xiinfaniin Posted December 4, 2009 Sh Xassan Daahir Qaraxa Hotel Shaamow waxaa fuliyey Cadowga Umada Soomaaliyeed.(Dhagayso) Posted to the Web Dec 04, 13:04 Muqdisho:-Sh Xassan Daahir Aweys oo ah Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxii shalay ka dhacay Hotelka Shaamoow oo ay ku naf waayeen dad muslin ah oo aan waxba galabsan . Sh Xassan Daahir ayaa khudbadii Jimcaha ee masjidka Abuu Hureyra ka dib wuxuu ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay Hotel Shaamow isaga oo sheegay in qaraxaas ay ka danbeeyaan cadowga Soomaaliya cidii ka danbeysayna lala xisaabtami doono. Sheekh Xasan daahir Aweys ayaa yiri “Falkaas waxaa gaystay Kooxo Dabaallo ah waxay laayeen dadkii Indhaha u ahaa Bulshada Soomaaliyeed ma noqo doono midkii ugu dambeeyay iyo kii ugu horeeyay kuwa ka daran ayaa la sugayaa” Sheekh Aweys ayaa sheegay in xaaraan maqdac ah ay tahay in dhiiga muslinka lagu daadiyo si sahal ah wuxuuna hoosta ka xariiqay in lala xisaabtami doono cid walba oo macna daro ku daadisa dhiiga shacabka muslinka ah ee Soomaaliyeed. Sh Xassan ayaa sheegay in cadowga Soomaalida uu faro badan yahay isaga uu ka danbeyo leynta waxgaradka Soomaaliyeed . Ilaa haatan ma jirto cid si rasmi u sheegatay masuuliyada qaraxa waloow uu afhayeenka Al-Shabaab uu tacsi u diray ardaydii iyo dadweynihii ku dhinay meeesha wuxuuna murtadiin iyo gaalo ku tilmaamay wasiirada Shariif taas oo tuhun badan galisay dadka waxgaradka ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted December 4, 2009 The spinelessness rhetorical from the coward himself Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted December 4, 2009 sawirkii ninkii is miidaamiyey Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted December 4, 2009 Looks like suicide belt. Allow sahal amuuraha. Sheekh Xasan daahir Aweys ayaa yiri “Falkaas waxaa gaystay Kooxo Dabaallo ah waxay laayeen dadkii Indhaha u ahaa Bulshada Soomaaliyeed ma noqo doono midkii ugu dambeeyay iyo kii ugu horeeyay kuwa ka daran ayaa la sugayaa” Is this a predition for worse things to happen and is he alluding to alshabaab (Kooxo Dabaallo ah)? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacpher Posted December 5, 2009 Sheekh Aweys ayaa sheegay in xaaraan maqdac ah ay tahay in dhiiga muslinka lagu daadiyo si sahal ah wuxuuna hoosta ka xariiqay in lala xisaabtami doono cid walba oo macna daro ku daadisa dhiiga shacabka muslinka ah ee Soomaaliyeed. Does this xoolo understand what he's talking about? Xassan Daahir iyo dhiig xaaraan miyaa kala reeb leh horta? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mr. Somalia Posted December 5, 2009 Xassan Daahir hadalkiisu haday dhab ka tahay waa inuu dawlada taageero maanta laga bilaabo. Laakin dhannah waan ka tacsiyeenayaa, dhanka kalena Al Shabab aan la jiraa oo dawlada ayaan la dirirayna, arin soconayso ma aha. Anigu hadii talo la iga dhageysanayo, waxaan dhi lahaa Xassan Daahir leftigiisa ina masuuliyada Qaraxii Shaamow dusha laga saaro. Shacabka Muqdisho iyo Soomali oo dhan ba, waa iney iska qabtaan Xassan Daahir iyo mujrimiinta faraha badan oo magacyo kala duwan lawada baxay, ujeedadooduna tahay iney ummada Soomaliyeed baabi'iyaan, weligeedna dawlad iney ka hirgalin. Quote Share this post Link to post Share on other sites