidka dagaal ee waa weyn sida Taankiyada waa weyn ee rasaastoodu gaarto 7KM ,iyo qoryaha leh diirada ee lugu bartilmaameedsanayo dad ridaya rasaasta. Mid ka mid ah dadka deegaanadii lugu dagaalamay oo magaciisa ku sheegay Maxamed Cabdi ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya dagaalkaasi looga soo qaaday guri dhamaantiis dhulka ay dhigeen. Isku soo wada xooriyoo Wariyaasha jooga Muqdisho ,waxa ay leeyihiin Jawiga caasumada oo dhan waa badalan yahay oo goob walba oo aysan horey ujoogin ciidanka Itoobiya waa la xiray. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland Waxaa yaab ah, shacabka iyo ilmaha saqiirrada ah iyo hooyooyinka miyaa nabad diid ah. Ciidammada Itoobiyaanka iyo sida uu u buunbuuninayo ayaan la yaabay. Waa yaab qofkaanba Soomaali iyo Muslinnimo ayuu kula sheeganayaa ee toloow maxaa lagu tilmaami karaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted November 10, 2007 Soo guurideeda adiga soo guurisay ayaaba xaaraan ah. Waxaan camal ha isku mashquulin, don't even go shabakooyinkaas camal, which is both waqti dhumis iyo lablabo kaa keenaayo. Stick with credible Soomaali sites. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted November 10, 2007 brother Miskiin I will take your advice, thank you. It is just that I tend to visit many Somali websites just to get a fair news but sadly as this and many others show they are just a propoganda tool which spreads hatred around . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted November 10, 2007 ^^The folks that post such news suffer from persistant delirium sxb. They are no bother. Quote Share this post Link to post Share on other sites