Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Somali National Forces ready to bring security back

Recommended Posts

Ciidamo gaaray Muqdisho

23 Jul 23, 2008 - 7:37:20 PM

 

Ciidamo dhawaan DF loogu soo tababaray dalka Ethiopia ayaa maanta gaaray Muqdisho; iyagoo fariisimo sameystay, lamana garanayo talaabada xigi doona ee ay qaadayaan.

 

Taliyaha ciidamadan cusub Col. Daahir Max'ed Cabdi [Daahir Dheere] oo la hadlay saxaafada markii ay gaareen Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadan cusub loogu talogalay inay sugaan amaanka Muqdisho oo aad u xun.

 

"Ciidamadu waxay soo celin doonaan amaankii Muqdisho; waxayna la dagaalami doonaan kooxaha mucaaradka ah ee aan diidan nabad dhalata" ayuu yiri Col. Daahir Dheere.

 

Ciidamadaan oo socod kusoo maray jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxay dhaawac u geysteen ugu geysteen deegaanka KM-13 laba qof oo rayid ah, kuwaasoo saarnaa gaari BL ah.

 

Goobjooge ku sugan deegaanka KM-13 oo rasaastan ay ka dhacday ayaa u sheegay Garowe Online in dhalinyaro ka tirsan kuwa deegaankaas qaxa ku jooga ay isku dayeen inay ciidamada jidka uga xiraan dhagaxaan, balse ay taasi keentay inay ciidamadu rasaas furaan.

 

"Rasaastii ay ciidamadu fureen waxay ku dhacday gaari caasi ah oo marayay halka uu falkaas ka dhacay, laba qof ayaana ku dhaawacmay" ayuu goobjoogahaan oo magaciisa qariyay u sheegay Garowe Online.

 

Ciidamadan ayaa waxay ku labisan yihiin dharka u eg kan ay ku labistaan ciidamada Ethiopia, waxayna wataan gaadiidka dagaalka iyo kuwa ciidamada xambaara oo Ural ah, iyadoo gaadiidka qaarkoodna ay jiidayaanmadaafiicda waaweyn.

 

Qaar ka mid ah ciidanka ayaa waxay dageen Taliskii Asluubta oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo Ethiopian ah, halka ay kuwo kalena dageen wasaarada gaashaandhiga oo iyadana saldhig u ah ciidamada Ethiopia ee ku sugan Muqdisho.

 

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay ciidamadan cusub ee Muqdisho gaaray ayaa sheegay inay yihiin kuwo sugay amaanka Muqdisho, iyagoo hub ka dhigis sameyn doonaan.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Dawladda Soomaaliya oo imika dooneysa Xasilinta Muqdisho & Sameynta Hubka dhigis laga sameeyo Caasumada Soomaaliya.

24. juli 2008

 

Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamo fara badan oo dhawaan tababaro loogu soo xirey dalka Itoobiya ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ,waxaana lugu qaaday weeraro xoog leh ayadoo ay talaabtaasi ay ka hadleen Saraakiisha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed & Maamulka gobalka Banaadir.

 

Saraakiishan ciidamadan waxa ay sheegeen in ay ciidamadan qaadayaan talaabo waa weyn oo ay wax kaga qabanayaan Amaanka Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,ayagoo eegaya goobaha ay sida gaarka ujoogaan Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Sarkaal sarre oo ka tirsan ciidamadan Magaciisana ka gaabsaday in Saxaafada laga sheego ayaa usheegay AF in ay ciidamadan yihiin kuwa siweyn loo soo tababaray Ujeedkuna yahay sidii ay amaanka Magaalada Caasumada ah ,ugu soo celin lahaayeen gacanta dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Masuulkan oo la weydiiyey in ay ciidamadan leeyihiin Madaxda dawladda Soomaaliya qaar ka mid ah, siiba Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed & Wasiirka Gaashaandhiga Muxyadiin Ibraahim Xaaji ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin arintaasi ,ayna warkaasi baahiyeen Warbaahinta ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Sarkaalkan Milateri wuxuu sheegay in ciidamadan laga keenay gobalada Soomaaliya oo dhan ,ayna inta badan laga qorey gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya ,ayna muhiim tahay in la hubsado wararka la sheegayo ,isagoo walaac ka muujiyey sida mustaqbalkoodu noqon doono Kooxaha wararkaasi gudbinaya.

 

Goobaha ay dhibaatooyinka badan ka jiraan waxaa ka mid ah Xaafado kuyaala Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,ayadoo ay sidoo kale jireen goobo ay amaan daro baahsan ka jiraan oo ay ka mid yihiin Wadada dheer ee Warshadaha oo ay ku teedsan yihiin Xerooyin Milateri oo ay leedahay dawladda Soomaaliya.

 

Galida ay ciidamadan galeen Magaalada Muqdisho ayaa walaac ku beertay dad badan oo Reer Muqdisho ayagoo cabsi ka qaba dagaal lugu qaado ciidamadan ,ayna ciidamadan adeegsadaan Hubka culculus ,balse Maamulka gobalka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in ay qaadayaan talaabooyin Hubka dhigis ku jirto.

 

Sarkaal sarre oo ka tirsan maamulka gobalka Banaadir ayaa ku dhawaaqey warkan ,wuxuuna si gaar ah usheegay in ay ciidamadan galayaan Degmooyin badan oo ay dagaalo kala kulmaan ciidamada dawladda Soomaaliya ,taasoo dad badan ay garan la'yihiin Degmada ay ula jeedaan laakiin waxaa marag madoonto ah in meelo ka mid ah Muqdisho ay dhibaatooyin badan ka jiraan.

 

Khuburada la socota arimaha Soomaaliya ayaa ku sheegay in ciidamadan lageeyey Magaalada Muqdisho & hadalkii ka soo yeeray dawladda Mareykanka ee ahaa in ay Washignton qeyb weyn ka qaadan doonto xasilinta Muqdisho ay cadeynayaan howlgalo dhinac walba leh oo laga fulin doono Magaalada Muqdisho.

 

F. C. Geylan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this