Sign in to follow this  
SOO MAAL

Jowhar: Diyaar garow lagu soo dhoweynayo Madaxda dowladda oo ka socda Jowhar

Recommended Posts

SOO MAAL   

Jowhar: Diyaar garow lagu soo dhoweynayo Madaxda dowladda oo ka socda Jowhar

 

 

Diyaar garow aad u ballaaran oo loogu diyaar garoobayo soo dhoweynta dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa ka socda degmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

 

Qeybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda gobolka ayaa waxay ku guda jiraan diyaarinta barnaamijyada loogu talagalay maamuuska iyo soo dhoweynta madaxda Qaranka Soomaaliyeed oo la filaayo in todobaadkan ay soo ggaaraan halkaasi.

 

Durbada waxaa bilowday in xarumaha Ganacsiga iyo xafiisyada la suro sawirada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi.

 

Waxaa magaalada Jowhar ilaa horaanta todobaadkan ku sii qulqulayey gawaari quruxsan iyo aqoonyahano ka tegayey magaalada Muqdisho si ay ugu qeybgalaan soo dhoweyntaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this